• Home
  • About SOMA
  • Contact Us

SOMA: Somali Media AssociationSOMA: Somali Media Association - Shaping The Future of Somali Media

  • Home
  • About SOMA
    • Membership
  • Partners
    • FOJO Institute
    • IMS
    • SOSCENSA
  • Programs
    • SOMA PROGRAM SHARING
    • Soma advocacy
  • News
  • Contact Us
  • SomaliAf-Somali
SOMA: Somali Media Association

Dhalliyaro loo tababaray xulashada qofka ku habboon ay Kursiga u dooran lahaayeen

Last updated Dec 17, 2020
Share FacebookTwitterGoogle+ReddItWhatsAppPinterestEmail

Magaalada Baydhabo ee gobalka Bay waxaa ka dhacay tababaro looga hadlaayey doorka ay ku leeyihiin dhalinyarada  Doorashooyinka dadban ee la filaayo In dalka ka dhacdo 2021-ka.

Tababarkan oo ay ka qeyb galeen 80 dhalinyaro ah, oo isugu jira wiilal & gabdho waxaa soo qabanqaabisay Xatuunta cilmi baarista iyo Hormarinta aadanaha.

Luul Salaad Ibraahim oo ah aas aasaha xaruunta Xatuunta cilmi baarista ayaa sheegtay in ujeedada dhalinyarada gabdhaha iyo wiilasha isugu jira ee tababaro la xariira doorashooyinka loo siinayo ayaa ah iney qeyb ka noqdaan ergooyinka wax dooranaya si bulshada iyo deegaanka qofka matala uu u noqdo qof aqoon leh, oo waxtara.

“Anaga waxaan qabanaa doodaha iyo tawabarada loo qabto dhalinyarada aqoonta leh, waxyaanaha ugu weyn oo larabo in aan hormarino waxaa kamid ah wacyga dhalinyarada ee ku aadan arimaha bulshada oo ay uu horeeyaan xuquuqaadka ay leeyihiin iyo waajibaadka lagu leeyahay, wadanka waxaa uu galayaa doorasho waxa loo baahanyahay in aad codeyn doonto laga yaabaa in dhalinyarada ay kamid noqon doonaa ergooyinka” ayey tiri Luul Salaad.

Dhallinyaradii ka faa’iidey mudadii labada maalin ahayd ee uu socday Tababarkaan ayaa aad uga mahadceliyey Hay’adda soo qaban qaabisay Kulan aqooneedka.

Saciida Ibraahim oo kamida dhallinyarada Tababarada qaatay, ayaa sheegtay in fahamka ay halkaas ka heshay ay ku biirin doonto Ergooyinka dooranaya xildhibaanada & dhallinta kale ee Magaalada Baydhaba.

waxa ay tilmaamay in doorshada ka dhaceysa Koonfur Galbeed dhallinyaradu ku dadaali doonto in ay doorato qof u qalma oo ka saari kara dhibaatooyinka haysta dhallinyarada oo ay ugu horreyso Shaqo la’aanta.

Saciida waxay hada isku diyaarineysaa in ay ka mid noqoto ergooyinka dooranaya mid kamida Xildhibaanada kursigooda yaala Magaalada Baydhabo.

”laga yaabaa in aan ka mid noqono ergooyinka wax dooranaya dad naga mid ah oo dhalinyaro musharaxiin ah in aan aragno, marka waxaa nagala rabaa in aan mar walba dareeno waxaan ku dooraneyno iyo waxaan ka filaneyno dadka aan dooraneyno in aan ogaano” ayey tiri Saciida Ibraahim.

Gudoomiyaha dhalinyarada degmada Baydhaba Maxamed dhegay waxaa uu sheegayaa in tababaradan oo muhiim u ah mustqbalka dhalinyarada ay sii socon doonaan inta laga gaarayo waqtiga doorashada, taas oo uu ku sheegey iney ka faa’iideystaan hadda ku dhawaad kun dhalinyaro ah.

Waxa uu tilmaamay in ay dareensan yihiin dhisida wacyiga dhallinyaradu wax badan ka baddeli karo xaaladda dalka uu xilligaan ku sugan yahay.

“Dhalinyarada KGS hadaanu nahay waxaa nagala rabaa in aan wax daraaseyo, wax cusub I nala baro anaga dalka kusoo kordhogo wax muhiim ah, maskaxdeena ugu faaideyno bulshada” ayuu yiri Maxamed Dhegay.

Hadaba isu imaatinka noocaan oo kale ah ee lagu barayo dhalinyarada iyo kaalintooda waxay kor u qaadeysaa niyada dhalinyarada waxayna u gogol xaareysaa In dhalinyaradu kaalin ku yeeshaan Talada dalka.

WQ: Shukri Ismaaciil Axmed oo ka tirsan Radio Warsan

Share

Prev Post

Dadka qaba Baahiyaha gaarka ah oo dalbanaya in ay helaan Xuquuqdooda Siyaasiga ah

Next Post

Sidee Bulshada Soomaaliyeed ay ku heli kartaa adeeg Caafimaad oo Tayo sare leh?

You might also like More from author
SOMA PROGRAM SHARING

Muqdisho: 40 Haweenka leh xirfadda Umuliso dhaqameedka oo helay wacyigalin &…

SOMA PROGRAM SHARING

MUQDISHO: Gabdho magaalada u yimid si ay u caawiyaan qoyskooda oo abaarta ceyrteysay

SOMA PROGRAM SHARING

BELEDWEYN: Beeraleyda ka cabanaya hoos u dhac ku yimid wax soo-saarkooda

SOMA PROGRAM SHARING

SH/HOOSE: Beeraley dhowr mar khasaaray oo helay Tababarro & suuq-geyn

Prev Next
About SOMA

SOMALI MEDIA ASSOCIATION

The Somali Media Association-SOMA (Ex-Network 2013) Was founded in Kampala at 13 February 2013 by 13 Radio Stations across Somalia and Signed the basic Memorandum of Understanding (MoU) for the Network, the SOMA Members Increased now 38 Radio Stations Across Somalia.

Read More...
Follow us on Facebook
More Stories

Muqdisho: 40 Haweenka leh xirfadda Umuliso dhaqameedka oo…

Apr 14, 2022
Prev Next 1 of 125
© 2017 - All Rights Reserved.
Sign in

Welcome, Login to your account.

Forget password?
Sign in

Recover your password.

A password will be e-mailed to you.