Sharcigu waa tixo qodobo ah oo la kulmiyey kuwaas oo ilaaliya danta guud iyo xuquuqda gaar ee dadka iyo dalka leeyihiin. Sharcigaas oo ay raali ka tahay bulshada, una siman tahay.
Maadaama qaanuunku yahay hagaha, hagaajiyaha iyo habeeyaha dhaqanka bini’aadamka, barashadiisu waxay bilaysaa dhaqanka iyo asluubta bulshada ka dhaxeeysa.
Sareynta sharcigu waa laambad iftiimaysa, haddii sida uu yahay loogu dhaqmo waxa uu sahlayaa in horumar la gaaro.
Kaalin weyn ayuu ku leeyahay nidaaminta bulsho, madama uu kala hago dadka si waafaqsan wixi lagu heshiiyay, cidna gaar uma lahan, ilaalintiisune waxa ay waajib ka saarantahay ruux kasta.
Dhanka kale Wadamada nidaamkooda dowladeed horumaray waxaa gundhig u ah horumarka ay ka sameeyeen fahamka sharciga ee muwaadiniintooda.
Wariye Maxamed-Qadar Cabdi Maxamed ayaa ka wareystay Ustaad Cabdiwali Cabdulaahi Maxamed oo ah Macallin ka tirsan Kulliyadda sharciga iyo qaanuunka ee Jaamacadda Muqdisho. Ugu horreyna waxa uu weydiiyay waxa uu yahay sareynta sharciga.