• Home
  • About SOMA
  • Contact Us

SOMA: Somali Media AssociationSOMA: Somali Media Association - Shaping The Future of Somali Media

  • Home
  • About SOMA
    • Membership
  • Partners
    • FOJO Institute
    • IMS
    • SOSCENSA
  • Programs
    • SOMA PROGRAM SHARING
    • Soma advocacy
  • News
  • Contact Us
  • SomaliAf-Somali
SOMA: Somali Media Association

Arday arag Naafo ka ah oo markii ugu horreysa u fariistay imtixaanka Dowladda ee dugsiga dhexe

Last updated Jun 9, 2021
Share FacebookTwitterGoogle+ReddItWhatsAppPinterestEmail

In ka badan 26,500 oo Arday ayaa 24-kii bishii lasoo dhaafay si rasmi ah ugu fariistay Imtixaanka kama danbeysta ah ee dugsiga dhexe, oo lagu qaaday 72 Xarumood oo ka mid ah dugsiyada iyo Jaamacadaha ku yaala magaalada Muqdisho.

Tiradaas sannadkan waxaa nasiib u yeeshay in ay kasoo muuqdaan ardayda qaba baahiyaha gaarka ah gaar ahaan kuwa arraga la’ oo ku dhawaad 15 arday ay ugu qeyb galeen imtixaamka, waana markii ugu horreysay oo arday arag la’ ku galaan farta bareelka tan iyo burburkii Dowladdii dhexe ee dalka.

Cabdiraxman Mahad Mahdi oo kamid ah ardayda aragga la’ waxa uu sannadkan nasiib u yeeshay ka qeyb galka imtixaamka dugsiga dhexe, waxa uu ifinayaa sida uu ugu diyaar garoway.

Sidoo kale waxa uu farxad ka muujiyay sida imtixaamka looga qaaday ay tahay mid sarreysa marka loo eego in isagu awood u leeyahay in jawaabaha uu gacantiisa ku qorto, taa oo ah mid ka duwan sidii imtixaamka looga qaadi jirey ardaydii isaga ka horreyay kuwaasi oo keliya loo oggolaa in loo qoro jawaabta ay bixiyaan.

Cabdiraxman ayaa rajo wanaagsan ka filaya natiijada iyo u  gudbidda dugsiga sare.

“Runtii waad dareemi kartaa marka adigu aad gacantaada ku qoraneysid jawaabta way ka duwan tahay marka laguu qorayo, waana wax aad loogu farxo arrinkan, waxaana rajaynayaa in aan u gudbo dugsiga sare.” ayuu yiri Cabdiraxman Mahad

Sannadihii hore ardayda nasiib uma aysan yeelan inay fartooda ku galaan imtixaanka, waxaana looga qaadi jiray hab su’aalo weydiin afka ah kaddibna la qori jirey waxa ay sheegaan balse  nasiib wanaag hadda waxa ay jawaabaha ku qoranayaan gacantooda.

C/fitaax Maxamed Daahir  oo ah guddoomiyaha Iskuulka Al-nuur oo ay wax ku bartaan ardayda aragga La’ isla markaanna tirada ugu badan ardayda ay dhigtaan dugisigiisa kuwaasi oo gaaraya 11 arday ayaa ka sheekeyanaya farqiga u dhaxeeya habka wax looga qaadi jirey markii hore iyo habkan ah farta bareelaha.

Guddoomiyaha ayaa xusay in tallaabta sannadkan ardayda arraga la’ looga qaaday imtixaamka uu yahay mid wanaagsan oo uu ardaygu awood u leeyahay in jawaabaha gacantiisa ku qorto halka kolkii hore jawaabta loo qori jirey.

C/fitaax ayaa yiri: “Sannadihii hore, sannadkan wuxuu kaga duwan yahay in ardayda jawaabta gacantoodu ku qoranayaan isla markaanna ardaygu ay middaasi waajib ka saaran tahay, maadama xilliyadii hore loo qori jirey”.

Muddo kahor waxay aheyd xaalad adag marka ay timaado in imtixaam laga qaado ardayda arraga la’ , iyadoo culeysada ugu weyna uu ahaa in uusan jirin nidaam u diyaarsan ardayda baahiyaha gaarka ah qabo gaar ahaan kuwa arraga la’.

Fartuun Axmed Cali waxa ay sannado kahor ka qallin jebisay dugsiga sare, nasiib darro fursad uma helin in ay gasho imtixamka shahaadiga ee ay galeen asaageeda lixaadka leh, waxaana xilligaasi loo sheegay in aysan suuragal aheyn in ay u fariisato imtixaamka.

Fartuun ayaa arrinkan ku tilmaamtay mid niyad jab ah, marka loo eego isu diyaarinta ay sameysay in lagu wargeliyo in sanandka ka danbeeya ay imtixaamka u fariisan doonto.

Waxay sidoo kale sheegtay in ballan-qaad xilligaas ay wasaaraddu u sameysay aysan u fulin sidii ay u rajaynayeen kaasi oo ahaa in lagu dari doono arday uu sameyn ku yeeshay fatahaaddii uu wakhtigaas wabiga Shabelle ka geystay magaalada Beledweyne oo aan u suuragelin in ay isku wakhti galaan ardayda kale ee gobollada dalka.

“Wallaahi waxay aheyd mid niyad ah in adiga oo isku diyaariyay imtixaamka laguugu wargeliyo in aadan u fariisaneyn, taasi waxay keentay in aan waayo shahaadada dugsiga sare oo aan u baahnaa, xaqiiqdii waxay aheyd caqabad ay soo mareen ardayda arraga la’ .” ayay tiri Fartuun Axmed.

 

 

 

 

WQ:- Fartuun Aamusane oo ka tirsan Star Fm Muqdisho

Share

Prev Post

Tacadiyo ka dhan ah Haweenka oo Muqdisho ka dhacay labadii Todobaad ee tagtay

Next Post

Gabdho Muqdisho ka sameeyey Beer ay Dalagyo kala duwan uga soo go’day

You might also like More from author
SOMA PROGRAM SHARING

MUQDISHO: Roobka xagaaga oo saameyn ku yeeshay dadka kasoo cararay abaaraha

SOMA PROGRAM SHARING

GAALKACYO: Dadka kunool tuulo hoos timaada magaalada oo Biyo yari xoog leh wajahaya

SOMA PROGRAM SHARING

BELEDWEYNE: Magaalada Feer-Feer oo kasoo kabaneysa colaad soo jirtay RUBUC QARNI…

SOMA PROGRAM SHARING

WANLAWEYN: Mootooyinka Saddex Lugooleyda ah oo fududeyneysa nolosha reer Miyiga

Prev Next
About SOMA

SOMALI MEDIA ASSOCIATION

The Somali Media Association-SOMA (Ex-Network 2013) Was founded in Kampala at 13 February 2013 by 13 Radio Stations across Somalia and Signed the basic Memorandum of Understanding (MoU) for the Network, the SOMA Members Increased now 38 Radio Stations Across Somalia.

Read More...
Follow us on Facebook
More Stories

MUQDISHO: Roobka xagaaga oo saameyn ku yeeshay dadka kasoo…

Aug 4, 2022
Prev Next 1 of 130
© 2017 - All Rights Reserved.
Sign in

Welcome, Login to your account.

Forget password?
Sign in

Recover your password.

A password will be e-mailed to you.