• Home
  • About SOMA
  • Contact Us

SOMA: Somali Media AssociationSOMA: Somali Media Association - Shaping The Future of Somali Media

  • Home
  • About SOMA
    • Membership
  • Partners
    • FOJO Institute
    • IMS
    • SOSCENSA
  • Programs
    • SOMA PROGRAM SHARING
    • Soma advocacy
  • News
  • Contact Us
  • SomaliAf-Somali
SOMA: Somali Media Association

Hooyooyin faa’iido dhaqaale ka sameeyey Cagaadaha & Alaabaha la iska tuuro

Last updated Dec 23, 2020
Share FacebookTwitterGoogle+ReddItWhatsAppPinterestEmail

Boqolaal Haween danyar ah ayey shaqa abuur u noqotay Warshedda African Solution oo dib u warshedeysa qashinka lagu qubo duleedka Galbeed Muqdisho.

Muslimo Macallin Mahdi oo Afartan jir ah waxa ay kamid tahay Hooyooyinka danyarta ah ee ka faa’iiday Shaqada Warshadani qabato, iyada oo Subax walba ay u kallahdo si ay Qashinka lagu gubo deegaanka Jaziira ee Duleedka Muqdisho uga soo hesho wax ay ka iibsato Shirkadda.

Waxa ay sheegeysaa in ugu yaraan ay 10 KM ay subax walba lugeyso si ay usoo uruuriso caagadaha yaalla halkaas, maadaama ay usoo dhiciso caruurteeda masruufka, oo aan cidna ku garabsiin korintooda.

Halkii Kiillo oo ay Muslimo keento Warshedda African Solution waxaa loogu dhuftaa Saddex Kun oo Shillinka Soomaaliga ah, iyadoo celcels maalintii ay soo shaqeyso lacag u dhaxeysa 80 illaa 140 kun oo Shillin Soomaali ah.

”Laba Iyo Tobanka Subaxnimo Markaan Dukanno Waan Baxaynaa shaqadaan aadeynaa waxaan soo gurbineynaa qashinka kaddib wersheda ayaan keenaa wey nagu filanatahay aniga iyo caruurteyda Alx. Awal shaqo ma haynin waxan haayaa Caruur aan dhalay & kuwa kale oo uu wiilkeyga dhalay. Mararka qaar waxaan ka helnaa Magaalada dhexdeeda”.

Muslimo Macallin oo haysata Shan caruur ah ayaa sanadkii 2017-dii kasoo barakacday Gobolka Shabeellaha Hoose oo ay colaado ka jireen, iyadoo hadda u muuqata in uu ka dhamaanayo welwelkii ay ku haysay shaqo lla’aanta.

Marka laga soo tago inay qeyb ka qaadato qurxinta iyo dhowrida bilicda degaanka Warshedda African Solution, waxay dib u farsameeyaan caagadaha, bacaha, iyo waxyaabaha kale ee horay loo isticmaalay.

Waxa ay kasoo saaraan agabyo ay kamid yihiin jiliga guryaha lagu dhiso iyo interlooga, iyadoo lagu darayo qashinka loo keeno waxyaabo kiimikaal ah sida rinji, caro, iyo waxyaabo kale.

Mareeyaha African Solution Axmed Cabdullaahi Cabdulle ayaa u sheegay SOMA in Warshadda ay markii hore qashinka Magaalada ka qaadi jirtay iyada oo ku daadin jirtay duleedka Muqdisho ee Jasiira, balse ay ku dhalatay aas aasayaasha Warshaddan ay ku fikireen in ay sameyn karaan howl ka duwan taas oo ay dadku ka faa’iidi karaan.

Alaabaha ay soo saaraan waxaa ka iibsada Shirkadaha Dhismaha ee Muqdisho iyadoo Gobollada ay kasoo gaaraan dalaab, una diraan. “Waxaa nagu dhaliyay kadib markii aan ogaanay in loo bahan yahay in bilicda Magaalada la dhowro dadkana wax dheef laga soo geliyo in aan aas aasno wershedan anagoo soo saarna jiliga iyo interlooga waxaan ka samaaynaa cagadaha iyo Bacaha, intooda badan”.

Bishii Juun ee sanadkii 2018-kii ayey iska kaashadeen African Solution furitaankeeda dhallinyaro badan oo qaarkood dalka dibaddiisa ay ka yimaadeen. Iyadoo ay ka shqeeyaan dad ka badan 150 shaqaale ah.

Axmed Cabdullaahi Cabdulle ayaa sheegaya in shaqaalaha aysan ahayn kuwa si joogto ugu shaqeeya Shirkadda balse aysan ay yihiin kuwa lacagaha loo siiyo hadba sida ay usoo uruuriyaan, qofkastana ay ka qaabilayaan Alaabaha uu soo gaarsiiyo Warshadda……

”Qashinka ayaan kala saarnaa inagoo u qeybina laba qeybood mid deegaanka waxyeeli karta iyo mid sameyntiisu yar tahay kadibna waxaan kiiladi ugu dhufanaa sedax kun oo shilin. Dadka dhammaantood si gooni uma shaqeeyaan, balse waxa ay wax ku leeyihiin wixii ay keenaan”.

Aasaaska shirkadan ayaa ah mid ay ka faa’iideen dhallinyaro badan oo ay shaqo abuur u noqotay, iyadoo dadka danta ay sidoo kale ka dabaraan nolosha qoysaskooda. Iyadoo la rumeysan yahay in Fikradaha nuucaan oo kale ah ay kamid yihiin kuwa yareyn kara shaqo la’aanta ka jirta dalka.

WQ: Cabdixafiid Nuur oo ka tirsan Star FM.

 

Share

Prev Post

Sidee Bulshada Soomaaliyeed ay ku heli kartaa adeeg Caafimaad oo Tayo sare leh?

Next Post

Dhallinyaro Fursado Shaqa abuur kasameystay Suuqa Xoolaha Cusub ee Guriceel

You might also like More from author
SOMA PROGRAM SHARING

Maxaa ka dhalan kara go’aanka DFS ku qabaneyso doorashada?

SOMA PROGRAM SHARING

Sida saameynya ugu leeyahay ganacsatada xeeladaha dhaca daah-soon

SOMA PROGRAM SHARING

Haween loo diiday Shaqooyin ay ka dabari jireen nolosha & waxbarashada…

SOMA PROGRAM SHARING

Sida loo xameyn karo Dabka ka kaca Goobaha Ganacsiga ee dalka & Guryaha.

Prev Next
About SOMA

SOMALI MEDIA ASSOCIATION

The Somali Media Association-SOMA (Ex-Network 2013) Was founded in Kampala at 13 February 2013 by 13 Radio Stations across Somalia and Signed the basic Memorandum of Understanding (MoU) for the Network, the SOMA Members Increased now 38 Radio Stations Across Somalia.

Read More...
Follow us on Facebook
More Stories

Maxaa ka dhalan kara go’aanka DFS ku qabaneyso…

Jan 14, 2021
Prev Next 1 of 68
© 2017 - All Rights Reserved.
Sign in

Welcome, Login to your account.

Forget password?
Sign in

Recover your password.

A password will be e-mailed to you.