Haween badan ayaa sanadkan ku haminaya in ay kamid noqdaan xubnaha Dowladda soo aadan, inkastoo ay dareemayaan wel wel ku aadan helitaanka booska ay rabaan.
Waxaa kamida kuwa doonaya kamid noqoshada Baarlamaanka 11-aad ee dalka, laakin waxa ay caqabado kala kulmayaan loolan kaga imaanaya rag kursiga raba, & Oda dhaqameedyada.
Kuraasta Haweenka waa %30, waxaase jirta in beelaha qaar aysan rabin in qof dumar ah ku matasho kursiga, taasoo wel welka ku badineysa Haweenka. Caasha Cabdi Afrax oo sanadkan ah Musharax Xildhibaan Ayaan ka wareystay waxa wel welka ku beeray.
Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga: