• Home
  • About SOMA
  • Contact Us

SOMA: Somali Media AssociationSOMA: Somali Media Association - Shaping The Future of Somali Media

  • Home
  • About SOMA
    • Membership
  • Partners
    • FOJO Institute
    • IMS
    • SOSCENSA
  • Programs
    • SOMA PROGRAM SHARING
    • Soma advocacy
  • News
  • Contact Us
  • SomaliAf-Somali
SOMA: Somali Media Association

Tacadiyo ka dhashay Mugdiga ka jira xerooyinka dadka soo barakacay ee Baydhabo

On Jun 3, 2021
Share FacebookTwitterGoogle+ReddItWhatsAppPinterestEmail

Magaalada Baydhabo ee xaruunta gobolka bay waxaa ku yaala in kabadan 400 oo xerooyin barakacaal ah oo ay ku nool yihiin qoysas siyaabooyin kala duwan uga soo barakacay deegaanadooda iyo kuwo ka soo laabtay xerooyinka qaxootiga ee Kenya.

Xerooyin gaaraya 200 oo la isku yiraahdo dhanka koonfureed waxaa haysata iftiin la’aan xiligii habeenkii waxay  la kulmaan dhibaatooyin ay kamid tahay in guriga loo soo galo oo laga qaado aqabka u yaala guriga sida raashiinka.

Iisha nuur Isaaq waxay mudo 8 sano ah ku nooshahay kaamka Idaala one ee duleelka Baydhabo waxay heysataa 5 caruur, mudadii ay halkaan deganeyd waxaa gurigeeda lasoo galay 2 jeer bishan dhaxdeeda ah waxay sheegtay in laga qaaday dhar iyo kabo, Iisha ayaa sheegtay in mar walba ay ka cabsadaan tuugada habeenkii guriga u soo galo.

“waxyaabo badan oo xun xun ayaa la kulagnay intii aan halkaan deganeyn tuugo ayaa guriyaasha gadaashood nooga gabada markaan kacno oo suuliga aadno gurigaa gala kabo iyo dhar ayaa iga qaatay, hadana mid  deriskeyga ah u galay dharkii iyo wixii kalaa fududaa ayaa qaatay, mid kalaa u galay sandaqo yar ayaa jabsaday waxba kuma dhaafin suuli anigoo na heyso ayaa aadi weynay aniga bishaan tuugaha zaaid ayaa ahaa labo jeer ayaa iso galeen habeenkii ayaa nooga daran, marka guriga ay soo galaan waan qaylinaa qayladu ka ordaa, hadii kaamaka iftiin lahaan lahaa dhibkaan ma arki lahayn” ayey tiri Iisha Nuur Isaaq.

“Tuugadu wali wey jirtaa hal habeen ayaa soo maqnaanaa habeen kale wuu kula joogaa tuug leywaaye habeenkii hada aynu soo dhaafnay gabar deriska ah ayaa loo soo galay oo guriga jiingad ahaa wuxuu ka qaatay dhar ay ku ganacsanaysay ayadaba deen ku soo qaatay laga qaaday” ayey mar kale tiri IIsha Nuur.

Xiliga habeenkii haweenka ku nool Xerooyinkaan waxaa ay dareemaan cabsi iyo wel ku aaddan badqabkooda.  Waxaa ay ka baqaan aadidda suuliga xiliga habeenkii , maxaa yeelay waxaa kala fog aqalada ay degganyihiin iyo musqulaha iyadoona cabsida ugu weyn ay qabaan ay tahay in rag kufsada haweenka ay u galaan aqalada musqulaha dhexdooda sida ay wadaag uga warantay Luul bashiir oo ayadana 8sano xeradaan deegaan u ahaa.

