• Home
  • About SOMA
  • Contact Us

SOMA: Somali Media AssociationSOMA: Somali Media Association - Shaping The Future of Somali Media

  • Home
  • About SOMA
    • Membership
  • Partners
    • FOJO Institute
    • IMS
    • SOSCENSA
  • Programs
    • SOMA PROGRAM SHARING
    • Soma advocacy
  • News
  • Contact Us
  • SomaliAf-Somali
SOMA: Somali Media Association

Muqdisho: Hooyooyin Xamaal ku keena biilka caruurtooda

On Sep 24, 2020
Share FacebookTwitterGoogle+ReddItWhatsAppPinterestEmail

Haween badan ayaa dusha u ritay in si maalinle ah, ay masruufka qoyska usoo dhiciyaan, iyagoo u mara dhibaatooyin kala duwan, oo qaarkood saameyn fog ku yeelan karta.

Haweenkan badankood, waa kuwa danyar ah oo ku nool qaar kamida Xerooyinka Barakacayaasha Muqdisho, kuwaa  suuqyada Magaalada u xamaali taga.

Faadumo Cali Cabdi waxa ay maalin walba aadaa shaqo muruqmaalnimo, si ay maalintaas usoo keento quutka caruurteeda. Waxa ay noo sheegtay in Suuqa Bakaaraha ka qabato howl ah, in dadka iibsada alaabaha culus, ay u qaado si ay ugu dhaweyso gaari ama Mootooyinka.

Faadumo oo haysta shan caruur ah kana soo barakacday degmada Jowhar ee Shabeelaha dhexe, sababo la xiriira Fatahaado ka jiray, saddex sano kahor. Waxay ii sheegtay caruurta Aabhaood ay kala tageen, iyaduna raacdo ugu jirto masruuf caruurta ay korriimadooda kali ku tahay.

Waxa ay halkii loor ku qaadaa ugu badnaan Toban kun oo Shillinka Soomaaliga ah. Iyadoo SOMA u sheegtay in Culeyska, ay qaado dartiis ay dareento xanuun daran oo dhanka Feeraha ah, sidoo kalana ay wado Qunfac joogto ah, walina ay sii wado, shaqada, sabab la xiriirta nolosha hortaala.

“Degmada Janaale ayaa ka soo barakacay 5 caruur ayaa ii joogto Aabahood wuu dhintay kaamka Badbaado ayaa ku noolahahay, waxana ku biilaa  lacag aan kusoo shaqeeyo dhabarka, waxaan ku xamaalo sida dhuxusha. Caruurteyda waxba kuma bari karo Lacagtaasi kaliya masruufkooda ayaa ka adkahay marna waa helaa marna waa waayaa. Culeeska aan qaadayo caqabad caafimaad ayuu igu keenay sida qufac iyo feerahoo i xanuuna ma hasto lacag aan ku tago Isbitaal, balse waxaan ka qaataa Farmashiga, xanuun baabiyaal. dhib weyn ayaa dareemaa Ilaahay ayaa loo sheegaa dhibka I haysto”.

Hooyo Xasno Maxamed Barre, waxa ay maalin walba xamaali ka tagtaa Suuqda Muqdisho mararka qaarna ay soo wacaan dad ay macaamiil la noqotay, una sheegaan in shaqo u haayaan maalintaa, inta ay gurigeeda kasoo bixin si ay kaga faa’iideysato.

Waxa ay sidoo kale sheegeysaa, in guryaha Dabaqyada dhaadheer ah ay saarto dhuxusha, burka, bariiska, iyo wixii lamida, markaasna lasiiyo lacag u dhaxeysa hal ilaa Laba dollar.

Lacagaha ay kasoo hesho ma dhaafsiisna quutka, mana jirto in caruurteeda ay aadaan goobaha waxbarashada.

Hooyo Xasno oo haysata sidoo kale shan caruur ah, oo Aabahood geeriyooday ayaa kasoo barakacay deegaanka Janaale ee Shabeelaha Hoose, colaado ka jiray halkaas Afar sano kahor, waxayna tilmaamtay in kaliya aysan ku ekeen Shaqada Xamaaliga ee sidoo kale Cidaha ay dharka usoo dhaqdo.

