• Home
  • About SOMA
  • Contact Us

SOMA: Somali Media AssociationSOMA: Somali Media Association - Shaping The Future of Somali Media

  • Home
  • About SOMA
    • Membership
  • Partners
    • FOJO Institute
    • IMS
    • SOSCENSA
  • Programs
    • SOMA PROGRAM SHARING
    • Soma advocacy
  • News
  • Contact Us
  • SomaliAf-Somali
SOMA: Somali Media Association

Saameynta dhaqaale ee uu dhallinyarada ku yeeshay Barnaamijka Kulan Sport

Last updated Jul 25, 2020
Share FacebookTwitterGoogle+ReddItWhatsAppPinterestEmail

Inta badan dhallinyarada ku nool Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, ayaa bilihii lasoo dhaafay si aad ah ugu mashquulay isticmaalka Barnaamijka Kulan Sports.

Waa Application oo aad kasoo dejisaneysid play store-ka, kadibna aad iska diiwaangalineysid, si aad qeyb uga noqoto kumannaanka ku xiran.

Waxaa lagaa doonayaa macluumad kugu saabsan sida in aad geliso Magacaaga, Taleefan Number-kaaga, iyo goobta aad joogto.

Waxa aad saadaalin ka dhiiban kartaa Ciyaaraha Kubadda Cagta ee la ciyaaro maalin walba, sidoo adeegsanaya dooq ahaan in aad doorato in midkood ay badineyso, in barbaro ay galayaan, iyo mid kale oo ah in aad sheegato labada koox ay iska dhalinayaan Goolal.

Cali Maxamed Yuusuf oo mid ah Ardayda wax kabarta Guriceel ayaa ii sheegay isticmaalka Barnaamijkan ay uga baxday lacag ku dhaw $500, tan iyo markii uu bilaabay.

Maalintii celcelis ahaan waxaa kaga baxda lacag u dhaxeysa 4 ilaa 5 dollar. Waa lacag uu kasoo qaato, saaxibbo ehel maadaama uusan shaqeyn isaga.

Cali waxa uu mar ku sigtay in gabi ahaan joojiyo adeegsiga Kulan Sports, maadaama ay ka badan tahay khasaaraha kasoo gaaray, fiidadii uu raadinayey. Kaliya 12 dollar ayuu ka helay Barnaamijka, taas oo aan u dhigmin inta qarash ahaan uga baxdaya’iidey.

“Barnaamijka Khasaarihiisa ayaa ka badan Faa’iidadiisa, maxaayeelay Anigu waxaa iiga maqan lacag dhan $480, kaliya waxaan ka faa’iiday $12, wali kama quusan, waxaan rajeynayaa in ay lacagteydii kasoo celiyo”. Ayuu yiri Cali.

“Maalintii waxaa iiga baxda, lacag u dhaxeysa Afar ilaa Shan Dollar. Badanaa saadaasheydu sax ma noqoto, ugu yaraan hal ama laba kulan ayaa i dhaafiya lacagtii aan heli lahaa” Ayuu raaciyey hadalkiisa.

Waa Barnaamij Shul iyo shal ah, oo aad ku khasaai karto kuna faaiidi karto, iyadoo ay jirto lacagta ugu badan ay tahay 90 dollar tan ugu yarna ay tahay 0.5 ama nus dollar. Waxaa cajiib ah in haddii Kooxihii aad Sadalinta ka dhiibatay mid kamid ah ku guuldareysato ay ka dhigan tahay in aad guul dareysatay.

Baramijkan ayaa degaanka ka jira 3 ilaa 4 bilood, iyadoo dhallinyaradu ay ku doodayaan in uu shaqo abuur u noqday, madaama dalka ay shaqo la’aan ka jirto,  inkasta uu yahay mid qamaar ah oo aadan ogeyn in halka ay wax noqonayaan.

