Dallada Warbaahinta Soomaaliyed ee SOMA ayaa Magaalada Baladweyne ka furtay manta Tababar ku saabsab bad-qabka Wariyaasha iyo tabinta Doorashooyinka kaasi oo loo qabanayo Wariyaal ka kala socda Deegaanada Hirshabeelle.
Tababarkan oo socon doono mudo sadax maalin ah ayaa lagu falaqeeyn doona qaabka ay Wariyaasha ku sugan deegaanada Maamulka Hirshabeelle ugu shaqeeyn karaan arimaha doorashooyinka iyaga oo aanan wax dhibaato ah la gaarsiin.
Xoghaha guud ee Dallada Warbaahinta Soomaaliyed Maxamed Cismaan Makaraan ayaa sheegay in tababarkan ay u arkeen mid muhiim gaar ah u leh wariyaasha Madaama wadanka u uku jiro xaalad dooraasho.
Sidoo kale Gudoomiye Makaraan ayaa sheegay in diirada lagu saari doono mudada uu tababarka socda amaanka wariyaasha iyo sida ay is kaga ilaalin lahaayeen qataraha dhaca xiliyada Doorashooyinka lagu guda jiro isagoona qeeyb ka ahaa Tababaro horey loogu qabtay Magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo, Dhuusa-mareeb, Garoowe iyo Jowhar.
Madaxa Tababarada SOMA Axmed Ciise Guutaalle ayaa sheegay in tababarkan uu faa’ido badan u leeyahay Wariyaasha Soomaaliyed gaar ahaan kuwa hada ka qeeyb galayo ee deegaanada Maamulka Hirshabeelle kaasi oo dabooli doono dhibaatooyinka dhaca waqtiyada Doorashada dalka ku jiro.