Shirkii Golaha guud ee Daladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA oo maanta lagu soo gabagabeeyay Magaalada Muqdisho ayaa lagu doortay hogaan cusub.
Kulanka Golaha Guud ee SOMA waxaa qabsoomidiisa gacan ka geystay Hay’adda IMS/SIDA Sweden, waxaana 3-dii November 2024 lagu qabtay Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu xoojinayey dedaalka loogu jiro sidii loo dardargelin lahaa hawlaha shaqo ee ururka. kor u qaadista tayada warbaahinta dalka.
Shirka Golaha Guud oo ahaa kii toddobaad ee Dalladu yeelato, waxaa isugu yimid 32 xarun oo warbaahineed oo xubno ka ah SOMA, taasoo fududaysay wada shaqayn dhex marta qaybaha muhiimka ah, oo ay ku jiraan milkiilayaasha warbaahinta iyo agaasimayaasha gobollada kala duwan sida Afgooye, Boosaaso, Baraawe, Baardheere, Beledweyne, Balcad, Baydhabo, Dhuusamareeb, Garoowe, Jowhar, Kismaayo, iyo Wanla -Weyn, isagoo ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay leedahay dadaallada wadajirka ah ee qaabeynta mustaqbalka warbaahinta Soomaaliyeed.
Kulanku waxaa lagu qiimeeyay guulaha la gaaray, wax ka qabashada caqabadaha jira iyo kor u qaadida tayada warbaahinta, si loo xaqiijiyo aragtiyo ballaaran oo warbaahinta dhexdeeda ah.
Maxamed Cismaan Makaraan, Xoghayihii Guud ee xilkiisu dhammaaday ayaa faahfaahiyay 37-waxqabad oo barmaamijyo ah oo ay ka mid ahaayeen tababaro iyo ololeyaal wacyigelineed, isagoo dhanka kale tilmaamay taageerada lagama maarmaanka u ah hoggaanka iyo xubnaha ururka.
Ajandaha ayaa diiradda lagu saaray arrimo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin Istaraatijiyadda u doodista ee SOMA, badqabka shaqaalaha warbaahinta, horumarinta xorriyadda saxaafadda, iyo ilaalinta xorriyadda hadalka.
Sidoo kale, goluhu wuxuu soo dhaweeyay afar xarumood oo warbaahineed oo cusub, oo ku soo biiray Dallada SOMA, kuwaasoo kala ah:-
1- Radio Galdogob ee Gobolka Mudug
2- Radio Bay iyo Bakool, Magaalada Baydhabo, Maamulka Koonfur Galbeed
3- Radio Bahdo, Galmudug State
4- Radio Dhambaal, Magaalada Cadaado, Dowlad Goboleedka Galmudug
Doorasho oo daah-furan, ayaa waxaa dib loogu doortay Guddoomiye Hilaal Sheekh Shuceyb iyo Guddoomiye ku-xigeen Axmed Cumar Saalixi, halka Xoghayaha Guud loo doortay Maxamed Cabdiwahaab.
Xoghayaha cusub Maxamed C/wahaab oo khudbad ka jeediyay kulanka, ayaa uga mahad-celiyay xubnaha sida ay u aamineen, wuxuuna ku cel-celiyay inay ka go’an tahay horumarinta SOMA iyo inuu saxafiyiinta Soomaaliyeed ku garab istaago doorkooda muhiimka ah.
Gebagebadii kulanka, SOMA waxay u taagan tahay sidii ay wax uga qaban lahayd caqabadaha soo socda iyo horumarinta horumarka muuqaalka warbaahinta Soomaaliyeed, kobcinta jawi wax dhisid ah oo dhiirigelinaya iskaashiga iyo hal-abuurnimada warbaahinta.