Tababarka bedqabka suxufiyiinta ee Kismaayo ka furmay manta waxaa ka qayb gelaya 12 suxufi oo ka shaqeeya Magaalada Kismaayo una shaqeeya , 12 xarumo warbaahineed oo ka howl gala magaalada Kismaayo xarunta KMG Jubaland.
Tababarkan oo socondoona sedexda maalin ee kala ah 27, 28 iyo 29 December ayaa waxaa ugu u horayn ka hadlay gudoomiye ku xigeenka SOMA Maxamed Cabduwahaab oo marka hore u mahad celiyey doladda Jubaland gaar ahaan wasaaradda warfaafinta oo uu sheegay inay ka caawisay qabashada tababarkan asagoo u mahadceliyey wasiirka warfaafinta jubbalan iyo xildhibaanada ka soo qayb galay furitaanka tababarka .
Gudoomiye ku xigeenka ayaa sharaxaad ka bixiyey tababarka waxa uuna sheegay in u jeedadiisu tahay in wariyaasha laga caawiyo sida ay amaankooda u ilaalin lahaayeen iyaga oo gudanaya waajibaadkooda saxaafadeed. Maxamed Cabduwahaab ayaa wariyaasha kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan fursadaan qaaliga ah oo aan markasta la heli Karin.
Sii hayaha Xogeyaha ayaa sheegay in dalladda SOMA oo ay ku midaysanyihiin ku dhawaad 40 xarumo wabaahineed oo ku kala yaal Soomaaliya oo dhan ay u taagantahay horumarinta saxaafadda Soomaaliya gaar ahaan inay kor dhiyaan tayada aqooneed ee wariyaasha .
Maxamed Cabduwahaab ayaa u mahadceliyey hayadah IMS/FOJO oo uu sheegay inay tababarkan maalgeliyeen la’aantoodna aysan SOMA qaba lahayn tababarkan , waxa uuna u ga mahadceliyey gacansiinta dalladda SOMA.
Furitaanka tababarka bedqabka suxufiyiinta ee Kismaayo waxaa ka soo qayb galay wasiiro iyo xildhibaano ka tirsana dowladda jubaland .
Xildhibaan Maxamed Cali Joog oo furitaana ka hadlay ayaa sheegay inay saxaafaddu tahay laf dhabarka bulshada , waxa uuna aamanay kaalinta saxafiyiinta ee ay ka qaataan horumarinta dalka.
Xildhibaan Joog ayaa yiri: “wariyaashu waa geesiyaal u dhabar adeegay difaaca dalka iyo dadka, waxayna u adkeysteen burburkii dalka ayagoo u taagnaa shaqadooda habeen iyo maalin”.
Xildhibaanka oo sii hadlayey ayaayiri: “maamulada dalka waxaan kula talinayaa inay ilaaliyaan wariyaasha amaankooda xil gooniyana ay iska saaraan, maxaa yeelay waxay u taaganyihiin danta dalka iyo dadka ayagoo u adkeystay dil , qarax iyo handadaad joogta ah oo lagu haayo si loo aamusiyo”.
Sidoo kale Xildhibaan Cabdi Xiish oo furitaanka ka hadlay ayaa wariyaasha kula dardaarmay inay wadaniyiin noqdeen kana fikiraan danta dalka iyo dadka , ayagoo waxkasta ka hormarinaya danta guud . wasiirka warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada jubaland Cabdinuur Cali Aaden, oo furay tababarka ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay ka soo qayb galka furitaanka tababarka bedqabka suxufiyiinta , wasiirka ayaa soo dhaweeyey tababarkan in lagu qabto magaalada Kismaayo,oo xarun KMG u ah doladda Jubaland, loona qabto wariyaasha ka howlgala magaalada oo uu sheegay inay hayaan shaqa muhiim u ah dalka iyo adka .
wasiirka Cabdinuur ayaa kula dardaarmay wariyaasha inay ku dadaalan tebinta runta iyo xaqiiqada si ay dadka u gaarsiiyaan warar iyo barnaamijyo tayo leh oo kor u qaadaya horumarka bulshada iyo amaanka dalka. wasiirka yaa sheegay inay jubaland ka mid tahay meelaha ugu dhibaatada yar wariyaasha marka loo fiiriyo dalka gobaladiisa kale.
Sidoo kale wasiirka ayaa wariyaasha u soo jeediyey inay ka faa’iideystaan tababarkan ay u samaysay dalladda SOMA si ay uga kororsadaan khibrad dheeri ah oo ka caawi doonta gudashada waajibaadkooda saxaafadeed.
Ugu dambayn Wasiirka ayaa sheegay inay yartahay xarumo warbaahineed oo tiradaan leh inay midoobaan asagoo maamulka SOMA uga mahadceliyey asaaska dalladdan oo ay ku midaysanyihiin xarumaha warbaahinada ka howlgala maamul gobaleedyada oo dhan , kuna dhiiri geliyey inay sii laba laabaan horumarinta wariyaasha Soomaaliyeed.