• Home
  • About SOMA
  • Contact Us

SOMA: Somali Media AssociationSOMA: Somali Media Association - Shaping The Future of Somali Media

  • Home
  • About SOMA
    • Membership
  • Partners
    • FOJO Institute
    • IMS
    • SOSCENSA
  • Programs
    • SOMA PROGRAM SHARING
    • Soma advocacy
  • News
  • Contact Us
  • SomaliAf-Somali
SOMA: Somali Media Association

MUQDISHO: Wiilal iyo Gabdho Suxufiyiin ah oo loo tababaray horumarinta Barnaamijka Wadaagga

On Oct 21, 2021
Share FacebookTwitterGoogle+ReddItWhatsAppPinterestEmail

Todobo iyo labaatan wariye oo wiilal iyo gabdho ah kana kala yimid Toban Magaalo ayaa Muqdisho loogu qabtay tababar ku saabsan sida loo soo saaro baraamijyo tayo sare leh, oo ay bulshada xiiseyneysa, & tabinta warbixinada arrimaha bulshada. Tababarkan waxaa u qabaneysay suxufiyiintan ururka warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA, iyadoo uu soconaayey muddo saddex maalin ah.

Cumar Ahmed Ciise oo tababarkan uga yimid Magaalada Garoowe ayaa sheegaya in mudadii uu socday uu ka faa’iidey, sida loo qaado wareysiyada tayada sare leh, warbixinada qoraalka ee Raadiyaha, iyo sida xogta looga helo meelaha la rabo in warbixinada laga soo sameynayo.

Waxa uu tilmaamay in ay u tahay markii ugu horreysay oo uu tababar nuucaan ah ka qeyb galo, waxaana uu rajo wanaagsan ka muujiyey in uu ku shaqeeyo howsha loo tababaray oo ah ka qeyb qaadashada, soo diyaarinta warbixinada ku baxa Barnaamijka Wadaagga SOMA, oo uu ka qeyb ka qaadan doono.

Cumar oo mudo ku dhaw afar sano ku jira mihnada saaxafadda ayaa SOMA uga mahadceliyey fursadda loo siiyey in loo qabto tababarkaan, oo xirfad ahaan ku u qaaday heerka uu markii hore ka joogay Saxaafadda.

“Tababarkaan soma aybixinaysay run ahaantii waxyaabo badan baan ka fahmay macluumaad badan oo horay aqoon oo aad ubadan waliba intaan filayaya ka badan ayaan ka helay masha allah, Qaabka warbixinada loo diyaaryo yaan aad uga fahmay”.

Wariyayaasha ka qeyb qaatay tababarka ayaa isugu jiray, kuwa loo diyaarinaayo Barnaamij Wadaagga in ay ka qeyb qaatay, iyo Afar qof oo kamid ah wariyayaashii horay u diyaarin jiray.

Shukri Baryare Maxamuud oo ka tirsan Radio Hiiraanwayn kana mid ah wariyaashii qaatay tababarka horayna u diyaarin jiray warbixinada ku baxa Barnamijka Wadaagga ayaa sheegtay in tababarkaan uu yahay markii ugu horesay ay ka qayb gasho sidoo kalana ay ka faaidesatay macluumaad badan oo horay aysan u aqoon oo ay ka mid yihin sida loo diyaariyo dhacdooyinka  wararka iyo waxa looga baahan yahay wariyaha si uu bulshada ugu gudbiyo waxa ay u bahan yihiin.

Waxay tilmaamtay in mudo afar sano ah ay ku jirto warbaahinta, iyada oo xustay in tababarda sidaan oo kale ah ay wax badan ka caawinayaan wariyayaasha, heerka aqooneed ee howla looga baahan yahay. Tababarka SOMA ay u qabatayna uu wax badan ka badalayo xirfad ahaan,  qorshahana ay ugu jirto wax ka beddelidda hababka diyaarinteeda xilligaan.

