Abaaraha daran ee ka jira gobollada dalka gaar ahaan tan Jubbooyinka ayaa saameyn xooggan oo dhinaca ganacsiga ah ku yeelatay dhaqdhaqaaqa ka jiray Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose, maadaama qaarkood ay ku tiirsanaayeen reer miyiga.
Maxamuud Xasan Cabdi oo in ka badan 10 sano kawaanka xoolaha ee Kismaayo ayaa sheegay in abaartan oo kale aysan soo marin halka uu ku nool yahay, ayna tahay in markii ugu horreysay saameynta abaarta laga dareemo Magaalada Kismaayo, hadda aysan u shaqeynin sidii hore, tan iyo markii ay abaarta ku dhufatay deegaanada Miyiga ah.
Waxa uu xusay in Kawaanka hadda ay maalintii ku gowracaan ama ku qalaan in ka yar kala bar intii ay qali jireen abaarta kahor, sabab la xiriirta in qiima sare ay ugu soo iibsadaan Suuqa xoolaha ee Kismaayo, oo xoolaha loo keeno naadir ah.
Maxamuud ayaa tilmaamay in maalmaha qaar aysan shaqeynin, maadaama ay waayaan xoolo ay soo iibiyaan, taas oo keenta in meesha ay ka baxdo biilka reeraha isaga iyo dhowr qof oo kale oo Kawaanka kala shaqeysa.
“Run ahantii markii hore aiimahan kusoo iibsan jirnay ma ahanee qiimo kale ayan kusoo iibsanaa anaguna aan sii iibinaa marka hore waxan ka heli jirnay suuqyada lagu kala iibsado xoolaha sidan wada ogsoonahay waxa timid abarta ka jirta gobolada iyo guud ahan geeska afrika abartaas oo aad iyo aad xoolihii loo la,yahay ay u dhamadeen abartas ayan samaysay”.
Bilihii Oktoobar iyo November ee lasoo dhaafay ayey dadka xoolaleyda ah si aad ah u dareemeen abaaraha, iyadoo lasoo wariyey in meelaha qaar ay dadku ugu geeriyoodeen haraad, dadka qaarkood ayaa kasoo guuray halkii ay ku noolaayeen, kuwaas oo degan hadda aagga Wabiga.
Ibrahim Geedi Faarax oo ahaa xoolaha dhaqato ayey abaartu ka leysay in kabadan 50 neef oo isugu jira Lo’ iyo ari, labadii bil ee lasoo dhaafay. Waxa uu Suuqa Xoolaha lagu iibiyo ee Kismaayo u iib keenay laba nee foo lo’ ah si uu dhaqaalaha kasoo xarooda ugu iibiyo qoyskiisa oo ka kooban sideed caruur ah iyo hooyadood wixii ay cuni lahaayeen.
Waxa uu sheegay in qaar kamida dadkii xoolaleyda ahaa ay dhibaato xooggan u geysatay abaarta, maadaama ay qaarkood waasheen, kaddib markii ay ka dhamaadeen xoolihii ay dhaqan jireen.
Waxa uu SOMA u sheegay in lacagaha uu ka helayo iibka labadan neef ay u dhaxeyso Afar illaa Shan boqol oo kun oo shillin Soomaali ah, halkii markii hore halkii neef ay ku xisaab tami jireen dhowr Malyan.
Ibraahim oo hadda ku nool deegaanka Laan abaar ee duleedka Kismaayo in uu lasoo cararo dhowr neef oo uga badbaaday xoolihiisa, uuna keeno Magaalada, si uu ugu heli biyo iyo baar wanaagsan, maadaama uu ka mid yahay deegaankan kuwa ugu daran ee ay saameynta ku yeelatay abaarta.
“Ninkii xoolaha lahaa?Xoolihii an ka soo go,ay dad iyo duunyaba isla markana aan ag joogay ayaa manta hortayda ku dhamanaya gajo iyo abaro awgood aniga oo aan waxaba ka qaban karin oo boqolal xoolaha ah lahaaa isla markana ay xoolihii dhamdeen dad xitaa waxa jira rer miyiga ka mid ah oo xoolihii ka dhamadeen owgood u washay bal si aan caruurtayda u garsiyo galas cano ah iyo biyo ay isticmalan ayan u gadayaa madama ay in badan oo xoolihii aan jeclaa kamida ay geeriyoodeen oo abartii laysay balse labadan waxan u gadayaa si nafsadayda iyo caruurtaydaba aan ugu anfaco”.
Sidoo kale abaarta ganacsiga ay saameysay waxaa kamid ah dadkii ka ganacsan jiray iibka caanaha xoolaha ee kaga imaan jiray baadiyaha, kuwaas oo hadda ah kuwa shaqo la’aan ah.
Faadumo Xasan Muuse waxa ay ku tiirsaneyd shaqada iibka caanaha xoolaha muddo lix sano ah, laakin markaan waxaa soo wajahday shaqo aan joogto ahayn kaddib markii ay gabaabsi noqdeen caanihii Magaalada kaga imaan jiray duleedkeeda.
Waxa ay SOMA u sheegtay in hadda ay mararka qaar u doontaan meel aad uga fog Kismaayo caanaha, marna ay soo waayaan, halka mararka qaarna ay soo helaan dhowr litir oo aan badneen kuwaas oo ay kasii iibiyaan dadka u baahan, sidoo kalana aysan jirin shaqo kale oo ay ku tiirsan tahay nolosha qoyskeeda oo ka kooban Sideed carruur ah.
Faadumo waxa ay tilmaamtay in, in kabadan 25 liitar oo caano ah ay iibin jirtay maalintii Suuqa, oo ay macaamiil fiican u haysatay, balse sidoo kale ay jiraan Haween iibinta caanaha ku shaqeysan jiray oo hadda aan qaban wax shaqo ah, kuwaas oo siyaabo kale hadda u dabara qoysaskooda.
“Waxan ka heli jirnay deegano aan saa uga fogayn magalada hadana xoolihii ayaa meel fog u guuray way jirtaa oo samayn dhaqale ayay nagu yeelatay sababtoo ah waxan ka ganacsan jirnay oo nolosheena ka radsan jirnay caanaha kuwas oo hada cariiri ka jiraa imaatinkooda sas darteed sabab la xiriirta xoolihii oo ay abartii in badan oo kamida ay afaysay/galafatay intii kaso hadhayna dadkii ay ula guureen meel leh/laga heli Karo baad iyo biyo ay ku nooladan xoolihii soo haray”.
WQ: Hibo Maxamed oo ka tirsan Radio Sooyaal