• Home
  • About SOMA
  • Contact Us

SOMA: Somali Media AssociationSOMA: Somali Media Association - Shaping The Future of Somali Media

  • Home
  • About SOMA
    • Membership
  • Partners
    • FOJO Institute
    • IMS
    • SOSCENSA
  • Programs
    • SOMA PROGRAM SHARING
    • Soma advocacy
  • News
  • Contact Us
  • SomaliAf-Somali
SOMA: Somali Media Association

Baydhabo: Haweenka Magaalada oo lagu dhiirigalinayo in ay qeyb ka noqdaan Siyaasada

On Oct 22, 2020
Share FacebookTwitterGoogle+ReddItWhatsAppPinterestEmail

Urur maxali ah oo lagu magacaabo isku xirka haweenka Gobolka Bay una ololeeya ka qeybgalka siyaasada Habeenka ayaa Baydhabo ka wada olole wacyigalin ah oo lagu dhiiragalinaayo Gabdhah aqoon yahanada ah ee hanka u haya siyaasada dalka, balse aan heysan kalsooni nafeed mid maaliyadeed oo ay ugu dhabeey karaan kamid noqoshada qeybaha kala duwan ee hay’adaha dowlada.

Waxay qabtaan haweenka ku jira Ururka kulamo ay la qaataan gabdhaha si ay uga dhax xushtaan gabdhaha ay u arkaan In ay kasoo muuqan karaan maslaxa siyaasada ee buuxisa habka xulshada ay u degsan nidaam ahaan ururkan, si ay u kaabaan una dhiiragaliyaan gabdhaha.

Caasha Cali Maxamed waa Madaxa arimaha bulshada iyo siyaasada ururkaan ayaa ii sheegtay In iyada naftirkeeda ka hor inta aysan ku biirin ururka ay ahayd mid leh hami siyaasadeed balse ay weysay cid dhiiragalisa taas oo aakhirkii ku abuurtay In xubin ka noqoto ururka si ay haweenka ugu noqoto mid ay ku deydaan wexeyna suurta galisay In ay gabdho badan ay gasho kalsooni ay uga dhiiran karaan ka qeyb galka siyaasada dalka.

Hada iyadana waa musharax oo u cararaysa kursiga Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka Dowlada Faderaalka.

“arinta igu kaliftay in aan isku soo sharaxo xilka Xildhibaanimo in aa ka hadlo dhibaatada haweenka, waan arkay dhibaato badan sida gudniinka fircooniga, kufsiga iyo dhibaato badan oo haweenka qaba, cid igu dhiiragalisay malahan laakiin waxaa isoo kiciyey dhibaatada haweenka” ayey tiri Caasha Cali Maxamed

Faa’isa Maxamed Nuur waxay ka mid tahay gabdhaha ururkaan uu dhiiragaliyey ee Hada leh awood iyo kalsooni ay uga dhiiran karto cadeynta hadafkeeda Haduu ahaan lahaa mid siyaasadeed, mid bulsho iyo mid dhaqan dhaqaale waxayna Faaisa hade ku howlantahay In deegaankeeda ay ka hirgaliso mashaariic ay kamid yihiin xaruumo lagu xanaaneeyo hooyada iyo dhalaanka ayadoo ka bilaabeysa eber kaashaneysa kalsoonideda nafeed iyo bulshadeeeda.

“waxaan ahay musharax waa kalsooni aan isugu qabo awgeed ayaa u soo istaagay, gabdho badan ayaa garabkeyga taagan, sababta igu kaliftay in aan isku soo sharaxo waa baahiyo badan oo aan arkay in qabaan haweenka waxaa rabaa in Deegaaka aan ka dhiso hooyada iyo dhalaanta” Faaisa Maxamed Nuur

Seynab Omar cali waa Gudoomiyaha ururka isku xirka haweenka gobolka bay waxay wadaag uga warbixisay sababihii loo aasaasay, guulihii ay gaareen iyo hiigsigooda.

“Maasha allah runtii waxaan wadnaa wacyigalin dhan walba ah gaar ahaan wacyigalin ku aadan ku biirida gabdhaha siyaasada Ayaan wadnaa, waxaa nagu kalifay arintaan waxaa aragnay gabdho da’a yar oo u bisil sisaayada, gabdho badan ayaa olole u wadnaa, maanta gabdhaheena aqoon wey leeyihiin aqabadaha kaliya heysata waa lacag la’aanta iyo qabiilka ayey ka soo jeedo, anagana waxaan go’aansaney in gabdhaha albaab kasta u garaacno cod dheer iyo cod gaaban aan ugu ololeeyno” ayey tiri Seynab Cumar Cali

Waa bilow Fiican oo haweenka ku dhiirinaya islamarkaana kor u qaadaya hankooda siyaasadeed hadii qorshayaasha ururka uu ku socdo ay sii dar dar galiyaan xubnaha ururkan ku midoobey, waxay dhabaha u xaaraysaa In la helo mustaqbalka haween kamid ah siyaasada dalka oo ka dheh muuqda dhamaan qeybaha kala duwan ee hay’adaha dowlada.

WQ: Shukri Ismaaciil Axmed oo ka tirsna Radio Warsan.

Share

Prev Post

Muqdisho: Saameynta Maqnaashiyaha Internet-ka ku leeyahay Bulshada.

Next Post

Radio Kulmiye journalist held incommunicado for five days freed

You might also like More from author
SOMA PROGRAM SHARING

MUQDISHO: Roobka xagaaga oo saameyn ku yeeshay dadka kasoo cararay abaaraha

SOMA PROGRAM SHARING

GAALKACYO: Dadka kunool tuulo hoos timaada magaalada oo Biyo yari xoog leh wajahaya

SOMA PROGRAM SHARING

BELEDWEYNE: Magaalada Feer-Feer oo kasoo kabaneysa colaad soo jirtay RUBUC QARNI…

SOMA PROGRAM SHARING

WANLAWEYN: Mootooyinka Saddex Lugooleyda ah oo fududeyneysa nolosha reer Miyiga

Prev Next
About SOMA

SOMALI MEDIA ASSOCIATION

The Somali Media Association-SOMA (Ex-Network 2013) Was founded in Kampala at 13 February 2013 by 13 Radio Stations across Somalia and Signed the basic Memorandum of Understanding (MoU) for the Network, the SOMA Members Increased now 38 Radio Stations Across Somalia.

Read More...
Follow us on Facebook
More Stories

MUQDISHO: Roobka xagaaga oo saameyn ku yeeshay dadka kasoo…

Aug 4, 2022
Prev Next 1 of 130
© 2017 - All Rights Reserved.
Sign in

Welcome, Login to your account.

Forget password?
Sign in

Recover your password.

A password will be e-mailed to you.