Ilaa Shan & Toban haween ah oo ku nool Magaalada Muqdisho kana shaqeyn jiray Shaqada dhismaha guryaha dhagaxa ah ayaa xilligaan wajahaya Shaqo la’aan kaddib markii loo diiday shaqadii ay haayeen.
Faadumo Maxamed Faarax oo kamida Haweenkaas oo mudo Toban sano ah ka shaqeyneysay Dhismaha guryaha ayaa sheegeysa in ay u ahayd shaqo muhiim ah oo ay ka dabarto nolosha caruurteeda.
Waxa ay tilmaamtay in sababta looga ceyriyey shaqadan aysan mid cad, balse ay u sheegeen kaliya dadkii maamulayey shaqada in aysan qaban Karin oo ay dhibaato ku tahay in ay kasii shaqeeyaan Dhismaha guryaha dhagaxa ah.
Faadumo ayaa sheegeysa in markii horaba aysan u ahayn mid joogto ah shaqadaan, maadaama marna ay ahayd mid la waayo, mararka qaarna la heli jiray, haddase dhibaatadaas mid ka daran ay dareymeyso.
“Magaaladii aan ku dhalanaan iska dhex joognaa maalintaan dhagaxa soo helnana ilmahaa dabka ugu shubanaa maalintaan soowaayno faara qabiilkaas naloo sheegto ama xoog yari naloosheegtana waan kasoo tagnaa ilmahane ilmo leeygu furay aan u shaqeeystaa dadka guryaha iskaleh dadaaba dhahaa naagu nama soo agroogso karto nin hadda dabaqdhistay iyadoo shaqadii labixiyay aan soo istaagnay anigiyo islaan kale oow nagu daray asoo asagana yimid markaas ninka guriga dhisanaay oo yiri naag ma arki karo labo nin ayey kalayihiin”.
Ragga ka shaqeeya dhismaha Guryaha dhagaxa ayaa u arka mid aan sahlaneyn in haweenka ay wax ka qabtaan shaqadaan oo ay culeys badan ku dareemayaan.
Maxamuud Cismaan Faarax oo kamid ah dadka ay wadashaqeeyaan Wiilo ayaa SOMA u sheegay in shaqooyinka ay haweenka qaban jireen ay ahayd kuwa kaalintooda kasoo baxa, iyaguna ay ka caawin jireen qabashada howlaha culus.
Waxaa uu sheegay in sababaha ay tuhunsan yihiin in shaqada looga reebay haweenka in ay tahay in dhismaha ay u badan yihiin ragga oo dadka loo shaqeeynayo ee bixinaya lacagta maalinkii lagu shaqeeyo aysan aamini Karin in shaqada dadka qabta ay ku jiraan haween, ayna caddaadis dhanka shaqadda aysan ka imaanin shaqaallaha iyo injineerada balse ay tahay dadka loo shaqeynaayo.
Maxamuud iyo saaxiibadiisba waxa ay kusoo baraarugeen iyaga oo ay Haweenka ka maqan shaqada mudo laba maalin ah, iyugana aysan waxba ka qaban Karin sida ay wax u dhaceen.
“Waxaan ka caawinaa shamiitadoo kale dhagaxoo kale markeey qaadayaan oow ninka meel kore uu saaran yahay oo kle anagaa ka qaadno ayagaa u gudbinaa markaas. Hooyooyinka markeey nalashaqeeynaayiin madadaalooyin badan iyo qosol badaniyo waxeey nooga sheekeeynaan badan oo sabansaban lii eh anagana intaasaa usii bagnaa maamooyinka ku jecelnahay in ay naga maqnaadaana marabno”.
Lacagaha ay ka hesho shaqadaan Faadumo Maxamed oo u dhaxeyso Lix ilaa Todoba Dollar ayey kaga dabari jirtay waxbarashada, oo ay kaga bixin jirtay Laba caruur ah oo ay dhashay, oo hadda jooga heerka Jaamacadda.
Maamo Faadumo ayaa dhinaca kale sheegtay in dhibaatada ay ku qabto, shaqadaan aysan yareen, ayna jeclaan lahayd, in ay hesho, maalgalin ay ku sameyso ganacsi yar, oo ay ku maareyso noloshooda, maadaama aysan xilligaan shaqo heynin.
“Hooyo hadii wax nalasiiyo anaga qofka hadii layiraa halahaan qaadana waaa qodob hadii layiraa iska soo celina lacagtaas lafahaa iska soo celi faaidadana ka reebo waa nimco nimco kusug, waxaan jeclahay in ganacsi leeyga caawiyo ama shaqo kale hayad leeygu daryaaa iyo meel soo xaaq leey yiriyaa ama badar wax usoo kari leeyiriyaa adiga taasaaa ii roon”.
Gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada Gobolka Banadir ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay baaritaano ku sameyn doonaan sababta keentay in haweenkaas ay waayaan shaqadii ay qaban jireen sabab la’aan.
Waxa ay sidoo kale sheegtay in ay diyaar u yihiin in ay dhiirigaliyaan haweenka ka shaqeeya dhismaha oo ah kuwo qabta shaqooyinka adag oo u baahan karti dheeri ah, ka maamul ahaana ay qaarkood horay ula kulmeen, balse Maamulka uu diyaar u yahay in ay ka qeyb qaataan shaqo u abuurista Haweenkan.