Daladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA ayaa maanta Magaalada Baladweyne kusoo gaba gabeeysay Tababar socday mudo 3-Maalmood ah kaasi oo ay ka qeyb galeen 25-Suxufi oo ka socday Warbaahinada ku yaala deegaanada Maamulka Hirshabeelle.
Tababarkan ayaa waxaa Wariyaasha Lagu barayey Badqabka Wariyaha iyo tabinta Doorashooyinka waxaa bixinayey Macalimiin ka socday Dalada Warbaahinta Soomaaliyed ee SOMA.
Axmed Ciise Guutaalle Madaxa Tababarada SOMA ayaa sheegay in tababarka uu lahaa faa’ido badan oo ku saabsab sare u qaadida xirfada wariyaasha Soomaaliyed ee ka howlgalo deegaanada Maamulka Hirshabeelle, asigoona ka qeeyb galayaasha ugu baaqay in waxyaabuu halkan ka barteen ay usii gudbiyaan wariyaasha kale ee aanan nasiibka uhelin tabababrka.
Qaar kamid ah Wariyaashii ka qeeyb galay Tababarka ayaa Tilmaamay in wax badan ay ka faa’ideeyn mudadii uu socday, waxaana ay si gaar ah ugu mahad celiyeen Daladda Warbaahinta Soomaaliyed ee SOMA oo tababarka qabatay.
Xoghaha Guud ee SOMA Maxamed Cismaan Makaraan ayaa sheegay in tababarkan kusoo aaday waqti baahi badan ay u qabeen wariyaasha Maamulka Hirshabeelle ku nool madaama lagu gudo jiro Doorashada Golaha shacabka Soomaliya,
Xoghaye Makaraan ayaa Dowlada iyo Maamul goboleedyada Dalka ugu baaqay in la ilaaliyo Xuriyada hadalka madaama lagu guda jiro mid kamid ah maalmaha ugu shaqada badan Warbaahinta Soomaaliyed isla markaana fursad loo siiyo wariyaasha goobaha doorashooyinka ay ka dhacayaan si bulshada ugu adeegaan.