Tan iyo bilowgii bishii September ee sanadkan waxaa aad qaali uga noqday gaaska loo isticmaalo karinta cuntada Magaalooyinka dalka guud ahaan, iyadoo suuqyada Muqdisho uu gaaray mar labalaab qiimihii uu horay u joogay, taas oo sababtay in qeyb kamida dadkii isticmaali jiray ay gabi ahaanba iska daayaan.
Zamzam Aw Jaamac oo ah hooyada Afar carruur ah, kana mid ah dadka wax ku Karin jiray Gaaska ayaa sheegaysa in ay awoodi weyday soo iibsashada gaaska maadaama qarashka oo badan awgii ay ku qasbanaatay inay joojiso isticmaalka gaaska laakin ay ku talo jirto in ay isticmaasho haddii uu raqiiso oo qiimahi hore uu noqdo ama u dhawaado.
Halkii haan oo gaaska ah ee 13 kiillo qaadka ah ayaa lagu kala iibsan jiray ka hor bishii September lacag dhan $18 dollar, halka bishii aynu soo dhaafnay illaa tan uu u dhaxeeya lacag dhan $35 illaa $27 dollar taas oo wali ka dhigan in aad uga sarreeyo qiimihii hore loogu iibsan jiray, waxaana sabab u noqotay hoos u dhac ku imaaday suuq gaaska lagu kala iibsado.
Zamzam oo ku iibisa shaax isgooyska Xoosh ee degmada Dharkeynley ee Gobalka Banaadir ayaa markii hore waxa uu ka caawin jiray gaaska in si deg deg ah macaamiisha ugu soo saarto shaaxa, laakin hadda ay ku laabatay isticmaalka dhuxusha, oo iyaduba la iibinayo lacag u dhaxeysa $12 illaa 16 dollar, si usoo saarto lacagaha biilka guriga, waxbarashada carruurteeda, & karida ay ku ganacsato.
“waxaa igu kaliftay inaan iska daayo qiimaha oo Sara ukaco taas oo aan awoodin inaan iibsado, dhuxusha iyo gaaska waxa ay ku kala duwan yihiin waxaa waye waxaa halmar u baahantahay inaad karsatay daqiiqad ku boobsiisaneysaa taas oo ay leedahay 3 jiko inkasto dhuxusha leedahay 1 jiko oo kaliya , xiliga ilmaha ilmaha iskuulka aadayaan xitaa makaa daahayaan halmar ku boobsiisan kartaa shaaxa, canjeerada , maraqa iyo waxyaabo kale oo u baahantahay IL biriqsi aa uga kaceysid jikada, mudo badan isticmaalaye ee hadaan soo koobo halsano iyo bilooyin badan oo aan awoodin ugu raystay dhuxusha, waan jeclaan lahaa inaa dib u isticmaalayso”.
Waxaa kaloo jira qoysas iyagana isticmaalayey gaaska, balse hadda qarka u saran in ay joojiyaan, maadaama ay uga baxdo lacag aad uga badan tan ay horay u bixin jireen.
Shamis Khaliif Makaraan oo ah hooyada Laba carruur ah ayaa SOMA u sheegtay in ay si ka dhib badan sidii hore ku isticmaasho gaaska, maadamaa ay isticmaaleysa muddo laba sano ah, la qabsiga bandanna uu wali sabab u yahay in ay sii wado, balse ay ka fikireyso hadda in ay joojiso haddii uu sidaan sii ahaado.
Waxa ay tilmaamtay in hadda 24-kii saac ay isticmaasho laba mar, balse markii hore ay isticmaali jirtay shan ilaa lix jeer, habeen iyo maalin, sababtoo ah waxa ay aad dooneysa in ay yaryareyso, si uu muddo badan usii isticmaasho gaaska, oo ka qeyb qaata, fududeynta cuntooyinka la kariayo.
“inuu qaaska qaaliyoobo waxaa u sabab ah aa is leeyahay, gaaskii oo la waayey wadanki oo ku yaraaday, mudo waxaan u maleynayaa 2 camal In gaaska lala’aa balse hada dib usoo laabtay lakin qaali uu yahay wali iibsashadiisa, een Aad iyo aad u mahadsantahay abaayooy waxaan isticmaalaaye mudo adiga sanado badan ah, maxaa yeelay? Waxa uu noqday wax lala qabsado isticmaalkisa.”
Khuburada ayaa si weyn uga digaya haddii ay la joogteeyo isticmaalka dhuxusha, ay saameyn xooggan yeelato, iyaga oo ku talinaya intii la awoodo in laga baaqsado geedaha la jaro, si dhuxul looga shido.
Maxamed Daahir Faarax oo ku takhasusay arrimaha deegaanka ayaa sheegaya in xaalufinta dhirta ka dhalan karto nabaad guur ku dhaca deegaanka oo sababi karo abaar joogta, & in ay keento isbadalka cimilada ku dhaca, markii deegaanka laga jaro geedaha, sidoo kalana ay xooluhu weyn karaan daaqa, duur joogtana ka carari karaan dalka haddii ay waayaan gabbaad.
Waxa uu xusay in isticmaalka gaaska si ay dadka ugu karsadaan cuntada, ay wax badan caawineyso deegaanka, maadaama haddii ay la isticmaalayo dhuxul ay noqoneyso in geed la jaro, si looga sameeyo dhuxul. Maxamed ayaa sidoo kale ku talinaya in qof walba uu beero geed inta uu awoodo taas oo deegaaanka ka dhigi karta mid barwaaqa ah roob badana uu ku da’o.
“deegaanka waxyeelada ugu badan dhuxusha u keenaayo waxaa ka mid ah inay imaato nabaad guur , in laawayo dhirti geedihii, in dadka bulshada Ku nool baadiyaha saameyn ba’an uu ku leeyahay sababtoo ah xoolihii iyo meelihi kale isticmaali lahaayeen sida keymihi iyo waxi la midka ahaayna dhaamaantood waa la xaalufinaa taasaa waxay ku keeneysaa problem Aad u wayn, dhinaca kale hadan ka fiirina waxaa jiro hab uu u sameynaayo marka dhirta la jaro qodobka 2aad waxaa waye in deegaanka ay waayaan xayawaano badan oo ku noolaan lahaa keyntii inay deegaankoodi waayaan, Qodob ka 3aad waxa waye in carada nabaad guur ay ku imaato, gaaska inta badan faa’ido waxuu u leeyahay mar la fiiriyo as environment fa’idoyin badan u leeyahay. ”
WQ: Fartuun Aamusane oo kamida Radio Star FM.