• Home
  • About SOMA
  • Contact Us

SOMA: Somali Media AssociationSOMA: Somali Media Association - Shaping The Future of Somali Media

  • Home
  • About SOMA
    • Membership
  • Partners
    • FOJO Institute
    • IMS
    • SOSCENSA
  • Programs
    • SOMA PROGRAM SHARING
    • Soma advocacy
  • News
  • Contact Us
  • SomaliAf-Somali
SOMA: Somali Media Association

GURICEEL: Kumanaan qoys oo ka cararay colaadda Magaalada oo wajahaya duruufo nololeed

On Oct 21, 2021
Share FacebookTwitterGoogle+ReddItWhatsAppPinterestEmail

In ka badan Sideed iyo toban kun oo Qoys ayaa ku barakacay Deeganada Ceel-baraf, Af-cagaag, Saalax dha-dhaab, Qorsooni, Laanle, iyo Xajiinle oo ah deegaanada ku teedsan Magaalada Guriceel ee gobalka gal-gaduud.

Shacabka ka qaxay magalada guriceel waxaa soo wajahay xaalado aad u adag oo ay ka mid yihiin Hooy la,aan, biyo la,aan iyo raashin yari, waxeyna yihiin usbuucii sedexaad kuwo  banaanka daadsan.

Hooyo Xaliimo Ibraahim muuse waxey ka mid tahay dadka ka barakacay colaada magaalada iyo cabsida ciidamada magaalada isku haysata. Hooya xaliima iyo qoyskeeda oo waaxda istarliin ee xafada wada jir ka daganaa magaalada Guriceel waxey 13-kii bishan October oga bara kaceen deegaanka saalax dhadhaab ee duleedka koonfureed ee magaalada ka xiga.

Hooyo xaliimo oo la hadashay barnaamijka wadaaga waxey u sheegtay in nolal adeg ay kala kulmeyn iyada iyo sideed caruur ah oo ay dhashay nolasha baadiyaha oo ay dhibaatooyin fara badana ay isku biirsadeen. Waxey tilmaantay in meel cidla ah oo geed hoostiis ah ay caruurtu daadsan yihiin oo aysan hoyi iyo baad midna ku haysan biya la’aanta ay ad ugu daran tahay.

“Xabada iskj dhaceysa ayaan ilama iyo maatadena kala soo cararnay waxaan ka soo fogaanay qoriga la isku afeysanayo iyo dhufeysyada xafadihii laga ag qotay. Waxaan daad sanahay geedaha hoostooda dadka waxaa ku jirta gabadh umul ah meel aan seexano, waxaan quudano, biyo an cabno iyo bac aan xitaa roobka ga galno ma haysano dhibka nagu haysta halkana ma yaro. Ayeey tiri Hooyo Xaliimo.”

Nuur Jaamac oo ka mid ahaa dadkii ku nolaa xeryaha bara kaca ee magaalada Guriceel ayaa isaga iyo qoyskiisaba hada colaada magaalada ka taagan oga soo barakacay deegaanka Saalax dha dhaab oo ah halka dadka ugu badan ay ku bara kaceen. Nuur wuxuu ii sheegay inuusan ahayn dadka xoolaha leh oo uu iska ahaa muruq maal magaalada ka dhex xamaasha balse hada aysan jirin meel uu qaraab tago.

Nuur oo uu qoyskiisu ka kooban yahay lix caruur ah iyo hooyadii dhashay ayaa mudo isbuuc ah ku nool yihiin geed hoostiis. wuxuu sidoo kale ii sheegay in uusan ahayn qoyskiisu mid wax ka garanaya nolasha miyiga dadna uusan ku lahayn oo uu Guriceel ku ahaa dadka bara kac ku aha. wuxuu tilmaamay in uu rajo ka qabo iney magaalada iyo xaafadoodi ku laaban doonaan oo colaadan laga bixi doono.