“dhibaatooyin ayaa ka jira kaamka markii hore qoysas yar ayaa ahaa hada wuu weynaaday dad badan ayaa degan suuliga markii la aado qofka cabaar ayaa ka maqnaadaa qofka hoyga, dhaxdaa lagu galaa ama gurigaa laga gala wixii u fudud ayuu qaataa, gabar deriska ahaa waxaa laga qaatay telefanka gacanta, ani ahaantay suuliga aan aado iyo hoygeyga 30 daqiiqo ayaa soo maqnaanaa, dhacdo ani iguma dhicin laakiin deriskeyga ayaa mar suuliga aaday rag wadada u galeen wey qaylisay ragiina wey ordeen, ani maalin suuliga aan aaday guriga waxaa joogay caaruurta dad u yimid oo tuuga ahaa wiilka curudka ahaa ayaa qayliyey oo sidii ku ordeen, wax ma haleynin laakiin mar walba waxay rabaa in nolosheena walwal galiyaan” ayey tiri Luul Bashiir

Kaltuumo Maxamed Axmed  waa qareen u dooda xuquuqda haweenka , waxaa ay sheegtay in ay diiwaan gelisay 200 kiis oo haween loo geeystay xadgudubyo kala duwan sedexdii sano ay qareenka aheyd. Kiisaska ay diiwaan gelisay Kaltuumo waxaa ay sheegtay in ay ugu adkeyd kiisaska gabdho da’adooda ay u dhaxeysay 12 sano illaa 14 sano jir lagula kacay falal isugu jira kufsi iyo xadgudubyo kale.

“gabdhaha aqabad badan ayaa heyta gabar waxaa aragnay kaamka dhaxdiisa suuli usoo baxday dhaxda lagu qabsaday qofkii usoo baxay oo damcay in uu caawiya dhaxduu ninkina wuu orday, hadana dhibaatada kale aan kala kulmo markaan rabo in aan arimahooda ka hadlo dadkale  oo maamuliyaasha kaamka kamid ah ayaa ka aamus idhaha, maalin kasta waaad arkeen gabdho yar yar ayaa banaanka sida xaabada loo diraa niman duleedka ku qabsadeen mid ayaa suuxday, ani hay’aaddaha u bandhigaa ayaga wax ka qabanaya, waxay siiyaan nalal iyo lacag ay shaqa abuur looga sameeyo.

Mudo seddax sano ayaa ka shaqeynaayey arintaa waxaa arkay haweenay biyo dhaamin u bahday oo hadgudub lagu sameeyey dhibaatooyin loo geystay ayaa dadka qoyska gabadha qaata lacag wey ka aamusaan anigana mar walba waxaa la hadlaa haweenka kaamka in aysan ka aamusin dhibka loo geysto” ayey tiri Qareenad Kaltuumo.

WQ: Shukri Ismaaciil oo ka mida Radio Warsan

 

Share

Prev Post

Saameyn ka dhalatay xayiraadii Kenya ay kusoo rogtay Diyaaradaha Soomaaliya

Next Post

Tacadiyo ka dhan ah Haweenka oo Muqdisho ka dhacay labadii Todobaad ee tagtay

You might also like More from author
SOMA PROGRAM SHARING

Muqdisho: 40 Haweenka leh xirfadda Umuliso dhaqameedka oo helay wacyigalin &…

SOMA PROGRAM SHARING

MUQDISHO: Gabdho magaalada u yimid si ay u caawiyaan qoyskooda oo abaarta ceyrteysay

SOMA PROGRAM SHARING

BELEDWEYN: Beeraleyda ka cabanaya hoos u dhac ku yimid wax soo-saarkooda

SOMA PROGRAM SHARING

SH/HOOSE: Beeraley dhowr mar khasaaray oo helay Tababarro & suuq-geyn

Prev Next
About SOMA

SOMALI MEDIA ASSOCIATION

The Somali Media Association-SOMA (Ex-Network 2013) Was founded in Kampala at 13 February 2013 by 13 Radio Stations across Somalia and Signed the basic Memorandum of Understanding (MoU) for the Network, the SOMA Members Increased now 38 Radio Stations Across Somalia.

Read More...
Follow us on Facebook
More Stories

Muqdisho: 40 Haweenka leh xirfadda Umuliso dhaqameedka oo…

Apr 14, 2022
Prev Next 1 of 125
© 2017 - All Rights Reserved.
Sign in

Welcome, Login to your account.

Forget password?
Sign in

Recover your password.

A password will be e-mailed to you.