Qoysaska ku nool Jiinka wabiga ee Magaalada Baledweyne egobolka Hiiraana ayaa xilligaan muujinaya walwal ku aadan, in wabiga uu sameeyo Fatahaad, maadaama la galayo xilli roobaadka Dayrta.
Waxaa jira qoysas ka barakacay guryihii ay ka dagenaayeen Magaalada oo ay biyuhu soo galeen, inkastoo ay wali jiraan qoysas ku harsan xaafadaha laga barakacay ee Baledweyn.
Labadii sano ee ugu danbeeysay waxaa dhacday saddex fatahaad oo is xig-xigay, iyadoo ay barbar socdeen dadaallo xooggan oo ku aadan xakameynta fatahaada.
Qoysaska barakacay ayaa tiro ahaan yar, waxaana ay ku noolaayeen Xaafadda Dhagax jabis ee Magaaladan Baledweyn.
Mahad Xuseen Axmed waxaa uu ka mid yahay dadka ka barakacay guryaha ku yaala jiinka wabiga waxaa uu Barnaamijka Wadaagga u sheegay in ay guryohoodii biyo soo galeen islamarkaana ay haatan dagan yihiin Xaafada Kooshin oo dhacda dhanka Galbeed ee Magaalada.
Dhowr habeen ka hor ayey reerkiisu guureen, balse isaga ayaa wali guriga baaqi ku ah, cabsi uu ka qabo, kooxo burcad ah ay guriga usoo dhacaan.
Cabsida ay muujinayaan dadka ayaa ah in Gudiga Gurmadka Fatahaadaha aysan soo afjari Karin howlaha biyo xireenada inta aan la gaarin xilli roobaadka fooda inagu soo haya sababa la xariira waqtiga oo aad u yar, iyo howsha oo wali wax badan ay uga harsanyihiin Gudiga.
“Dhibicdi ku dhacdaa Wabiga waxa ay toos u soo aadeysaa Xaafadda, oo qasab ka dhigeysa in guriga aad ka barakacdaa. Reerkeygu maalmo kahor ayey guureen, laakin aniga ayaa xaafadda jooga. Haddii guriga laga wada tago waxaa dhici karta in Tuugo ay guriga usoo dhacaan”. Ayuu yiri Mahad Xuseen.
“Waxaan walaac ka muujineynaa Gudiga gurmadka darbiga ay bilaabeen, wax badan u maleyn maayo in ay wax ka tari karto, sababtoo ah, waxaa fooda nagu soo haaya xilli roobaadka. Waxaa loo baahnaa in xilligaan kahor sameeyaan, waxaa dhici lahayd in aan laga barakicin magaalada”. Ayuu hadalkiisa raaciyey.
Sidoo kale waxaa jira qoysas kale oo cabsi xoogan muujinaya oo degan xaafado aan sidaa uga fogeeyn kuwa laga barakacay, balse biyahu aysan wali soo gaarin.\
Cabdikaafi Cismaan Maxamuud oo dagan xaafada Dhagax jibis kana mida ah qoysaska muujinaya cabsida ah in ay biyahu u soo galaan, maadaama guryaha ay biyahu soo galeen ee laga guuray iyo guriga Cabdikaafi ay u dhaxeeyso ilaa iyo Guri kaliya.
“Waxaan kamid ahay dadka degan xaafadda Dhagax Jabis, kaliya biyaha hadda waxaa noo dhaxeysa laba Guri, waxaan u maleynayaa Boqolkiiba Sagaashan in maalmaha soo socda nasoo gaari karaan Biyaha, cabsi wey jirtaa, laakin malagu deg degi karto in aad guriga ka guurtaa”. Ayuu yiri Cabdikaafi
Dhanka kale gudiga uu hogaamiyo Xaaji Cismaan Dhagaxoow ee Gurmadka Fatahaadaha Baledweyne ayaa wada dadaalo xoogan oo ku aadan sidii looga hortagi lahaaa fatahaadaha
Goobaha ay ka socdaan dadaalada xilligaan waxaa kamida Deegaanada Qooqane Helikiliyo iyo Kaliga Waraaboole oo loogu talagalay in wabiga laga neefiyo, iyaga oo kaashanaya Injineero khibrad u leh howlaha biya xireenada.
Gudoomiye Cismaan Dhagaxoow kama muuqan rajo ah in ay suuragalin karaan in aysan Magaalada biyo soo galin, laakiin dedaal xooggan ay ku bixinayaan sidii howshaan loo dhameystiri lahaa.
“Goobaha aan xilligaan shaqada ka qabanay waxaa ugu muhiimsan Hilli-Killiyo, oo buur weyn la dhigay, ballaciisu waa Toban Mitir, dhirirkiisuna waa Laba mitir iyo bar, kaas waa wajiga koobaad. Wajiga labaad, waa Qooqane oo la daahfuray waxaa biyaha guurtiga ah loo dhigay jiifto Shan KM ah. Waxaan jecelnahay in biyaha magaalada uga yimaada Itoobiya oo dhigo Buurar badan, waxaan sugeynaa hadda kaliya Killiga Waraaboole oo Wabiga laga neefin jiray illaa uu ka qalalayo”. Ayuu yiri Gudoomiye Cismaan.
Ma jiraa wax digniino ah oo fatahaadda la xiriirta, oo dadka loogu sheegayey inay ka guuraan hareeraha webiga. Waxaana sidoo kale jirin qalab webiga lagu xiray oo sheegaya heerka webiga.
W/Q: Shukri Bariyare Maxamuud oo ka tirsan Radio Hiiraanweyn.