Cabdi Wali Boorow oo da’diisu tahay 23 sano jir kuna nool Guriceel Wuxuu ii sheegay in uu xirfadan raacinimada uu oga yimid baadiyaha fog ee gobolka Hiiraan iyo si xoolaha magaalada Guriceel uu lacag ugu raaco nolasha reerkiisana oga maareeyo oo uu xirfadan raacinimada uu kuguda jiro bishiisi sedexaad.
Borow wuxuu ii sheegay inta uusan magaalada Guriceel soo gaarin uu magaalada Baladweyne ku nolaa mudo 6 bilood ah oo uu shaqa ahaan ka shaqeynayay intii uu joogay shaqo an raacinimo ahayn oo marna maqaaxi kabalyeeri ka ahaa marna dumar jaadka iibiya uu kabaradooda oga shaqeyn jiray.
Cabdiwali ayaa sheegay in xoolaha uu raaco in loogu xisaabiyo mid mid ,islamarkaana 143 oo ay leeyihiin dad kala duwan uu bishii neefwaliba ka qaato lacag dhan $0.8, waxaana uu bishii helaa lacag ku dhow 150 dollar, waxaa kaloo uu tilmaamay in uu aqoon u leeyihiin sida xoolaha loo raaco ama loo dhaqdo maadaama yaraantiisii uu baadiye ka yimid oo qoyskiisa ay ahaayeen xoolo dhaqato.
“Waxan ka imid hiiraan baadiyihiisa oo an oga imid shaqadan xoolaha inaan raaco ah oo aan ad u garanayo, waxaan racaa 143 neef oo dhamaan dad ka mid ah dadka magaalada dagan ay leeyihiin. waxaan bishii neef kaste ku raacaa $0.8 oo laga rabo dadka iska leh ariga, waana shaqo iiga fiican shaqadii an horay oga shaqeyn jiray magaalada baladweyne oo aan markik baadiyaha ka imaaday aan imid, Baladweyne shaqo fiican malahayn barna maqaayad ka shaqeynayay marna islaama jaadka qabarka u diyaarin jirin.”
Nabadoon Axmed Guuled waa shaqsiga wiilkan dhalinyarada ah deegaanka keenay oo xiriir uu la sameeyay dad ku nool magaalada baladweyne ayaa sababtay in halkaan uu shaqadan u yimaado maadaama isagu uu ka mid yahay dadka magaalada dagan ee ariga ku dhaqda.
Wuxuu ii sheegay in fikradan isaga ay ku dhalatay magaaladana ay ahayd mid ay u baahan tahay kadibna uu go’aansaday inuu baladweyne la xariiro si loo helo qof shaqadan ka bixi kara aadna u garanaya dhaqashada xoolaha isagana ariga uu magaalada ku dhaqdo raaci ugu helo maadaama xoolaha iyo dadka iska lehba faaiido u tahay sida uu ii sheegay.
“Aniga ka axmed ahaan ayey igu dhalatay in arinkan loo baahan yahay magaalada ayaan in badan ka raadinayay qof shaqadan ka soo bixi kara laakiin ma dhicin in laga helo dadka Magaalada Guriceel ķu nool sidaa daraaded ayaan u go’aansady inaan Magalada baladeeyne la xiriiro sidaas ayuuna wiilka dhalin yarada ah ku yimid magaalada hadana mudo ku dhow 4 bil ayuu wataa shaqadiisa. dad badan oo ka mid ah dadka magaalada dagan oo ariga dhaqda ayuu xoolaha u raacaa si wanaagsan ayuu subixii u soo fiyaa isagoo dhameystiran oo meelaha daaqa leh la geeyay ayuu soo hoyaa fiidkii ayuu yiri Axmed.”
Dadka magaalada Guriceel ku dhaqda xoolaha ariga ayaa fikradaan aad u soo dhaweeyay kuna qanacsan in xoolahooda ay raaci u helaan. Sidoo kale waxey tilaabadan raacinimada ah ku tilmaamen mid faaido u ah dhaqashada xoolahooda iyagoo guryahoodi magaalada jooga.
Hooyo Dahabo Salaad waxey ka mid tahay dadka dagan magaalada Guriceel gaar ahaan xafada bari ee Wadajir waxey barnaamijka wadaaga qaybtiisa Galmudug u sheegtay iney ku faraxsan tahay in arigeedi ay u hesho raaci & in maalintii loo daaqsin geeyo dhulka fog ee magaaalada si arigu halkaa intifaac oga soo helo.
Hooyo Dahabo waxey tilmaantay in awal ariga ay ku dhibaneyd iyada oo an raaci karin iyo isagoo ka baadiyooba balse hada labadiiba ay xal u heshay.
“Adbaan ugu qanacsanahy in arigeygii an lahaa anigo gurigeyga jooga la ii raaco tilaabadan aniga iyo xoolahaba wey noo wada wanaagsan tahay awal waan isku dhibaneyn. Hada waxaa la ii daaqsin geeyaa meelaha fog iyadoo fiidkii la keeno isagoo biyo u baahan oo aan iga baadiyoobin waana mid faaido u ah xoolaha wuxuu ku helayaan daaq uu arigu dhiig ku yeesho ayeey tari Hooyo Dahabo.”
WQ: Cabdi-qadar Xasan oo Radio Galgaduud ka tirsan