Mogadishu Khamiis August 24, 2023:Waxaa maalintii lixaad hawada ka maqan Radio Baraawe kadib markii 12ka bishan Augusto ay weerareen Ciidamo ka amar qaato gudoomiyihii xilka laga qaaday ee Liibaan Abuukar Cismaan.
Dhismaha Xarunta Idaacada Baraawe waxaa ka muuqdo raadadka rasaas ay la dhaceen Ciidamada Gudoomiye Liibaan kuwaas oo ku ridayay howlwadeenada Idaacada sida ay sheegeen maamulka Warbaahinta.
Maamulka radio Baraawe ayaa sheegay in ay joojiyeen shaqadii warbaahinta kadib markii ay naftooda u baqeen oo ay so gaareen hanjabaadyo is dabajoog ah.
Marka laga tago in ay idaacada ay dansan tahay waxaa jiro qaar kamid ah howlwadeenada iyo maamulka Warbaahinta Baraawe oo ka cararay magaalada kadib markii ay la kulmeen hanjabaadyo is daba jog ah.
Radio Baraawe oo la furay bishii Maarso 2018 ayaa waxa ay la kulan tay afar weerar oo uga yimid dhinaca maamuladii so maray Magaalada waxaana ka so gaaray weeraradaas qasaaro xoogan oo ay kamid tahay jir dil loogeystay shaqaalaha Xarig iyo qalabka idaacada oo la bur buriyay.
Sababata marar badan loo weeraray Radio Baraawe ayaa ah lahjada jimiiniga ama af baraawe oo ah lahjad ay ku hadlaan qaar kamid ah dadka dagan dagmada Baraawe taas oo ay baahiso idaacada balse ay diidanyihiin maamulka deegaanka sida ay sheegeen maamulka Radio Baraawe.

Daladda warbaahita Soomaaliyeed ee SOMA waxa ay cambaareyneysaa weerarka lagu qaaday Radio Baraawe ,waxana ay so jeedineysaa in la ilaaiyo Madax banaanida warbaahinta iyo xuriyada hadalka.
Maamulka Koofur galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan ka codsaneynaa in ay wax ka qabtaan dhibaatada loo geystay Radio Baraawe iyo in la joojiyo weeradada joogtada ah ee lagu haayo Warbaahintaas.
DHAMAAD