Tababarkan oo ay kaqaybgaleen 20 Suxufi oo ka socotay Warbaahinta madaxa-bannaan iyo midda DG Jubbaland islamarkaana socday 4 maalin ayaa lagu baranayey duruus kaladuwan oo kusaabsan bedqabka Suxufiyiinta iyo tebinta Doorashooyinka (Journalist Safety & Election Reporting).
Suxufiyiinta kaqaybgalay tababarkan oo rag iyo dumarba isugu jiray ayaa muujiyey isbeddelka ay sameynayaan kaddib markii ay qaateen tababarka, waxa ay Kaqaybgalayaashu si wanaagsna uga faa’iideysteen Duruusta kujirtay Tababarka oo ay muujiyeen sida ay ugu baahnaayeen tababar ku saabsna bedqabka Suxufiga.
Munaasabadda xiritaanka tababaraka oo maanta oo Talaado ah kadhacday Hotelka Rotana ee magaalada Kismaayo ayaa waxa ka soo qaybgalay Agaasimaha Warfaafinta DG Jubbaland iyo xildhibaano katirsan Baarlamaanka DG Jubbaland.
Cabdishukri Carab agaasimaha guud ee Wasaaradda Wrafaafinta Jubbaland oo kahadlay xafladda xiritaanka Siminaarka ayaa sheegay sida uu ugu faraxsan yahay kobcinta iyo kor u qaadidda aqoonta Suxufiyiinta isaga oo SOMA uga mahadceliyey kaalinta iyo Kaalada ay gelisay tababarka iyo tayeynta suxufiyiinta.