Wariye Maxamed Aadan Ismaaciil Jiglan waxaa uu ku xiran magaalada Hargeysa ee Soomaaliland kadib markii ciidanka booliska ay xireen habeenkii Isniinta oo ay taariikha aheyd 11 December, 2023.
Ilaa hada kama hadlin Taliska Ciidamada Booliska iyo saraakiisha dembi-baaristu Hargeysa sababta loo xiray Wariye Maxamed Aadan Ismaaciil Jiglan oo kamid ah wariyayaasha ka howlgalo Magaalada Hargeysa.
Ujeedadad ka danbeyso xariga saxafigan ayaa lagu sheegay warbixin uu dhowaan baahiyay taas oo la xiriirto wakiilka Soomaaliland u fadhiya Dalka Jabuuti oo laga soo ceyriyay dalkaasi.
Dallada Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA waxay cambaareyneysaa xarigga sharci darrada ah ee lagula kacay Saxafiga Maxamed Aadan Ismaaciil (Jiglan), waxayna dalbaneysaa in deg deg iyo shuruud loo siidaayo.