• Home
  • About SOMA
  • Contact Us

SOMA: Somali Media AssociationSOMA: Somali Media Association - Shaping The Future of Somali Media

  • Home
  • About SOMA
    • Membership
  • Partners
    • FOJO Institute
    • IMS
    • SOSCENSA
  • Programs
    • SOMA PROGRAM SHARING
    • Soma advocacy
  • News
  • Contact Us
  • SomaliAf-Somali
SOMA: Somali Media Association

Muqdisho: Haween la kulmay xad-gudubyo oo helay Tababarro & Shaqo abuur

Last updated Jan 25, 2022
Share FacebookTwitterGoogle+ReddItWhatsAppPinterestEmail

Lixdan haween danyar ah oo la kulmay dhibaatooyin xadgudub iyo tacatiyo jinsi ah ayaa hada helay tababar, daawayn, shaqo abuur, iyo xirfado kala duwan oo ay barteen kuwaas oo hadda nolol maalmeedka qoyskooda kasoo dhacsada waxyaabihii ay barteen intii ay qaadanayeen tababarka ay siisay  Hay’adda HINNA oo ka shaqaysa arrimaha tacadiyada loo gaysto haweenka danta yar ee ku nool kamamka barakcyaasha ee ku yaala gobolka banaadir iyo duleedkiisa.

Fardowsa Cabdi  oo aan ahayn magaceeda saxda, qofta aan la kulanay waxay ka mid tahay haweenka loo gaystay kufsiga waxay SOMA  u sheegtay in labo nin oo hubeysan midna uu watay mindi midna bastoolad,  ay weerareen xilli ay ku sugneyd meel u dhow xerada bangala ee dagmada dayniile oo ay deganeyd marka oo ay kasoo gureysay qoryo ay ka raadin jirtay nolol maalmeedka carruurteeda.

Waxay xaqiijisay in la garaacay lagana ka xeystay banaanka xerada oo ah meel uu ku badan yahay geedka loo yaqaano Geed yahuudka ay shaqada ka heysay oo la geystay meel ka fog wadada jidka oo aysan marin dadka iyo gaadiidka kadibna la kufsaday.

Ma jirin laf jabtay laakiin waxay inoo sheegtay in jug culus la gaarsiiyay oo nin ka mid ah raga kufsaday uu kabihiisa oo buud ahaa Madaxa uga garaacay ilaa ay tababar beeshay.

Fardowsa oo ah hooyadda Sagaal Carruur oo agoon ah markii uu dhibku gaaray waxay dib ugu soo laabatay xerada Bulsho Kaab oo ay deganeyd tan iyo 2017 kadibna waxay dhibka gaaray la wadaagtay maamulka xerada waana lagu guuldareystay in gacanta lagu soo dhigo labadii ruux ee dhibaatada geystay, inkastoo labo maalin ka dib la geeyay xarunta Hay’adda HINNA ay ku leedahay Xaafadda Bangalla oo lagula tacaallo haweenka loo geysto tacadiyada.

Halkaasi waxaa ka heshay in marka hore la hubiyay dhibaatada gaartay ka dibna kalkaaliyeyaashii Caafimaadka ay siiyeen daawooyin, iyo la talin , islamarkaana xaaladeeda lagula socday muddo saddex bilood ah.

Hadda waxay joojisay Fardowsa qoryihii ay banaanka kasoo raadin jirtay oo nolosha qoyskeeda ku tiirsannaa maalinkiina ay ka heli jirtay labo dollar ilaa Saddex doollar waxaana shaqo abuur iyo la talin ay ka heshay hay’dda HINNA, iyadoo la baray Harqaanka ka dibna la siiyay waxaana ay ka dabartaa masruufka qoyska.

“Anigo qoryo aruurinayaa labo nin i xoogtay saasaa inta la ii keenay daawo iyo waxaasa lay siiyay waan ku caafimaaday waxay iqabatay shaqay isiisay labo anoo joogaa lay keenay dawoyin isisay iyo shaqo abuur iisamaysay anagoo badana nala keenay”

Maryan Cali Cabdulle oo ka tirsan Hay’adda HINNA kana howlgalla xarun lagula tacaalo haweenka loo geysto tacadiyadda oo ku taalla degmada Dayniile ayaa sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay la tacaaleen 58 dumar ah oo la kulmay fal kufsi ah.

Maryan waxay tilmaamtay in marka ay xaruuntooda la keeno ama ay yimaadaan haweenka tacadiyada loo gaystay marka hore ay u sameeyaan latalin caafimaad iyo in ay dajiyaan Niyad ahaan kadibna ay siiyaan tababaro iyo shaqo abuur

Waxa ay xustay in Hay’adda HINNA ay sidoo kale ka caawiso haweenka loo geysto tacadiyada in ay helaan caddaalad iyadoo ka saacida kharashaadka ku baxaya Maxkamada, waxaana ilaa hadda lagu guuleystay Saddex kiis oo kufsi in dadkii ka dambeeyay caddalad la mariyo, iyadoo ay jiraan kiisas kale oo meel dhexe lagu joojiyay markii qoysaska dhibaatadu kala gaartay ay gaareen heshiis hoosaad.