Waxaa kamid ah dhallinyaradaas Maxamed Abdi Nuur oo mid ah dhalinyarada jamacadaha Magaalada kasoo baxay balse hadda aan hayn wax shaqo ah, marka laga reebo Baramishkan oo uu sheegayo in ay u noqotay shaqo abuur.

Waxa uu kamid yahay dhallinyada kuwii ugu horreeyey ee App-kaan ka isticmaala Magaalada, waxaase uu kala kulmay khasaaro dhowr mar ah. Guud ahaan isticmaalkiisa waxaa kaga baxday 160 dollar, inkastoo faa’iidadiisa wadarta ay tahay 210 dollar.

Maxamed ayaa ii sheegay mar in lacag Sxbkiis loogu talay galay in jamacadda isaga bixiyo oo gaaraysa 50 dollar uu geliyay Barnaamijkan Saadaalinta ah, balse uusan waxba ka faa’iidin khasaare mooyee.

“Waxaan kasoo baxay Jaamacad, wax shaqo ahna ma haayo, Application-kaan ayaan isku dayaa in aan lacag ka sameeyo, waan ogahay in ay adag tahay sidii aad ku heli lahayd, laakiin nasiibka ayaa rajeynayaa in uu i saacido” . Maxamed Abdi Nuur oo kamida dhallinyarada isticmaasha Barnaamijkan.

Waxa uu intaa ku daray “waxaan xasuustaa mar wiil aan Jaamacadda wada joognay, inta ku tijaabiyey nasiibkiisa, Konton Dollar, balse nasiibka ayaa ka xumaaday, waana uu wada khasaaray”.

Aqoon yahan Cabdi Xakiin Nuurre ayaa sheegaya in Barnaamijkan Khatar badan uu ku yahay dhallinyarada, maadaama ay ku mashquuleen, lagana yaabo in ay ku seejiyaan dano badan oo ay qabsan lahaayeen.

Waxa uu Cabdi Xakiim kula taliyey dhallinyaradu in ay waqtiga, iyo lacagta badan ee kaga baxaysa isticmaalka Barnaamijkan, ku bixiyaan Horumarinta waxbarashadooda, si Mustaqbalkoodu u hagaago.

“Waxbarashadii waa ay ka mashquuleen, waxba ma qabsan karaan, mustaqbalkooda ayaa halkan ku lumaya, waxaan usoo jeedinayaa, in dhallinyaradu ka faa’iideysato Waqtiga iyo lacagta ay ku bixineyso” ayuu yiri Aqoonyahan Cabdixakiin Nuurre.

Share

Prev Post

SJS & SOMA concerned about continued persecution against Goobjoog Journalist

Next Post

Sareynta Sharciga iyo Kaalintiisa Nidaaminta bulsho.

You might also like More from author
Highlights

SOMA Oo Maanta Tababar Ugu So Gabagabeysay 20 Suxufi Magaalada Cadaado.(SAWIRO)

Highlights

(SAWIRO) Daladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA oo maanta Saxafiyiin Tababar uga…

Highlights

SOMA has concluded training workshop on improving the safety of journalists in…

Highlights

SOMA oo 20 Suxufi maanta tababar ugu so gabagabeysay Magaalada Dhuusamareeb

Prev Next
About SOMA

SOMALI MEDIA ASSOCIATION

The Somali Media Association-SOMA (Ex-Network 2013) Was founded in Kampala at 13 February 2013 by 13 Radio Stations across Somalia and Signed the basic Memorandum of Understanding (MoU) for the Network, the SOMA Members Increased now 38 Radio Stations Across Somalia.

Read More...
Follow us on Facebook
More Stories

SOMA Oo Maanta Tababar Ugu So Gabagabeysay 20 Suxufi…

Jun 1, 2023
Prev Next 1 of 279
© 2017 - All Rights Reserved.
Sign in

Welcome, Login to your account.

Forget password?
Sign in

Recover your password.

A password will be e-mailed to you.