• Home
  • About SOMA
  • Contact Us

SOMA: Somali Media AssociationSOMA: Somali Media Association - Shaping The Future of Somali Media

  • Home
  • About SOMA
    • Membership
  • Partners
    • FOJO Institute
    • IMS
    • SOSCENSA
  • Programs
    • SOMA PROGRAM SHARING
    • Soma advocacy
  • News
  • Contact Us
  • SomaliAf-Somali
SOMA: Somali Media Association

Dhallinyaro Baagamuudo ahaa oo Suuqa Digaaga Baydhaba ka helay Fursado Shaqo

On Nov 5, 2020
Share FacebookTwitterGoogle+ReddItWhatsAppPinterestEmail

Waa suuqa digaaga ee magaalada Baydhabo oo kuyaala dhabarka danbe kawaanka weyn ee hilibka,waxaa lagu iibiyaa digaagga noocyadooda kala duwan, waa goob mashquul badan oo ay ku sugan yihiin tobaneeyo dhalinyarada ka shaqeysa suuqan iyo qaar kale oo bulshada magaalada ka mid ah oo iney digaag ka ibsadaan u yimaaday.

Labadii sano ee u danbeysey suuqan oo dhaqdhaqaaqa ganacsigiisa aadka u xoogeystey waxaa kusoo badanaya dhalinyarada magaalada oo shaqo abuur ka helay, waxaana hada maalin kasta shaqo ahaan u yimaada ilaa 80 ruux oo dhalinyaro ah, wixii ay ka helaana reerahooda ku biila.

Saciid Isxaaq Kadiil qoyskiisa oo ka kooban 9-ruux waxaa uu noloshooda ku maareeya wixii uu ka helo shaqadan suuqa digaaga, waxaana shaqadii ay tahay in mararka qaar tuulooyinka fog fog ka keeno digaagada, wakhtiyada kale ee suuqa dhax joogana wuu iibiyaa sidoo kale qofkii raba in qaliin loogu sameeyo oo loo habeeyo iyadoo diyaarsana wuu qabtaa,sidaas ayuuna maalintii ugu yaraan 10-doolar ku helayaa, iyadoo furadana ku xiran tahay hadaba dhaq dhaqaaq maalintaas jirta.

“Waxan ku shaqeeya iibinta digaaga,waa gowracaa,xitaa iyada dhan ayaa nadiifiyaa,waa kaas ganacsiga iyo shaqada aan qabto,halkii xabo shan doolar ilaa shan doolar iyo bar ayaa ka iibinaa,waxaan ka keenaa mararka qaar deegaanada Awdiinle, Goofgaduud, shabelow iyo meelo kale, nolosheena waa ku filan tahay”

Saciid oo mudo badan baaga muunda ahaa ayaa fursad u arkey shaqada suuqa digaaga ee Magaalada Baydhabo oo nolosha reerkiisa aad isku badashey tan iyo markii ka shaqa bilaabey, iyadoo sida uu wadaag u sheegey Saciid dhalinyaro kale saaxiibo ahaayeen marka uga sheekeeyey fursada uu Meesha ku arkey ay kusoo dhiiradeen iney mar kale shaqada suuqa kula soo midoobaan.

Fursadaha shaqa ee dhalinyarada ka heleen suuqa digaaga ayaa ka mid ah in qaar deegaanada loo diro si digaag uga keenaan, kuwo qaliinka keliya ka shaqeey iyo diyaarinteena, taas oo sahleysa in qofka marka uu gurigiisa la tago keliya dabka horey ka saaranayo.

Nuur Maxamed Axmed waa dhalinyarada ganacsiga fiican ku leh suuqa, waxaa uu digaaga ku iibiyo Baydhabo sidoo kale u iibgeeya Magaalooyin ka tirsan sh hoose iyo muqdisho, tani oo ah fursado kale oo dhaqaale ku abuuri karo.

Waxaana isaga shaqaaleysiiyey oo la shaqeysaa 10-ka mid ah dhalinyarada kuwaas oo horey shaqo la,aan ku ahaa magaalada Baydhabo.

“Ganacsigeena waxaa uu ku xiran yahay marka koowaad dadka magaalada oo aad nooga iibsada, way cunaan oo aad ayay u isticmaalaan, xamar waa u qaadnaa, maalintii sedax boqol waa keenaa oo waana la iga iibsadaa, waxaa aad looga jeceylyahay hilibka kale ee la is ticmaalo, marka dhalinyarada halkan fursad shaqo muhiim ah ayay u noqotay”

Inkastoo suuqa uu ku xiran yahay qoysaska miyiga ku dhaqda digaaga, ayaa hadana wakhtigan waxaa ka jira qiima koror xoogan, maadama roobabka deyt da’een oo wadooyinka qaar biyo xireen.

WQ: Muxidiin Xasan Maxamed oo ka tirsan Radio Warsan.

Share

Prev Post

On IDEI, Somali journalists and their unions call for urgent end of impunity

Next Post

Gabdhaha xildoonka ah oo welwel ka qaba Odayaasha Dhaqanka

You might also like More from author
SOMA PROGRAM SHARING

MUQDISHO: Roobka xagaaga oo saameyn ku yeeshay dadka kasoo cararay abaaraha

SOMA PROGRAM SHARING

GAALKACYO: Dadka kunool tuulo hoos timaada magaalada oo Biyo yari xoog leh wajahaya

SOMA PROGRAM SHARING

BELEDWEYNE: Magaalada Feer-Feer oo kasoo kabaneysa colaad soo jirtay RUBUC QARNI…

SOMA PROGRAM SHARING

WANLAWEYN: Mootooyinka Saddex Lugooleyda ah oo fududeyneysa nolosha reer Miyiga

Prev Next
About SOMA

SOMALI MEDIA ASSOCIATION

The Somali Media Association-SOMA (Ex-Network 2013) Was founded in Kampala at 13 February 2013 by 13 Radio Stations across Somalia and Signed the basic Memorandum of Understanding (MoU) for the Network, the SOMA Members Increased now 38 Radio Stations Across Somalia.

Read More...
Follow us on Facebook
More Stories

MUQDISHO: Roobka xagaaga oo saameyn ku yeeshay dadka kasoo…

Aug 4, 2022
Prev Next 1 of 130
© 2017 - All Rights Reserved.
Sign in

Welcome, Login to your account.

Forget password?
Sign in

Recover your password.

A password will be e-mailed to you.