“Haweenka nimankooda jirdilka u gaystaan waxan usameynaa  dhaxdhaxaadin. Qofkii dumarka ahaa ee dacwada noso gudbisatay  qoyskeed labo qofoo ka mid ah iyo qoyska ninka labo qofoo ka mid ah ayaan dhax dhaxadinta u sameynaa. Dhaxdhaxadintaaso ah in wixii dadkaasi ku heshiiyaan inan ukala garqaadno hadii ay arainta fududahayna waan isku haynaa hadii ay iyaga go ansadaana inay kala tagaan waan la ogaanaa sido kle haweenkaas waxan usamenaa ganacsiyo yar yar oo noloshooda iyo mida qoyskooda ay ka dabataan waxaana barnaa xirfado ay ku shaqaystaan si aysan ugu tiirsanan dad kale”

Jiijo Muuday Caliyow waa hooyada Saddex Carruur ah oo gabadha ugu weyni jirto lix sano waxay SOMA u sheegtay in maareynta noloshada qoyskeeda ay kasoo saarto in ay guryaha xaaqdo iyo in ay dharka dhaqdo balse waxay shaqaddaasi joojisay markii xuquuqdii ay lahayd loo diido ayna kala kulantay qof ay u shaqeysay taas sababtay in ay jilib ka murgacato kadib gacan ka hadal dhexmaray.

Waxa ay tilamamtay in markii dhibkaas ay kala kulantay dadkii ay u shaqaynaysay ay istaagtay shaqadii ay ka dabari jirtay nolosha caruurteeda balse markii danbe haweenka la dagan xaafada Weydow ee duleedka Muqdisho ay geeyeen xarunta hay’adda Hinna, halkaas oo tababar iyo shaqo abuur loogu sameyay.

Hadda Jiijio leedahay xarun yar oo ganacsi oo hay’adda ay uga sameesay gurigeeda hortiisa halkaasi oo ay ku iibiso alaabaha bagaashka iyo sheeyada dadka ay sida maalinlaha u isticmaalan waxa ayna hadad rajeenaysa in ay sii hormariso ganacsigeeda.

“Cid aan ushaqaynaayay oo maalintii inan utago aan alaabta iyo guriga uso tirtiri jiray dharkaa usoo dhaqi jiray  waxay i heli karaan labo ama saddax doolar waxay iso siiyaan ayaan so qaadan jiray sidaan isugu fiicnen gabadha ushaqayn jiray markii danbe waxay keentay  inay lacagta isiinin markaas waxan dhahay walaleey qof miskina ahay ilma isaga xamasha oo korsada waxay igu jawabtay naa orod idhahday dan yeelo awalba waxaad qaadan jirtay wixii lagu siiyo  ninkeedoo agtaagnaa ayaa igu sii qeeliyay maxay yahay naagtan idhahay ka dibna way ikala tuurtay jilib ka murgacaday mutuleelka igu tuurtay  lugtoo i bararsanaa gabdhahan u imid dawo isiiyeen”

WQ: Shukri Caabi oo ka tirsan Radio Risaala

 

 

 

Share

Prev Post

Hirshabelle police attack and close independent radio station, detain seven journalists in Beledweyne over critical interviews

Next Post

Seven Somali journalists detained, radio station raided after interview with opposition group

You might also like More from author
SOMA PROGRAM SHARING

MUQDISHO: Roobka xagaaga oo saameyn ku yeeshay dadka kasoo cararay abaaraha

SOMA PROGRAM SHARING

GAALKACYO: Dadka kunool tuulo hoos timaada magaalada oo Biyo yari xoog leh wajahaya

SOMA PROGRAM SHARING

BELEDWEYNE: Magaalada Feer-Feer oo kasoo kabaneysa colaad soo jirtay RUBUC QARNI…

SOMA PROGRAM SHARING

WANLAWEYN: Mootooyinka Saddex Lugooleyda ah oo fududeyneysa nolosha reer Miyiga

Prev Next
About SOMA

SOMALI MEDIA ASSOCIATION

The Somali Media Association-SOMA (Ex-Network 2013) Was founded in Kampala at 13 February 2013 by 13 Radio Stations across Somalia and Signed the basic Memorandum of Understanding (MoU) for the Network, the SOMA Members Increased now 38 Radio Stations Across Somalia.

Read More...
Follow us on Facebook
More Stories

MUQDISHO: Roobka xagaaga oo saameyn ku yeeshay dadka kasoo…

Aug 4, 2022
Prev Next 1 of 130
© 2017 - All Rights Reserved.
Sign in

Welcome, Login to your account.

Forget password?
Sign in

Recover your password.

A password will be e-mailed to you.