Ku dhawaad Labaatan dhallinyaro ah oo dhaafay da’da waxbarashada aasaasiga ah isuguna jira wiilal & gabdho ayaa ka faa’iideystay fursad si lacag la’aan ah oo wax lagu barayo, taas oo ay hirgaliyeen Aqoonyahano kunool degmada Wanlaweyn ee Gobolka Sh/ Hoose.
Nasteexo Macallin Abuukar oo 18 jir ah waxa ay ku faraxsan tahay in ay heshay Iskuul aan wax lacag ah ka qaadin, iyadoo hadda dhigata fasalka 6-aad ee dugsiga Hoose oo ay ku qaadato Todoba Maado galinka dambe maalin walba marka laga reebo Khamiista iyo Jimcaha.
Waxa ay sheegtay in ay aad u jeceshay waxabarashada, laakin ay fursada u saamixi weyday in ay waxbarato, maadaama ay yihiin waalidkeed beeraley iyadana ay ka caawin jirtay shaqada, marna ay guriga joogi jirtay.
Nasteexo oo ku biirtay Iskuulka Daafeed sanadkii 2020-ki waxa ay u aragtaa in tani ay fursadii ay uga badbaadi lahayd Jahliga. Waxa ay ku hamineysaa inay meel sare ka gaarto waxbarashada oo ay noqoto mustaqbalka dhaqtarad si ay bulshadeeda u caawiso.
“Wiilashu subaxdi ayey iskuulka aadaan anna galabtii iskuulka kahor guriga ayaan joogay waxaa aan rabaa inaan noqdo diktoor inaan dadka ugargaaro “
Wiilal iyo gabdho oo Iskuulka markii hore uga haray waxbarashada lacgaha ku baxaya oo aysan qoysaskooda awoodin, maadaama ay yihiin beeraley ayaa ka faa’iideystay sidoo kale fursadaan, kuwaas oo gaaraya 150 arday.
Cabdifitaax Miniyaabulis oo kamida dhallinyarada abuurtay fikirka ah in kuwa dhaafay da’da waxbarashada aasaasiga ee kunool Degmada Wanlaweyn loo faa’iideyo ayaa sheegaya in deegaanka ay ka jirto baahi weyn oo xaga waxbarashada ah.
Waxa uu xusay in Ujeedadu tahay in degmadu hesho jiil ku fiican waxbarashada ay u go’aansadeen in galin ay shaqeystaan, halka galinka dambana ay si bilaash ah wax ku baraan ardaydan tan iyo 2019-kii, isaga oo ugu baaqay dhallinyarada aqoonta leh in ay u faa’iideeyaan carruurtaan oo leh mustaqbal wanaagsan.
Cabdifitaax ayaa tilmaamay in markii hore bulshada degmada ay u arkayeen inay mashaariic lacageed ku qaateen, balse markii dambe ay ka dhaadhiciyeen rabitaankooda ah soo nooleynta waxbarashada, iyaga rajoodu ugu weyn ay tahay in ay hirgaliyaan xarmo kala oo sidaan ah, maadaama ay dadku si wanaagsan u fahmeen muhiimada ay leedahay in caruurta wax la baro.
“Iskuulka gelinka dambe ayuu aad u shaqeya gelinka horena maclimiinta qaar shaqo kale ayey leeyihiin iskuulkan ujeedada aan usameynay waa caqabado badan oo xaga waxbarashada ah oo jirto awgeed baahiyo gaar ayaan aragnay iyo bulsho iska danyar ah oo aan awodin iskuulada qarashaadka laga bixiyo waxaan usameynay inaan iskuulka aas aasno oo aan si free wax ku barno oo si iskeen ah” sidoo kale waxa uu yiri
“Dadka danyarta waxaan ku dooranay inaan horumarino ka deegaan ahaan bulsho aqoon leh oo tayo leh inaan soo saarno marka aan aragnay baahida loo qabo wax barashada xageeda”
Sidoo kale Kalar Maxamed Xasan oo 15 jir ah waa qofka kaliya ee qoyskiisa ee wax ka barta xilligaan, isaga oo ka faa’iideystay fursada lacag la’aanta ah ee Iskuulka Daafeed.
Waxa uu xusay in wiilal ay deris yihiin markii hore ay wax u dhigi jireen, haddana uu yahay fasalka 5-aad ee Dugsiga Hoose, galina uu beerta kala shaqeeyo qoyskiisa, halka uu galinka dambana uu aado Iskuulka.
Kalar hadda waxa uu qori yaqaan Af-Soomaaliga sidoo kalana waa akhrin yaqaanaa, inkastoo uusan wiligiis ku fikirin inuu noqon doonno ardayda fasal waxbarasho fariista, hadana ay jirtay jaceylka uu u qabay waxbarashada, oo uu kaga maseeri jiray dhallinyarada lamidka ah ee Iskuullada aada subax kasta.
“Wax badan ayaa nolosheyda iska baddelay aniga lee wax barto familkena xiliga aan iskuulka joogina wax maqabto waxan ku haminaya inan noqdo Macallin”.
WQ: Maxamed Cabdiraxmaan oo ka tirsan Radio Wanlaweyn.