Sabti 27 May 2023 Tababarkan ay Daladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA maanta ku so gabagabeysay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug ayaa waxaa waxaa lagu baranayay badqabka suxufiga.
20 Suxufi oo laga kala keenay Magaalooyinka Cadaado caabud waaq Guraceel gaalkacyo iyo Galdogob ee Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa ka faaideystay tababarkan mudaddii uu socday.
Xoghayaha Daladda warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA Mahamed Osman Makaran oo ka hadlay Gabagabadii Tababarka ayaa sheegay in tababarkan uu muhiimad gaar ah u leeyahay suxufiyiinta madaama wadanka uu hada ku jiro dagaal.
Makaraan ayaa kula taliyay suxufiyiintii ka qeyb galay Tababarka in ay ku dabaqaan xarumihii ay ka yimideen iyo magaalooyinkii ay ku noolaayeen si warbaahinta ay u hesho goob amaan ah
Qaar kamid ah suxufiyiintii ka qeyb galay tababarka ayaa sheegay in ay waxbadan ka faaideen tababarka la xiriiray arimaha amaanka suxufiga kaas oo ay sheegeen in uu wax badan ka badali doono bad qabkooda.
Tababarkan oo socday Mudo sadax Cisho ah ayaa waxaa ay Daladda warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA ugu talagashay suxufiyiinta Soomaaliyeed in bad qabkooda iyo amaanka goobha ay ka shaqeeyaan in sarre loo qaado si ay u helaan goob amaan ah oo ay ku shaqeey karaan.