Munaasabad lagu Xusayey Maalinta Caalamiga ee dhameynta la Xisaab la”aanta Tacsiyada loo geyso Bahda Warbaahinta ee 2- da November ee uu soo qaban qaabiyey Daladda SOMA ayaa lagu qabtwy Magaalada Muqdisho, waxaa ka qayb galey Qaybaha Warbaahinta iyo qaybaha Bulshada.
Munaasabada oo si heersaro ah loo so agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay Xoghayaha Guud ee SOMA Maxamed Cismaan Makaraan wuxuuna sheegey in aan marnaba la isaga hari Doonin Xadgudubyadii loo geystey Suxiufiyiinta Soomaaliyeed.
Ismaaciil Khaliifa oo ah Xoghaayihii hore ee SOMA oo islamarkaana dhaawac Culus ka soo gaarey Qarax Miino oo loogu Xirey Gaarigiisa oo ka hadlayay munaasabada dhameynta la xisaabtan laanta xad gudubyada Warbaahinta ayaa dalbadey in Cadaalada la hor keeno kuwii dhibka u geystey.
Agaasimaha Warbaahinta Gobolka Banaadir Cabdi naasir Xirsi Iidle oo ka qeyb galaayay Munaasabada dhameynta la xisaabtan la aanta Xadgudubyada warbaahinta ayaa Yiri “Sanadkii 2020 waxaa la diiwaan galiyay dhimadashada 62-Wariye oo aduunka oo dhan ah,afar iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay in kabadan kun iyo labo boqol oo wariye ah ayaa la dilay,kiisaskaas hal kiis oo kaliya ayaa cadaalad helay”