Khamiis May-25-2023 Daladda Warbaaahinta Soomaaliyed ee SOMA ayaa Maanta Magaalada dhuusamareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug waxaa ay ka Daah furtay Tababar la xariiro badqabka Wariyaasha Soomaaliyeed, Waxaana Tababarkan ka qeeyb galay Wariyayaal ka ka la imaaday Magaalooyinka Galmudug iyo puntland
ugu horeyn waxaa munaasabada Tababarkan ka hadlay Xoghayaha Guud ee SOMA Maxamed Cismaan Makaraan waxana uu sharaxaad ka bixiyay ujeedadad tababarka iyo tirada ka faaideysaneyso.
Ujeedka Tababarkan loo qabtay ahaa ah Sida uu sheegay Xoghayaha Guud ee Daladda warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA Maxamed Cismaan Makaraan, Markii ay bateeyn Halista badqabka Wariyaasha, waxaana jiro Weeraradii Ugu dambeeyay ee ay waxyeelo ka so gaartay qaraxyadii zoobe labo.
Gudoomiyaha Suxufiyiinta Galmudug Maxamuud Cismaan Cabdulle Beereey ayaa so dhaweeyay Tababarka ay maanta Daladda warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA ka furtay Caasimada Maamulka Galmudug ee dhuusamareeb.
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Dowladda Goboleedka Galmudug Xuseen Xirsi Faarax oo furtay tababarka ayaa siweyn ugu bogaadiyay suxufiyiinta in ay ku dadaalaan amaankooda waxana uu bogaadiyay dadaalada ay wado Daladda warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA.
Tababarkan oo ay ka faa’ideeysteen inka badan 20 Wariye Ilamarkaasna ay fulineeyo Dalada Warbaahinta Soomaaliyed ee SOMA, ayaa waxaa taageerayay Hey’adaha kala ah IMS iyo FOJO.