Suuqa cusub ee ariga lagu kala iibsado degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud waxa uu shaqa abuur u yahay dad fara badan oo ku nool magaalada kana maareeya nolasha reerahooda.
Dadka ka shaqeysta suuqa waxaa ka mid ah tiro dhalin yaro oo isugu jira rag & dumar oo iibka xoolaha suuqa lagu kala iibsado ka dhex abuurtay xirfado shaqo. Xirfadahaas waxaa ka mid dhalinyaro ku shaqeyata GAADLEYNIMADA.
Cabdi Adan Xaashi waa 24 sano jir ka mid ah dhalinyarada ka dhex shaqeysata suuqa ee Guriceel, Waxa uu ka mid yahay GAADLEYDA suuqa oo ariga ka iibsada dadka reer miyiga ah ka dibna ganacsada & shirkadaha ka sii iibsada.
Shaqadan waxa uu bilaabay 4- bil ka hor oo uu ahaa shaqa la’aan. Suuqa mar uu yimaado waxa uu la macaamilaa dadka xoolaha soo iibsasada & ganacsatada ariga iibsada.
” Subixii waxan ku soo kalahaa suuqa waxaan 5-Neef ilaa 10-neef ka iibsadaa dadka reer miyiga ah ee xoolaha suuqa usoo safarsada, Aniguna isla suuqa ayaan ku sii iibsadaa oo waxaan ka iibsadaa ganacsatada waaweyn iyo shirkadaha, Neefka an ku iibsaday $-40 Waxaan ku iibsadaa $-43 ilaa 42, oo marba waa si mar waxban ka helaa marna waxba kama helo ayuu yiri Cabdi.”
6-sano ka hor ayey soo bilaabatay Xirfada Gaadleyda in looga dhex shaqeysto suuqa, balse markii suuqa cusub la dhisay ayey dhalinyaro badan ku biiren xirfadan. waana xirfada kaliya ee dhalinyarada ugu badan suuqa guriceel oga shaqeysata.
Cadar Warsame waxa ay ka mid tahay dumarka u shaqa taga suuqa Ariga lagu kala iibiyo ee degmada Guriceel waxa ay ka mid tahay dumarka Gaadleyda ah oo nolasha qoysaskoda ka dabara, waxa ay shaqadan soo bilowday 6- bilood ka hor.
Maalinkii waxa ay suuqa ka iibsataa xoola dhan ilaa 10 neef oo ay isla suuq kaga sii iibsato ganacasatada & dadka kale, waxa ay sido kale xolaha an u gadmin u sii dhiibataa suuqa gaalkacyo si loogu soo iibiyo cadar.
“Hadii an wax ka heleyno & hadii kalaba waxaan iibsadaa Ariga dibaaxa, Jarka, Orgida koriska ah, Wananka Yaryar. Ariga aan iibasdo hadii aan la iga iibsan waan xanaaneyaa waxan geyaa guriga & xero loogu talagalay kadib ayaan suuqa dib ugu so celiyaa oo aan iibsadaa. Iyadoo sii hadleysa ayey tiri hayaraato ama habadnaato ma jirto meel aan ku doorsanaayo waan ku qanacsanahay. ayey tiri Cadar.”
Cadar & gaadleyda kalaba ee xitfadan ku shaqeysta ayaa ka dhigan in xirfadan shaqa abuurka u ah aay tahay mid ku hoos nool Ganacsatada waaweyn ee xoolaha iibsata iyo dadka xoola dhaqatada ah ee xoolaha suuqa u iib keensada.
Xasan Salaad Xirsi waxa uu ka mid yahay ganacsatada xoolaha safarsada ee ka iibsata saylada ariga ee degmada guriceel, waxa uu xolaha ka iibsadaa Gaadleyda suuqa & dadka reer miyiga ah ee soo safarsada ariga. Xasan waxa uu ii sheegay in ganacsigooda xoolaha dhalinyaradan gaadleyda suuq ka dhex ah wax badan u taray.
“Inta badan waxaan la macaamilnaa oo aan xoolaha ka iibsanaa gaadleyda oo ismaba aragno dadkii xoolaha miyiga ka kensaday, dadka suuqa ka shaqeysta 70% gaadley, anaga ganacsato ahaan & suuqaba waxa ay u yihiin faaiido, suuqa dhanka xasarada ayey fariisiyan. anaga waxa ay naga saacidaan wax badan waxaa ka mid ah nafkii jiran ama an iib galin manta maalmo kadib isagoo la soo baxnaaniyey ayey dib inogu soceliyan. Ayuu yiri Xasan”.
WQ: Cabdi-Qadar Xasan oo ka tirsan Radio Galgaduud.