“Jowhar ayaa ka soo barakacay 5 canug ayaa ii joogto Kaamka Liibaan ayaa ku noolahay Aabahood waa wada joognaa wax mahaysto aniga ayaa ku biila asiga iyo caruurta iyo nafteeda wax aan soo xamaalo oo culeys aan qaado mar ayaa lakufay xajmiga dhuxul aan ku waday dusha. Dhawacasi dhib ayaa ka maray ma ogi wax waqtiga aan ka baxayo dhibkaan waa jiranahay, aad ayaa u qufacaa, markaan eego caruurteyda waxan iloowaa xanuunka ihaayay”.

Dhibaato xooggan oo dhanka caafimaadka ah ayaa kasoo kaari karta culeyska ay qaadaan Haweenka ku shaqeysta xamaalka, sida ay sheegeen Saraakiisha Caafimaadka.

Dr Yuusuf Maxamuud Xeyle oo ah Dhakhtar qaabilsan Cudurada Haweenka ayaa nala wadaagay, in culeyska ay qaadan haweenka, uu sababi karo, waxyeelo caafimaad oo ay kamid tahay in minka uu kasoo dabco booskiisa meel aan aheynna uu tago ama uu kasoo dhaco, iyo sidoo kale in uu ku dhaco cudurka TB-da, oo si sahlan la isku qaad siin karo.

“Qofka mar walba uu qaado culeyska waxaa dhacaya in murqaha uu dabco. Dumarka culeyska qaado waxaa dhaci karta in minka uu booska uu ka dhaqaaqo ama uu qaloocdo ama ee ka soo dhacdo sidoo kale waxa ee Qatar ugu jiraaan in TB qaadaan oo dadka kale ee lafalgalaan ama goobaha ee iskugu tagaan ee shaqada ee ku skala qaadi karaaan”.

Inta badan howshan waxaa ku badan Ragga, waxa ay ahayd in lagu arko naadir haween qabanaya, haddase waa ay ku jiraan qabashada howshan sanadadii lasoo dhaafay. Waxaa ugu badan Haweenka masuuliyada koriimada caruurtooda kali ku ah.

WQ: Maxamed Bootaan Yuusuf oo Radio Risaala ka tirsan.

 

 

 

Share

Prev Post

SOMA and MWN conducted symposium on the role media stations Directors could take in balancing journalists reporting of Covid-19 articles 

Next Post

Baydhaba: Dad helay adeeg Indha fiiqis lacag la’aan ah

You might also like More from author
SOMA PROGRAM SHARING

Dadka Muqdisho oo ku kala qeybsan qaadashada Tallaalka Cudurka Karoonaha

SOMA PROGRAM SHARING

Darawalada Bajaajta Guriceel oo hal arrin darteed uga tagay Shaqooyinkooda

SOMA PROGRAM SHARING

Amar uu soo saaray Maamulka Gobolka Banadir oo saameyn ku yeeshay dadka soo barakacay…

SOMA PROGRAM SHARING

Xarun ay wax ku baranayaan carruurta aan hadli karin, oo Muqdisho laga hirgaliyey

Prev Next
About SOMA

SOMALI MEDIA ASSOCIATION

The Somali Media Association-SOMA (Ex-Network 2013) Was founded in Kampala at 13 February 2013 by 13 Radio Stations across Somalia and Signed the basic Memorandum of Understanding (MoU) for the Network, the SOMA Members Increased now 38 Radio Stations Across Somalia.

Read More...
Follow us on Facebook
More Stories

Dadka Muqdisho oo ku kala qeybsan qaadashada Tallaalka…

Mar 25, 2021
Prev Next 1 of 77
© 2017 - All Rights Reserved.
Sign in

Welcome, Login to your account.

Forget password?
Sign in

Recover your password.

A password will be e-mailed to you.