“Aniga kaliya ma ahan dadkaan oo dhan ma jiro qoys xero xoolo ugu jiraan ama xoola leh hada inteenaan isku dhow waxaan nahay ilaa dhowr iyo labatan qoys. Dadkan waxey isugu jiraan dad wada maras ah dad wayeel ah, Caruur, cuuryaan iyo iska tabar yar. tii alle unbey sugayaan moyee ma jiro hada cid caawimaad ay ka heleen oo dhibaadan kaga danqatay Ayuu yiri Nuur.”

Shacabka dhibaateysan waxay fariin udireen cid kaste oo wax tari karta oo ay ugu horeeyaan hay’adaha deeqaha bixiya inay lasoo gaaraan Hooy iyo Cunto, maadaama hada lagalay xili rooobaadkii waxayne sheegeen inay ubaahan yihiin Bacaha Roobka laga galo iyo waxyaabo kale.

Nabadon cabdi dheere oo ka mid ah dadk colaada ka barakacay ayaa tilmaamay in shacabku meel walba oo ay ku barakaceen ay gargaar iyo caawimaad ugu baahan yihiin Dowlada dhexe, Maamulka Galmudug, iyo Hay’addaha deeqaha bixiya ayuu tilmaamay dadkan soo caawiyaan.

“Dadkan waxey u baahan yihiin caawin degdeg ah in hay’aduhu soo caawiyaan maadaama aysan jirin dowlad iyo maamul ka naxay ama ka daba yimid dhibaatada haysta. waa hoyi la’aan waa cuno, la’aan waxaana ugu daran ineysan wax biyo ah haysan oo meel an biyo laheyn ayey usoo qaxeen baraagta halkan ku taalana wax biyo ah uguma aysan imaan walina dadku wey kusoo barakacayaan oo ma joogsan Ayuu yiri Nabadonku.”

Guriceel oo ka mid magaalooyinka ugu dadka badan Galmudug, ayey labadii todobaad ee lasoo dhaafay shacabku kii ka barakaceen  cabsida laga qabo dagaal ku dhexmara Ururka Ahlu-suna & maamulka galmudug & Ciidamada dowlada soomaalia oo magaalada isku haysta.

WQ: Cabdiqadar Xasan oo ka tirsan Radio Galgaduud

Share

Prev Post

MUQDISHO: Saameyn ka dhalatay Gaaska cunada lagu kariyo oo gabaabsi noqday

Next Post

MUQDISHO: Wiilal iyo Gabdho Suxufiyiin ah oo loo tababaray horumarinta Barnaamijka Wadaagga

You might also like More from author
SOMA PROGRAM SHARING

Muqdisho: 40 Haweenka leh xirfadda Umuliso dhaqameedka oo helay wacyigalin &…

SOMA PROGRAM SHARING

MUQDISHO: Gabdho magaalada u yimid si ay u caawiyaan qoyskooda oo abaarta ceyrteysay

SOMA PROGRAM SHARING

BELEDWEYN: Beeraleyda ka cabanaya hoos u dhac ku yimid wax soo-saarkooda

SOMA PROGRAM SHARING

SH/HOOSE: Beeraley dhowr mar khasaaray oo helay Tababarro & suuq-geyn

Prev Next
About SOMA

SOMALI MEDIA ASSOCIATION

The Somali Media Association-SOMA (Ex-Network 2013) Was founded in Kampala at 13 February 2013 by 13 Radio Stations across Somalia and Signed the basic Memorandum of Understanding (MoU) for the Network, the SOMA Members Increased now 38 Radio Stations Across Somalia.

Read More...
Follow us on Facebook
More Stories

Muqdisho: 40 Haweenka leh xirfadda Umuliso dhaqameedka oo…

Apr 14, 2022
Prev Next 1 of 125
© 2017 - All Rights Reserved.
Sign in

Welcome, Login to your account.

Forget password?
Sign in

Recover your password.

A password will be e-mailed to you.