Shirka maalintii koowaad waxa ka soo qaybgalay Raisalwasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya, Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Aqalka sare xafiiska xeer illaalinta iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, Wasaaradaha Warfaafinta ee dowladgoboleedyada, madaxda ururada warbaahinta ee dalka, ururada bulshada Rayidka ah iyo hay’adaha daneeya warbaahinta Soomaaliya.
21-April-2018; oo ahayd maalinkiisi koowaad shirka Caalamiga ah ee bedqabka Suxufiga waxa looga hadlay habraacyada bedqabka suxufiiyinta ee jira iyo xubunimada guddi ay kawada qaybgelayaan dhammaam saamileyda warbaahinta Soomaaliya, dood dheer oo ay wadaageen ka soo qaybgalayaashii shirka ayaa waxa ka soo baxay in la xoojiyo mideynta dhammaan dadaalada ku wajahan bedqabka suxufiga.
Somali Media Association(SOMA) oo ka qaybgashay dooddaas ayaa looga dhegeystay xog ku saabsan habraacyada bedqabka suxufiga ee jira, iyada oo ka soo qaybagalayaashu soo dhoweeyeen jiritaanka habraac ammaanka suxufiga ku saabsan oo qayb ahaan ka hirgalay dhammaan dalka.
Shirka ayaa lagu soo bandhigay ururada warbaahinta ee ka shaqeeya dalka, kuwaas oo taageero ka hela IMS & UNESCO, iyada oo SOMA ay si weyn ugu mahadcelsay IMS, SMSG & UNESCO; oo kaalin fiican ka qaatay gacansiinta warbaahinta Soomaaliya
Natiijada Shirka
Waxaa la sameeyey guddiga isku xirka Qaran ( National Coordinator Committee), waxa uuna ka kooban yahay Dowaladda , Bulshada Rayidka iyo Warbaahinta Madaxa Banaan.
Guddigu wuxuu ka koobanyahay 11 xubnood oo kala ah 4 xubin oo ka socda Dowaladda , 4 xubin oo ka socda Warbaahinta madaxa banaan iyo 3 xubnood oo ka socda bulshada rayidka.
Gudoomiyaha guddiga waxaa loo doortay xubin ka socota Dowladda, ku xigeen waxaa loo doortay xubin ka socota bulshada rayidka, xog-hayaha guddiga waxaa loo doortay xubin ka socota Saxaafadda madaxa banaan. Sidoo kale shirka waxaa lagu diyaariyey howlaha uu qaban doono guddiga oo dhamaystiran.
SOMA iyo MAP ayaa soo bandhigay warbixino ku saabsan badqabka saxafiga oo ay diyaariyeen kuwaas oo guddiga ka caawin doona la socodka xaalada amni ee saxafiyiinta Soomaaliyeed.
Dalladda SOMA oo ay taageerayaan IMS/FOJO iyo UNESCO ayaa diyaarisay Hab-Raaca Badqabka Warbaahinta ( Safety Protocol)kaas oo hayada warbaahinta ka caawin doona ilaalinta amaanka saxafiga iyo xuquuqdiisa., SOMA waxay soo bandgigtay 12 qodob oo ay isticmaalayaan hayadaha warbaahinta si ay u ilaaliyaan badqabka Saxafiga.
Sidoo kale MAP oo ay taageereyso IMS/FOJO ayaa soo bandhigtay Buugyare ( Manuel safety of Journalists ) , ay diyaariyeen kaas oo dhawaan la soo daabicidoono kana caawinaya wariyaha sida uu badqabkiisa u ilaalin karo.
Gaba gabada shirka waxaa ka hadlay John oo ka socday UNESCO waxa uuna soo dhaweeyey natiijada shirka kazoo baxday , waxa uu yiri:” aad ayaan ugu faraxsanahay in natiijo wanaagsan kazoo baxday shirka taas oo ah in guddi lagu dhisay kaas oo muhiim u ah badqabka saxafiga Soomaaliyeed”. John ayaa kula dardaarmay guddiga inay shirka ugu horeeya yeeshaan howlahane horay u bilaabaan, asaga oo balan qaaday inay ka caawin doonaan qabashada howlaha hor yaalla.
Ugu dambayn waxaa shirka soo xiray ku simaha wasiirka warfaafinta ahna Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta , wasiirka ayaa sheegay inuu dhamaan u mahadcelinaayo cidkasta oo ka qayb qaadatay qabsoomida shirkan. Wasiirka ayaa soo dhaweeyey natiijada ka soo baxday shirka.
Wasiirka ayaa daah furay guddiga cusub ee manta la dhisay oo laga bilaabo manta ay Soomaaliya yeelatay.