Sabti 28 September 2024 Kulankan ay Daladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA ku qabatay Baydhabo ayaa looga hadlaayay Xoriyada Saxaafadda, bad qabka Suxufiga, iyo Helida xogta waxaana ka qeybgalay Suxufiyiin, Agaasimayaasha Warbaahinta, Ururada bulshada, Booliska, garsoorka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada warfaafinta KGS.
30 Suxufi oo laga kala keenay Warbaahinada kala duwan ee ka Howl gal Magaalada Baydhabo ayaa si Wanaagsan ugu Qeyb qaatay inta uu maanta Socoday kulankan
Gadoomiyaha Daladda warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA Hilaal Sheikh Shuceeb oo ka hadlay furitaanka kulankan ugu Horeen Sharaxaad ka bixiyey Muhiimada kulankan uu leeyahay ayaa suxufiyiintan Magaalada Baydhabo kula dardaarmay in ay si wanaagsan uga hadlaan bad qabkooda iyo in sida ugu fuduud ee ay ku heli karaan xogta ay bulshada u baahan tahay.
Agaasimaha Radio Arlaadi C/raxmaan Yuusuf Xasan oo ku hadlaayay afka ururka Wariyaasha KGS ee SOWEJA.” doodan SOMA wariyaasha u qabatay dhabtii waa ka muuqata sedax arin oo wariyaasha in marar badan lagala hadlo u baahan, mid waa arinta xuriyada hadalka, tan labaad waa bad qabka wariyaha iyo helitaanka xog sax ah oo dhamaystir oo ah waxaa bulshada naga sugeyso ee information kala duwan oo xiiso leh, Intaan hadii wariye kasta shaqadiis ku dabaqo waxaa la noqonayaa wariyaal qabta shaqo wanaagsan oo bulshadooda wax kusoo kordhiya.
Aamino Maxamuud Jamac oo ka Socotay Ururada Bulshada Rayidka Magaalada Baydhabo ayaa sheegtay in suxufiyiinta looga fadhiyo warar sax ah taas badalkeedana maamulka iyo qeybaha Bulshada reer koofur galbeed laga rabo in ay in ay warbaahinta iyo wasriyayaasha kala shaqeeyaan oo xaqiiqada ku saleysan ka Hadashay Sida Wariyaha Loogu fadhiyo Soo gudbinta Xaqiiqooyinka taqgan.
Agaasimaha Guud ee wasaaradda warfaafinta Koonfur Galbeed Mudane Cumar Mustafa Nuur oo Qeyb ka ahaa furitaanka kulankan ayaa kula dardaarmay saxafiyiinta in ay ilaaliyaa sumcada iyo haybadda mihnadda Saxaafada, kulankan muhiimad gaar ah siiyaan oo shaqadooda.
Wuxuu sheegay in ka dowlad ahaan KGS ay xoojinayaan in xuriyada hadalka iyadoo laga bad badineynin oo si sax loo is ticmaalayo iney soo dhaweynayaan. Sidoo kale arinta badbaadada wariyaasha ay tahay arin muhiim ah oo ururada ku garab taagan yihiin.
Ka wasaarad ahaan wuxuu sheegey iney wadaan sharci warbaahin gaar u ah KGS oo wariyaasha bad qabkooda lagu ilaalinayo iyagoo kaashanaya ururada .
Kulankan oo Mudo Labo maal mood ah ka socondoono Magaalada Baaydhabo ee Caasimada ku meelgaarka ah ee Koofur Galbeed ayaa waxaa so qaban qaabiyay Daladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA oo taageero ka heleyso Hay’adda International Media Support oo loo so gaabiyo IMS.