Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada iyo haayadda Caafimaadka Aduunka (WHO), ayaa si wadajir ah u xusay maalinta โyoolka caafimaadka loo dhanyahay oo 12 bishan ku beegneyd, si kor loogu qaado wacyiga baahida loo qabo in lahelo nidaam caafimaad oo hagaagsan oo siย joogta ah u socda.
Yoolka Caafimaadka loo dhan yahay waxa uu yahay Qorsha in, in kabadan kala bar degmooyinka dalka oo dhan laga hirgaliyo, iyadoo la rajeynayo in ka faaโiideystaan dadka danta yar, si aysan u dareemin culeys Caafimaad.
Sidoo kale waxaa socda qorshe 19 Isbitaal oo dalka oo dhan ah in ay bixiyaan adeeg caafimaad oo bilaash ah, dadkuna ka faaโiidaan. Hadaba Sidee ayey Bulshada Soomaaliyeed ku heli karaan Adeeg Caafimaad oo sarreeya?. Suโaashaas iyo kalaba waxaa Dr Cabdirisaaq Jalaalu diin la taliyaha Wasiirka Caafimaadka ee Adeeg Caafimaadka loo dhan yahay Weydiisay Wariyaheena Xamdi Mahad Diiriye oo ka tirsan Radio Risaala.
Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga Dr-ka.