In ka badan 600 oo goobo ganacsi ah oo ku yaalay Suuqa weyn ee dagmada Wadajir ee Gobolka Banadir ayaa ku bas-beelay 21 bishan dab ka dhashay koronto, sida ay barnaamij wadaagga SOMA u xaqiijiyeen qaar ka mid ah ganacsatada hantidooda ku waayay.
Dabka oo bilowday xili saqdhexe ah ayaa bur-buriyay dukaamadii Bagaashka, Shobinka, Taleefannada iyo Bacadlayaasha, waxaana uu geystay qasaaro hantiyadeed oo xoogan, oo aan weli tirakoob rasmi ah loo heyn inta ay la egtahay khasaarihiisa balse aanu ka qiyaas qaadan karno inta goobood ee uu baabi’iyay.
Cumar C/qaadir oo ku lahaa goob lagu farsameeyo taleefannada ciladeysan ayaa ka mid ahaa ganacsada qasaaraha maaliyadeed soo gaartay. dukaan uu ku daganaa oo ahaa mid kiro bile ah oo ay yiileen taleefnno kala duwan oo qaarkood uu cilad bixiyay iyo kuwo kale oo shaqada cilad bixinta u dhineyd ayuu ku waayay oo ay lahaayeen macaamiishiisa.
Waxa uu sheegayaa in uusan haysan Shaqo kale oo aan Farsameeqaan ahayn, isaga oo walwal ka muujiyey sida uu u wajahayo Milkiilayaasha Taleefanadii ku baaba’ay Dabka.
” Waxaan ka mid ah ganacsatada suuqan, waxaan lahaa tukaan aan ku cilad bixin jiray taleefannada, Markii la ii soo sheegay in suuqu gubanaayo xilli saq dhexe ah waxaan u imaaday tukaankii oo baaba’ay oo aysan waxba ka harin, niyad jab darteed ayaan furihii isaga tuuray, waxaan ka wal-walsan qaabka aan u wajahayo dadkii taleefannadooda ku baabay dabka”.
In laga bad-baadiyo dabka goobihii ganacsi ee ku bur-buray way ku adkaatay howlwadeennadii dab-damiska ee ka kala socday Maamulka gobolka Banaadir & Shirkadda Hormuud sabab la xariirtay dabeylo iyo baaxadda dabka oo aad u sarreysay darteed.
Ma ahan mid dhif ah in ganacsatadu ku waayaan hantidooda dab ka kaca goobaha ay ku ganacsadaan, balse waxa ay tahay mid u baahan in laga gaashaanto.
In laga feejignaado dabka iyo waxyeeladiisa, tab iyo talaabooyin waxaa ganacsada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ku dhiirageliya tiro dhallinyaro ah oo waqtigooda ku bixiya, Mid ka mid ah waa C/raxmaan Sheikh Saciid.
Waxa uu tiro rag iyo dumar isugu jirta oo ganacsato ah u sharraxayaa qaabka hadii uu dab kaco loo damin karo iyada oo la adeegsanaayo haamanka loogu talagalay dab daminta.
” Haantaan aad u jeedaan, waxaa loogu talo galay in lagu damiyo hadii uu dab kaco, waana muhiim in aad heysataan si aad awood ugu yeelataan in aad kaga hortagtaan dabka, haantaan waa 4 Kiilo, waxaa jira kuwo ka yar-yar iyo kuwo ka weyn intaba, saad u jeedaan waxaa ku qoran A,BC, markii aad rabto in aad ka hortagto dab ka kacay al waax, warqado iyo Baco waxaa lagu damiyaa A, waxaa ku xiga wixii dareere ah, sida saliida, shidaalka IWM in lagu damin karo iyada oo la riixayo B, Halka wixii korontada, Matoorada IWM loo adeegsado damintooda C”.
Adeegsiga waxyaabaha looga hortago dabka ayuu ku talinayaa in ay muhiim tahay C/raxmaan Sheikh Saciid oo ka howl gala xarun ka tala bixisa qababka looga hortagi karo dabka isaga oo xusay in faham yarida iyo feejignaan la’aanta ay qeyb ka tahay dabka ka kaca guryaha iyo goobaha ganacsi.
“Waxyaabaha keenna dabka in uu soo noq-noqdo waa feejignaan la’aan jirta, dhinaca kalena marka laga fiiriyo waa qadar, balse waxaa looga hortagi karaa in dadku adeegsadaan waxyaabaha looga hortago dabka sida Haamanka dab damiska”.
In dab uu waxyeeleeyo goobo ganacsi ayaan aheyn mid ku cusub dhagaha bulshada, balse taxadirka iyo feejignaanta ganacsatadu waa in ay ahaataa mid yareyn karta khasaaraha hantiyadeed ee soo gaari kara.
WQ: Maxamed Qadar Cabdi oo ka tirsan Radio Himilo.