Maqnaanshiyaha internet-ka ayaa Saameyn xooggan ku yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaa baahi weyn u qaba.
Adeegga internetka ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayey dhacdaa in mararka qaar la waayo, waxaana adeegga internet-ka uu daruuri u yahay nolosha in badan oo ka tirsan shaqaalaha maalka ah ee dalka.
Waxaa kamida qeybaha uu saameynta ku yeeshay Ardayda Jaamacadaha, Xarumaha ku shaqeya internetka iyo kuwa fududeeya duulimaadyada diyaaradaha. Maxamed Bootaan Yuusuf oo Radio Risaala ka tirsan ayaa ka wareystay Maxamed Maxamud Yuusf oo ah Bare Jaamacadeed.
Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga.