Tababarka bedqabka suxufiyiinta oo ay kaqaybgaleen 12 suxufi oo ka kala socday 8 xarun warbaahineed ayaa lagu qabtay Hotelka Aljazeera waqooyiga magaalada Galkacyo ee Puntland, waxa uu ahaa tababarkii 5aad oo kusaabsan bedqabka suxufiyiinta oo ay qabato Daladda warbaahinta SOomalaiyeed ee SOMA.
Suxufiyiinta kaqaybgalay tababarka ayaa qaatay casharo gacanta laga qabanayey (Practical lessons) iyo kuwo tusaalayaal ah oo ay barayaashii bixinayey lawadaageen suxufiyiinta kaqaybgashay tababarka oo lab iyo dheddig isugu jiray.
Waxa uu tababarku socday muddo 3 maalin ah waxaana kamid ahaa waxyaabihii ay suxufiyiinta kaqaybgalay ay ku barteen
- Bedqabka goobta shaqada
- Bedqabka gaariga iyo geershaka
- Bedqabka jidadka
- Bedqabka qofeed
- Kawarramidda iyo tebinta meelaha ay khilaafyadu kajiraan
- Gargaarka degdegga ah iyo hababka loo bixiyo gargaarkaas
- Ciidanka nabadgelyada iyo warbaahinta
- Sida loo maareeyo bukaanada gala komada
- Iyo sida loola tacaalo dadka kuwaxyeelooba shilalka gaadiidka
Agaasimayaasha warbaahinta Galkacyo qaarkood oo kaqaybgalay furitaankii tababarka ayaa sheegay in tababarka bedqabka suxufiyiintu yahay mid kamid waxyaabaha ay ugu baahida badan yihiin xilligan oo ay sheegeen in Puntlanay isu diyaarineyso doorashooyin sidaas awgeed uu kusoo beegmay xilli fiican oo ku habboon.
Warbaahinta kaqaybgashay tababarkan oo kala kala yimid Waqooyiga iyo Koofurta Galkacyo ayaa intii uu tababarku socday waxa ay si fiican uga qyabqaateen dhammaan waxqabadkii siminaarkan, tusaale ahaan suxufiyiinta qarakood ayaa la wadaagay saaxiibadoda kale xogaha iyo waaya-aragnimada ay heleen intii ay ku jireen warbaahinta.
Siraaji Yuusuf Sugaal oo kamid ahaa suxufiyiinta qaatay tababarkan ayaa yiri:
“Maalinmaalmaha kamid ah ayaan soo kazoo baxay xarunteyda shaqada, markii aan cabbaar socday ayaan soo dul istaagay meel dil kadhacay, laba nin oo aan labadaba aqaan ayaa midkood qoriga laalaadinayaa midna dhulka yaal, waxa aan damcay in aan kan dhulka yaal sawir kaqaado, balse kii dilay oo aan aqaan ayaa idil gaaray, war maxaad iga rabtaa ayaan iri? Kaddiba inta igu soo booday ayuu Kamaraddii iyo Rikoorkiba iga qaatay, aadna ii caayey, waa baxay waxa aan u tegey agaasimihii xarunta, waxa aan u sheegay waxa dhacay, waxa uu I weydiiyey sida wax u dhecen, waa u sharraxay, kaddibna ninkii alaabtii waa laga soo qaaday! Tababar ma qabin iyo hab aan ula macaamilo sidaas awgeed Qatar weyn ayaan galay”
Suxufiyiinta qaarkood ayaa sheegay in muddo dheer ay Galkacyo kasocotay baahin aflagaaddo ah oo warbaahinta la isu marinayey, balse hadda sida ay sheegeen kaddib dadaal ay sameeyeen ay hoos u dhacday, welina ay suuragal tahay in ay dhacdo haddii aanay helun xirfadeyn iyo tababar fiican.
Suxufiyiinta gabdhaha ah ee kaqaybgalay tababarka oo ahaa 4 gabdhood ayaa sheegay in ay bahai weyn u qabaan tababarada kusaabsna bedqabka iyo Tebinta khilaafka ama wax ka tebinta meelaha ay khilaafka iyo iska horimaadyadu kairaan.
Guddoomiye kuxigeenka degmada Galkacyo Puntland Farxaan Cabdi Gaafaa oo xiritaankii tababarka joogay ayaa bogaadiyey Daladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA, isaga oo sheegay in tababarada caynkan ah aanay soo gaari jirin Galkacyo, taasina ay sababtay in warbaahinta la isu mariyo dhiillo iyo collaad, balse ay hadda filayaan in isbeddelka billowga ah ee tababarkani u horreeyo uu sabab u noqon doono in warbaahintu baahiso sheekooyin kusaabsan taageerada nabadda iyo wada-noolaanshaha bulshada is nabad ah, mudane Gaafaa ayaa yiri:
“Suxufiyiinta reer Galkacyood waxa jira beri aanay tababarada nuucaan ah soo gaari jirin, sanadkii hore ayaa mar waxa sidan oo kale la qabtay tababar iskudhaf ah, kaas oo si fiican looga faa’iidey, Idaacadaha waxa la isu marin jiray warar xun marka ay collaaduhu dhacaan, hadda taas waa laga sii gubayaa, waxa ayna inta badan idaacaduhu kahadlayaan nabad iyo in nabadda laga shaqeeyo, marka waxa aan idinka rajeynayaa in cilmiga aad qaadateen aad weeleysaan oo noqdo mid wax anfaca”
Gunaanad
Gebagebadii tababarka bedqabka suxufiyiinta ayaa suxufiyiinta qaarkood waxa ay sheegeen in xarumaha ay kahowlgalaan ay joogaan suxufiyiin kale oo saaxiibadood ah kuwaas oo aan tababar iyo xirfadeyn helin balse u baahan in ay kaqaybgalaan tababaradan oo kale sidaas awgeed ay SOMA iyo hay’adaha lamidka ka ah kacodsanayaan in la kordhiyo tirade tababarad caynkan ah ee Galkacyo.
Burhaan Caddeysay oo katirsan MAP kana mid ahaa madaxdii shirka timid ayaa sheegay in doorashooyinka, tebinta khilaafka iyo collaadaha iyo bedqabka suxufiyiintuu ay yihiin tababarada ugu muhiimsan ee maanta ay u baahan yihiin suxufiyiinta Galkacyo.