Magaalada Muqdisho waxaa laga hirgeliyay iskuul ay wax ku baranayaan carruurta aan hadli Karin amaba korriinshahoodu hooseeyo, kaas oo loogu talagalay in ay ka faa’iideystaan fursad waxbarasho oo u dhiganta tan ay hadda heystaan marka loo eego xaaladdooda caafimaad.
Seynab Xasan Cali oo kamid ah waalidiinta ay carruurtoodu halkaan wax ku bartaan waxa ay wiilkeeda oo muddo laba bilood ah halkaan dhiganyay ku aragtay isbeddel weyn kaddib markii uu bilaabay in uu hadlo, kuna dhawaaqi karo hadda magaca hooyadii halka markii hore uu shibbane ahaa.
Waxayna u aragtaa fursad weyn maadaama markii hore aysan ogeyn goob ay wax ku bartaan carruurta sidaan ah xilli ay ku wargeliyeen saaxibadeed oo u sheegay in la hirgeliyay xarun ay wax ku bartaan ilmaha la nool xanuunka dhimirka. Saynab waxa ay hadda rajo wanaagsan ka qabtaa in wiilkeeda oo lix jir ah uu hadli doono, welwelkii badnaanna uu ka yaraaday.
“Marka hore ma hadli jirin, dhaqdhaqaaqna ma laheyn balse hadda xaaladdiisa iyo isbeddelka ku yimid aad baan ugu faraxsannahay, runtii meel waliba xittaa waan geeyay laakiin halkaan ayuun isku beddelay.” Ayay tiri Seynab.
Helidda goob sidaan oo kale ah waa mid ay ku taamayeen waalidiin badan oo aaminsanaa inay adag tahay in wax la fahasiiyo carruutooda qabta xannuunka Autsmka isla markaana quus ka joogay sida uu noqon doono mustaqbalkooda.
Raxmo Maxamuud oo ah maamulaha Iskuulkan ayaa sheegeysa in u jeedada ay u fureen ay tahay in ay helaan carruurtaan sida kuwa kale ee asaagooda ah, loona baahan yahay in ay helaan fursad looga fikiro aayahooda dambe.
Sidoo kale waxay sheegtay in ay soo kordheen dadka bartay cilmu-nasfiga iyo in magaalada Muqdisho ayna ka jirin xarumo sidaan ah, balse ay wali yartahay tirada Ardayda wax ka baranaya Iskuulka, marka loo fiiriyo baahiyaha ka jira Magaalada.
Fasalkasta waxaa dhigata Arday tiradooda u dhaxeysa 4-ilaa 7 cunug waxaana wax bara laba macallin midkiiba, taasi oo ku tusineysa juhdiga lagu bixinayo ilmuhu, iyadoo da' ahaan u dhaxeeyaan seddex sanno jir, illaa 12 jir, oo gabdho iyo wiilal ah.
“Markii aan arkay waalid badan oo ay carruurtoodu xannuunsan laheyn daryeel iyo mustaqbal danbe ayay aheyd wixii igu dhaliyay inaan goobtan hirgeliyo, sidoo kale Muqdisho oo ay ka jirin xarun sidaan ah iyo in dalka yimaadeen dad aqoon u leh cilmu-nafsiga”.
In kasta oo Drs Raxma ay dareensan tahay baahida isasoo taraysa oo xarunta ka jirta, haddana waalid walba oo dhalay cunug qaba autismka ma awoodi karo inuu halkan ka diiwaan-geliyo qarashka ku baxaya oo aan yareyn awgiis. Waana arrin ay lafteedu si dhow ula socoto, xaaladda carruurta sidaan oo kale ah ee ay dhaleen kuwa danta yar, balse halka ay deggan tahay looga baahan yahay kiro iyo in uu ku baxayo qarash barayaasha wax u dhiga carruurta, ay u saamaxeynin xilligaan in ay fursado u siiyaan waxbarashada.
“Xaqiiqdii waan jecelnahay inaan wax u qabanno dadka danta yar balse kirada iyo qarashka ku baxaya macallimiinta oo xaddidan ayaan taasi suuragal ka dhigeyn.” Ayay tiri Drs Raxma
Tirakoob rasmi ah lagama hayo, tirada carruurta soomaaliya joogta ee la nool Autism-ka, balse Dhaqtar Raxma Cabdullaaqir ayaa aaminsan, in boqolaal kun ay gaarayaan.Hay’adda Qaramada midoobey u qaabilsan caafimaadka ee WHO warbixin ay soo saartay 2019-kii ayay ku sheegtay, in 160-kii carruur ah uu mid ka mid ah la nool yahay xaaladdan, dunida oo dhan, wiilashuna ay 4 illaa 5jeer kaga badan yihiin gabdhaha.
WQ: Maxamed Xasan oo ka tirsan Radio Himilo.