“”Bahda soma tababarka nasiinaya iyo macalimiintii tbabarka bixinaysay aad ayaan ugu mahadcelinayaa. Waxaana rajeenaya in wixii aan ka faa iday aan u celin doono magaaladii aan ka imid ee Garoowe”

Kow iyo Tobanka Gabdhood iyo lix iyo tobanka wiil ee tababarki ku saabsanaa diyaarinta warbixinada Barnaamijka SOMA, ayaa ka kala socday Raadiyaasha kala ah Risaala, Star Fm, Qaran, Wanlaweyn, Baydhaba, Jowhar, Hiiraanweyn, Dhuusamareeb, Hayaan, codka Nabadda, Garoowe, Markabley, & Radio Sooyaal.

wariyaashan qaatay tababrka ayaa warbahin walba waxa uga qayb galay labo saxafi kuwaas oo qayb ka noqon doona wariyasha diyaariya warbixinda barnaamijka wadaaga soma

Xoghayaha guud ee SOMA Maxamed Cusmaan Makaraan, ayaa sheegaya in ujeedada tababarkan loo qabtay ay tahay in kor loogu qaado Tayada Barnaamijka Wadaagga, si bulshada loogu gudbin lahaa Warbixino tayo leh, wariyayaashuna ay ahaayeen kuwa sidii loogu talagalay uga faa’iideystay mudadii saddexda maalin ahayd ee uu socday.

Waxa uu tilmaamay in wariyaasha tababbarka lasiiyey ay usoo xuleen in ay u arkaan in ay yihiin kuwo kasoo bixi kara howshan, si  dhagaystiyaasha Gobollada dalka jooga u helaan Barnaamij Tayo sare leh, sidoo kalana ay usoo xuleen Macallimiin khuburo ah, si ay aqoontooda ugu biiriyaan.

Makaraan ayaa sheegay in ka SOMA ahaan xuramaha warbaahineed ee ka tirsan shaqaalahooda in waqti badan ku bixinayaan horumarinta xirfadeed ee wariyayaashooda, si ay dadka ku xiran ugu heelaan arrimaha bulshada ee ay aadka u xiiseynayaan.

“Barnamijka mudada uu soconayo waa sodon daqiiqo waxa loo bahanyahay in lagu qaato warbixin waraysi iyo dood aad looga soo shaqeyay laga fikiray waxa ay ku baxayan inta badan barnamijka lagu qaato warka balin walba tagan waxa lagu qaataa sheekoyin abuur ah oo sabsan arimaha bulshada kuwaadoo loogu hadlo waxyaabo horay udhacay waxyaabo horay udhacayna lasameenaya  waxaa loo bahanyhay wariyo quburo ah oo xirfafiisana ficantahay tababar fican ahna heesta si sheekadiisa bulshada ay uga gadanto”

Barnaamijka Wadaagga SOMA oo todobaadkiiba mar ka baxa idaacadaha ku jira ururka warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA ayaa horay uga qeyb qaadan jiray Lix idaacadood oo saddex kamida ku yaallan Muqdisho halka saddexda kalana ay ku kala yaallaan Magaalooyinka Baledweyn, Guriceel iyo Baydhaba.

Laakin hadda waxaa loo diyaarinayaa in ay ka qeyb qaataan Laba iyo toban idaacadood oo ku kala yaalla, magaalooyin kala duwan, iyadoo Shanta maamul goboleed iyo gobolka Banadir ay ka socdaan min laba idaacadood.

WQ: Shukri Caabi oo ka tirsan Radio Risaala

Share

Prev Post

GURICEEL: Kumanaan qoys oo ka cararay colaadda Magaalada oo wajahaya duruufo nololeed

Next Post

South West briefly detains eight journalists in Baidoa while Galmudug incarcerates a freelance reporter in Guriel

You might also like More from author
SOMA PROGRAM SHARING

MUQDISHO: Roobka xagaaga oo saameyn ku yeeshay dadka kasoo cararay abaaraha

SOMA PROGRAM SHARING

GAALKACYO: Dadka kunool tuulo hoos timaada magaalada oo Biyo yari xoog leh wajahaya

SOMA PROGRAM SHARING

BELEDWEYNE: Magaalada Feer-Feer oo kasoo kabaneysa colaad soo jirtay RUBUC QARNI…

SOMA PROGRAM SHARING

WANLAWEYN: Mootooyinka Saddex Lugooleyda ah oo fududeyneysa nolosha reer Miyiga

Prev Next
About SOMA

SOMALI MEDIA ASSOCIATION

The Somali Media Association-SOMA (Ex-Network 2013) Was founded in Kampala at 13 February 2013 by 13 Radio Stations across Somalia and Signed the basic Memorandum of Understanding (MoU) for the Network, the SOMA Members Increased now 38 Radio Stations Across Somalia.

Read More...
Follow us on Facebook
More Stories

MUQDISHO: Roobka xagaaga oo saameyn ku yeeshay dadka kasoo…

Aug 4, 2022
Prev Next 1 of 130
© 2017 - All Rights Reserved.
Sign in

Welcome, Login to your account.

Forget password?
Sign in

Recover your password.

A password will be e-mailed to you.