• Home
  • About SOMA
  • Contact Us

SOMA: Somali Media AssociationSOMA: Somali Media Association - Shaping The Future of Somali Media

  • Home
  • About SOMA
    • Membership
  • Partners
    • FOJO Institute
    • IMS
    • SOSCENSA
  • Programs
    • SOMA PROGRAM SHARING
    • Soma advocacy
  • News
  • Contact Us
  • SomaliAf-Somali
SOMA: Somali Media Association

Ganacsatada iibisa Jallaatada oo dib usoo kabasho sameynaya Ganacsigooda

On Oct 1, 2020
Share FacebookTwitterGoogle+ReddItWhatsAppPinterestEmail

Goobaha lagu sameeyo Sokeeye Ice Cream-yada ee ku yaalla Muqdisho oo laga helo noocayada cabbitaannada iyo jalaatada ayaa ganacsigooda laga dareemayaa soo kabasho, kadib saamayn uu ku yeeshay cudurka COVID-19-ka.

Inta badan cabbitaannada iyo jallaatada ay sameeyaan waxaa ka iibsan jiray ganacsato yar yar oo geyn jiray goobaha waxbarashada, kuwaasoo la fasaxay bishi Maarso ee sanadkan oo ahayd markii u horraysay ee lagu arkay dalka cudurka safmarka ah.

Fardowsa Maxamed Cali oo kamida dadka Goobaha lagu sameeyo barafka kasoo qaadata kedibna ubedela Jallaatada laga sameeyo cabitaanada iyadoo habeenki diyarineysa si ay subaxdi ugu qaado iskuulka oo ah meesha ay ku iibiso. Iyadoo ay halkii xabo iibisa lacag u dhaxeysa Kun ilaa Laba kun oo shilinka Soomaaliga ah, halkaasna ay faa’iido uga soo baxdo. Balse ay jirtay in wax soo-saarkii uu hoos u dhacay saddexdii bil ee lasoo dhaafay.

Hooyo Fardowsa oo iibinta Jallaatada bilowday sanadki 2016-kii, ayaa ka dabarta nolosha Shan caruur ah oo u joogta, qaadkoodna ay kaga bixiso Waxbarashada.

Fardowsa ayaa xilligii COVID-19-ka bil walba heli jiray celcelis ahaan faa’iido dhan Konton oo dollar balse hadda waxaa bishi soo gasha Laba Boqol oo doollar. Afar sano ah oo ay qabaneysay howshan waxa ay ka iibsatay dhowr Tarmuus oo Jallaatada ay ku qaadato. Fardowsa ayaa SOMA uga sheekeysay dhaqaalaha soo galaya iyo siyaabaha ay u maareyso.

“Waxa aan soog adaa baraf habeenki aniga oo xirxira jallaatada kadibna Tarmuska ayaan biyihii xirxirnaa iskula ridaa. Halkaas ayey ku bariyaan subaxdiina intooda badani wey ii barafobaan waana soqadaa si aan oga iibsado caruurta iskuleyda ah. Waxaan ka maareeyaa nolosha caruurta Alxamdullilaah waa nagu filan hadda inta aan ka helno Jallatada” Ayey tiri.

Cabdullahi Cali Maxamed oo Da’adisu tahay 25 jir kana mid ah ardayda sanadkii 2-aad ee waxbarashada Jaamacadda, wuxuuna gelinka dambe ilaa habeenkii uu ka shaqeeyaa xarun lagu iibiyo Cabitaanka.

Waxa uu tilmaamay in xilligaan uu si heer sare ah ugu socdo, ganacsiga marka la barbardhigo saddexdii ee lasoo dhaafay, sababo la xiriirta cabsi ay dadku ka qabeen cudurka Coronavirus.

Cabdullahi oo ah curadka qoys ka kooban lix qof ayaa waxa uu ii sheegay lacagaha kasoo galay ganacsigaan uu ku maareeyo nolasha qoskiisa, sidoo kalana isaga dhiibo waxbarashada.

“Cabitaano kala duwan ayaan halkaan ku ibiyaa aniga oo bilabay 2017-kii. Gelinka hore waxa aan aada Jaamacad, gelinka dambana halkaan ayaan ka shaqeyaa. Xiliyada ugu fican ee daqligu soo xaroodo waa xilliga duhurki oo ardayda qaarkood iskuulka u socdaan qarkoodna ka imanayaaan, shaqaale nimo ayey ii dhaantaa waxaana rajeynayaa inaan kagaaro heersare. Waxaan ka dabaraa Kharashaadka Jaamacadda, sidoo kale waxaa aan ku caawiyaa waalidkeyga” Ayuu yiri Cabdullaahi.

Milkiiyaha Warshadda Alla Aamin oo Muqdisho ku taalla ayaa SOMA u sheegay in ku dhawaad 35 qof oo u badan dadka wareejiya jalaatada iyo kuwa ku hor gada iskuullada ay maalin walba ka qaadan jireen ku dhawaad Laba boqol xabbo oo jumlo ah intii ay ardaydu fasaxa ku jireen, haatanse ay ilaa Shan boqol iyo Kon ilaa Todobo Boqol oo xabo maalinkii laga qaato.

WQ: Cabdixafiid Maxamuud Nuur oo ka tirsan Star FM Muqdisho

Share

Prev Post

Kaalinta culimada ee yareynta Tacadiyada ay la kulmaan Haweenka Soomaaliyeed

Next Post

Armed Somali police threaten, harass and arbitrary detain journalists in Mogadishu and Baidoa

You might also like More from author
SOMA PROGRAM SHARING

MUQDISHO: Roobka xagaaga oo saameyn ku yeeshay dadka kasoo cararay abaaraha

SOMA PROGRAM SHARING

GAALKACYO: Dadka kunool tuulo hoos timaada magaalada oo Biyo yari xoog leh wajahaya

SOMA PROGRAM SHARING

BELEDWEYNE: Magaalada Feer-Feer oo kasoo kabaneysa colaad soo jirtay RUBUC QARNI…

SOMA PROGRAM SHARING

WANLAWEYN: Mootooyinka Saddex Lugooleyda ah oo fududeyneysa nolosha reer Miyiga

Prev Next
About SOMA

SOMALI MEDIA ASSOCIATION

The Somali Media Association-SOMA (Ex-Network 2013) Was founded in Kampala at 13 February 2013 by 13 Radio Stations across Somalia and Signed the basic Memorandum of Understanding (MoU) for the Network, the SOMA Members Increased now 38 Radio Stations Across Somalia.

Read More...
Follow us on Facebook
More Stories

MUQDISHO: Roobka xagaaga oo saameyn ku yeeshay dadka kasoo…

Aug 4, 2022
Prev Next 1 of 130
© 2017 - All Rights Reserved.
Sign in

Welcome, Login to your account.

Forget password?
Sign in

Recover your password.

A password will be e-mailed to you.