• Home
  • About SOMA
  • Contact Us

SOMA: Somali Media AssociationSOMA: Somali Media Association - Shaping The Future of Somali Media

  • Home
  • About SOMA
    • Membership
  • Partners
    • FOJO Institute
    • IMS
    • SOSCENSA
  • Programs
    • SOMA PROGRAM SHARING
    • Soma advocacy
  • News
  • Contact Us
  • SomaliAf-Somali
SOMA: Somali Media Association

Muqdisho: Iskuulo waxbarasho oo bilaash ah oo laga hirgeliyay xerooyinka Barakacayaasha

On Oct 1, 2020
Share FacebookTwitterGoogle+ReddItWhatsAppPinterestEmail

Labo bil ka hor Kaamamka ku mideysan Daaroow oo ay ku nool yihiin in ka badan 400 qoysas barakacayaal ah oo ku yaalla dagmada Kaxda waxay uga dhigneyd maalin farxadeed kaddib markii koox dhallinyaro wax ka barata Jaamacadaha Magaalada Muqdisho ay si mutadawacnimo ah isugu xil qaameen wax barista carruurta ay dhaleen dadkaasi danta yar.

Sideed dhallinyaro ayaa Khamiista iyo Jimcaha wax u dhiga arday da’ahaan kala duwan oo isugu jira wiilal iyo gabdho oo qiyaas ahaan gaaraya 200.

Qadro Maxamed waa 10 sanno jir waxay ka mid tahay ardayda fursadda u helay in ay wax bartaan iyada iyo walaalkeed oo sideed jir ah.

“ Waxaan bartaa Af-Soomaali iyo Xisaab, Maalmaha Khamiista iyo Jimcaha, waxaana qoyskeenna igala dhigta walalkeey oo sideed sanno jir ah, mustaqbalka waxaan jecelahay inan noqdo Macallimad” ayay tiri Qadro Maxamed.

Waxay uga dhigneyd Maxamed Xuseen oo 17 jir ah helidda fursadan waxbarasho mid muhiim u ah noloshiisa madama ay aheyd markii ugu horreysay ee uu helo dad si bilaash ah wax ku bara. Waxaa ku wehliya waxbarashada 3 wiil iyo 3 gabdhood oo walaalihiis ah oo da’ ahaan ka yar isaga.

“Fursadan waxbarasho waligey ma helin, aad ayaana ugu farxasanahay, waxaan marayaa Soomaaliga shaqal gab iyo shaqal dheer, Xisaabtana waxaan marayaa sida loo qoro tirooyinka” ayuu tilmaamay Maxamed Xuseen.

Ardayda waxaa laga dheehanaayay yididiillo wanaagsan oo dhanka tacliinta ah, Waqtiyo Cabdi waa mid ka mid ah waalidiinta ay carruurtooda u dhigtaan goobtan waxbarasho ee ku dhex taalla kaamka bartamihiisa.

Sideed carruur ah oo ay dhashay 4 ka mid ah oo isugu jira labo wiil iyo labo gabdhood oo kan ugu weyn uu yahay wiil 13 sanno jir ah ayaa ka faa’iideysta fursadda waxbarasho, halka inta kale ee soo hartayna aynan gaarin waxbarashada sida ay innala wadaagtay.

“ In carruurteenna ay inoo helaan waxbarasho asaasi ah runtii waxay aheyd wax aan ku faraxnay, wiilal dhallinyaro oo is xil qaamay ayaa arrintan ka dambeyaa, waana uga mahadcelineynaa, isku mid ma ahan carruurta hadda iyo intii aanan loo bilaabin waxbarashada” ayay sheegtay Waqtiyo Cabdi.

Xuseen Cabdi nuur oo hormuud u ah dhallinyarada sida mutadawacnimada ah ugu adeega dadka danta yar carruurtooda ayaa ku tilmaamay howshooda mid waajib ku ah si ay kaalin uga qaataan gacan qabashada walaalahooda Soomaaliyeed.

Waxaan barnaa carruurta Af-Soomaaliga iyo Xisaabta oo ah wax muhiim u ah oo asaasi ah, runtii waxa nagu dhiirageliyay ayaa ah in ay yihiin Ubad Soomaaliyeed oo u baahan garab istaag dhinac kasta ah balse annagu kaalinteenna waxaan uga qaadaneynaa dhinaca aqoonta oo wixii aan barangay inan uga faa’iideyno ayaa naga go’an”, ayuu xusay Xuseen Cabdi Nuur.

In loo hirgeliyo goob waxbarasho oo nidaami ah ayuu codsanayaa Xuseen Ibraahim oo ah gudoomiyaha Kaamamka ku baheysan Daaroow.

“ Is kaashiga dhallinyarada dhinaca waxbarashada oo ay ku taageerayaan carruurteenna waa mid na tusineysa wanaag iyo jaceyl walaaltinimo, balse waxaan u baahanahay in aan helno goobo waxbarasho iyo agabkii loogu talo galay, waxa ugu muhiimsan ayaa ah in naloo hirgeliyo Iskuul nidaami ah” Ayuu yiri Xuseen Ibrahim.

Waxaa ka muuqatay ardayda hamuun tacliin, duruufta nololeed ayaan u saamixin in ay wax ku bartaan goob u diyaarsan waxbarashada, Carrada ayaa uga dhigneed kuraasta iyo miisaska buugaagta la saarto, waa halgan ku tusaya sida ay u kala fogyihiin hammiga ay qabaan iyo xaaladda adag oo ay wax ku baranayaan.

WQ: Maxamed Qadar Cabdi Maxamed oo ka tirsan Radio Himilo.

Share

Prev Post

SOMA Concludes UNDP supported Somali media coverage program on Covid- 19

Next Post

Kaalinta culimada ee yareynta Tacadiyada ay la kulmaan Haweenka Soomaaliyeed

You might also like More from author
SOMA PROGRAM SHARING

Muqdisho: 40 Haweenka leh xirfadda Umuliso dhaqameedka oo helay wacyigalin &…

SOMA PROGRAM SHARING

MUQDISHO: Gabdho magaalada u yimid si ay u caawiyaan qoyskooda oo abaarta ceyrteysay

SOMA PROGRAM SHARING

BELEDWEYN: Beeraleyda ka cabanaya hoos u dhac ku yimid wax soo-saarkooda

SOMA PROGRAM SHARING

SH/HOOSE: Beeraley dhowr mar khasaaray oo helay Tababarro & suuq-geyn

Prev Next
About SOMA

SOMALI MEDIA ASSOCIATION

The Somali Media Association-SOMA (Ex-Network 2013) Was founded in Kampala at 13 February 2013 by 13 Radio Stations across Somalia and Signed the basic Memorandum of Understanding (MoU) for the Network, the SOMA Members Increased now 38 Radio Stations Across Somalia.

Read More...
Follow us on Facebook
More Stories

Muqdisho: 40 Haweenka leh xirfadda Umuliso dhaqameedka oo…

Apr 14, 2022
Prev Next 1 of 125
© 2017 - All Rights Reserved.
Sign in

Welcome, Login to your account.

Forget password?
Sign in

Recover your password.

A password will be e-mailed to you.