Gabdhaha kulliyada beeraha ka barta jaamacadaha kala duwan ee Muqdisho ayaa bilaabay in ay abuuraan dalagyo kala duwan ku abuuran beer ay ka hirgaliyeen Dagmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.
Gabdhahaan kooxda ee ku midoobay wax soosaarka iyo beerista dalagyada ayaa ka kooban 80 gabdhood waxaa hadda u beeran dalagyo ay kamid yihiin Yanyada, Qajaarka, Kabsarta, Koostada iyo Basbaaska.
Saciido Cabdulaahi Yalaxow oo ka mid aha gabdhahaan ayaa waxa ay sheegtay in dadaal badan ay ku bixiyeen abuurida beertan, Sidoo kalana dhulku uu yahay mid kiro oo marka uu miraha dalagyada ay beereen uu usoo go’o laga rabo 20% lacagta ay ka faaiidan miraha oo ah kirada dhulka.
Goobta ay ku buureen beertaan ayaa ah baaxad ahaan waxay dhan tahay Saddex boos, waxaana ay ku taalla meel banaan oo ay ku yar yihiin dadka degaanka ah.
Waxaa kaloo SOMA u sheegtay in dalagyada hadda u beeran ay ku doorteen in ay yihiin kuwo si maalinlea ah bulshadu ay u isticmaalan sidoo kalana suuq loo helaayo agabka iyo dareeska ay ku howlgalan ayey sheegtay in ay ka caawiyee hay’ado.
“ Octobar waxan bilaabnay 2020. October, november, december ayaan maalgelinay janayo suuqa ayay taalay qudaarta koosto, barbarooni ,qajaar,iyo yaanyo, janayo, febrayo ,ilaa maarso waxa socday wajiga labaad maarso wixii ka danbeyay hada waxan bilaabnay wajigii labaad beero kle way jiraansidaan sheegnay lakiin waxa noo diiday dhanka amniga anagoo gabdho ah iyo beerihii oo afgooye ku yaala shabeellaha hoose wadooyinka oo dhibaatoyin ay ka jiraan iyo covid19 oo na celiyay waxyaabo badan darteeda u joojinay lakiin waxa jira gabdho badan oo shaqo abuur magaalda ka samestay oo naga mid ah” Ayey tiri Saciido.
Qaar ka mid ah aqoon-yahanada dhanka beeraha ayaa sheegay in goobta ay gabadhaan ku abuureen beerta ay tahay mid ku haboon, waxaana ay ku taliyeen in ay ka shaqeeyaan soo saarista dalagyada looga baahan yahay Suuqyada Caasimada.
Cabdiraxmaan Taange oo ah Madaxa Kulliyada beeraha Jaamacadda Horseed ayaa Barnaamijka Wadaaga SOMA u sheegay in gabadha barta beeraha ay ku dhiirigaliyaan in ay noqdaan kuwo leh wax soo saar ayna ka howlgalaan beeraha.
Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in isku deyga koowaad ee ay sameeyeen uu yahay mid muhiim ah oo ay muujiyeen wax soo saar, waxaana uu tallo ahaan ugu soo jeediyay in goobta ay ka sameeyeen beeraha ay kasii raadiyaan meelo kale oo uga sii haboon iyo soo saarista dalagyada waxtarka leh.
“ factor waxa weye dhulkii isku dhul ma aha waa caro bacaad halkaan in caro madow lagu daro weye jiinka wabigana waa naqaana waa caro madow factorka labaad waxa uu noqonaya in waraabka nooca la adeesanayo”.
Najmo Cabdi Farax waa xubin ka mid ah gabdhaha beer yaqanada ah waxa ay sheegtay in ay rajeynayaan in ilaa gobolada dalka ay beero badan ay ka abuuran ayna ka mid noqdan beeralay bulshada ay ku tiirsan tahay waxa xustay in hadda wajigii kowaad qudaartii usoo go’day ay ka faa’iideen lacag dhan Shan Boqol oo doolar, sidoo kalana wajiga labaad ay sugayaan faa’iido intaa ka badan.
Waxaa ay xustay in cilmi badan ay ka heleen waxbarashada beeraha laakiin markii ay shaqa galeen ay arkeen shaqada si ay muhiim u tahay iyo tijaabinta wax soo saarkooda.
Waxay kaloo SOMA u sheegtay in maalinba koox gabdho ah ay ku qoron yihiin shaqada beerta howshana ay sidaa u qaybsadaan habeenkiina ay jiraan shaqaalo u ilaaliya beerta.
“ Bulshada qaarna way ku dhiira galinayaan qaarna way kaa so horjeesanayan qaarka ku dhiira galinaya moralka ayay dhisayaan way mahadsan yihiin lakiin kuwo kle waxay ku dhahayan yaabmo maa qadaneso gabaratahay sidee u isticmaalaysaa nimanka loogu tala galay beer maa falaysa uma joojineso marka horaba waxan udoiranay inan dalkaan wax kasoo saarno waxan rajeenena in ay nagu tiirsanaado qudaarta dalkaan laga isticmaalo”.
Kooxdan Gabdhaha ah ayaa rajeynaya in ay kusoo biiraan wiilal ay isku xirfad yihiin, si ay kala shaqeeyaan wax soo saarka dalka. Sidoo kale waxa ay siiyaan Tababaro la xiriira Beerashada, Ardayda dhigata Cilmiga Beeraha.
WD: Shukri Caabi oo Radio Risaal ka tirsan.