Author: Web Master

11 bishii May  Kenya ayaa shaacisay in la hakiyey dhammaan duulimaayada diyaaradaha ka imaada ama tega Soomaaliya, marka laga reebo kuwa gargaarka iyo  diyaaradaha gaarka ah ee la shaqeeya hay’adaha Qaramada Midoobey, waxaana ay saameyn ay ku yeelatay boqolaal ka mid ah dadka ku nool Muqdisho oo qaarkood ka shaqeysan jiray soo saarida viisayaasha iyo Tickyada dalka iyo sidoo kale dad howlo kala duwan la ahaa dalka Kenya. Cabdicasiis Warsame oo ah maamulaha Shirkadda duulimaadyadda ee Kinwey Travel ayaa sheegay in saameyn dhaqaalle ay ku yeelatay tan iyo markii ay xayiraadda ay soo baxday. Waxaa uu sheegay marka laga soo…

Read More

Dhallinyarada Magaalada Dhuusamreeb ee Gobolka Galgaduud ayaa si iskaa wax u qabso ah dib u dayactir ugu bilaabay waddooyinka magaalada dhuusmareeb oo uu roobkii guga biyo badan dhigay  shacabkuna aad uga cabanayeen. Calas Cabdi Nuur Gudoomiyaha ururka dhalinyarada caasimada galmudug ayaa sheegay in howashan si iskaa wax u qabsa ah ururka dhalinyaradu magaalada uga curiyeen, Kadib markii wadooyinkii magaalada & qaybo ka mid ah laamiga ay biyihii roobku fadhiisteen. Wuxuu tilmaamay Godoomiyuhu in markii ay arkeyn in Maamulkii degmada ee howshan iskalahaana uusan waxba ka qabaneyn ay isku tashi bulshada dhexdeeda ah kaga bilaabeyn xaafada dayax wadooyinkeeda. “Waxaan rabaa inan…

Read More

MOGADISHU, Somalia, 08 May 2021 – Somali Journalists Syndicate (SJS) and Somali Media Association (SOMA) jointly announce their support for Radio Mustaqbal’s filing a lawsuit against the Director of the National Intelligence and Security Agency (NISA), Fahad Yasin and Villa Somalia Deputy Chief of Staff, Abdinur Mohamed Ahmed over the 27 April raid on Mustaqbal Media. Through its lawyers, Radio Mustaqbal filed the legal complaint and was officially registeredinto the Office of the Attorney General of the Federal Government of Somalia on World Press Freedom Day on 03 May 2021. According to the filing document seen by SJS and SOMA,…

Read More

Maamulka Dagmada Guriceel iyo wasaarada Caafimaadka Dowlad gobaledka Galmudug oo iskaa shanaya ayaa 28 bishii lasoo dhaafay ka hirgaliyey Xarunta xakameynta iyo daaweynta Cudurka CoronoVirus Gudaha Isbitaalka Isterliin ee degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud. Agaasimaha Wasaarada cafimadka ee Galmudug Dr Abdiwali Maxamed Axmed ayaa sheegay in hadda wixii ka danbeya degmada qofka qaba xanuunka Covid-19 lagu karantiili doono, sidoo kalana ay kusii fikirayaan in ay ka furaan magaaloyinka kale ee Galmudug ee aan lahayn xarumaha Karantiilka si loo yareeyo Faafitaanka Karoonaha. Waxa uu tilmaamay in xarunta gaarka ah ee isbaalka laga dhex furay ay ku diyaarsan yihiin shaqaale loo tababaray…

Read More

In ka ku dhow 100 Gabar oo bartay xirfadaha cilaan saarka, iyo Make Up-ka, ayaa isku diyaarinaya sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen malaha ciida iyagoo oo diyaar garow xooggan ugu jira soo bandhigadda waxa ay soo barteen si ay ugu shaqaystaan una hormariyaan xirfadooda. Deeqo Xirsi Xasan oo kamida gabar ka baratay xirfada cilaan saarka Xarunta Hormarinta Qoyska ayaa sheegeysa in ay hadda diyaar u tahay sidii ay ugu shaqeysan lahayd, xirafdda ay soo baratay intii u dhaxeysay bilihii Febraayo iyo Maarso ee sanadkaan. Waxa ay tilmaamtay in ay sameysatay boor, ay si u arkaan dadka xaafadda la deggan, oo ay…

Read More

Soomaaliya ayaa 15-kii bishaan Maarso la keenay Shixnadii u horeysay ee Tallaalka Covid-19 iyadoo tallaalkan uu gaarayo illaa 300,000 kun oo doos, waxaana laga soo dejiyey markii ugu horreysay Muqdisho. Shixnadaan ayaa  ahayd  qeybtii ugu horeysay ee tallaalka oo noociisu yahay Oxford/Astrazenica, ayadoona durbadii tallalka ay qaateen bahda caafimaad oo safka hore uga jira dadka la tacaalaya covid-19 iyo masuuliyiin. Waxa jira Dadka qaar oo wali cabsi ka qaba tallaalka, kuwaa oo sabab uga dhigay in dalal badan ay soo diideen Soomaaliyana la keenay, oo aysan isku aamini Karin, iyadoo ka baqaya in xaalado caafimaad darro ay wajahan. Saalax Maxamuud…

Read More

Dhallinyarada kaga dhex shaqeysa moota bajaajta magaalada Guriceel ee Galgaduud ayaa dhibaato kala kulma bacaad badan oo buuxiyey wadooyinka ay ku wadaaan. Dhibaatada wadoyinka oo aysan cidna garab ka siin ayaa sababtay in Bajaajleydu sameystaan gudi bajaajleyda dhexdooda ah si ay wadooyinka xal ugu helaan Sida uu ii sheegay Godomiyaha Gudiga Bajaajleyda Caraaye Mire Cilmi. Waxa uu tilmaamay in waqti badan oo ay ku sameyn lahaayeen dakhli fiican uu kaga lumo waddooyinka bacaadka ah, sidoo kalana ay jirto in maamulka ay gaarsiiyeen cabashooda, balse uusan kasoo jawaabin. Caraaya waxa uu sheegayaa in ka dhallinyaro ahaan ay iska soo saareen dhowr…

Read More

15 bishaan oo uu dhaqan gal noqday amarkii kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ee ahaa in qofkasta oo aan wadan Face Mask-ga la ganaaxi doono lacag dhan Shan dollar, ayaa saameyn ku yeeshay dadka danta yar & kuwa soo barakacay ee kunool Muqdisho & duleedkeeda. Macalin Aadan Cabdi Xuseen oo ah Horjoogaha Kaamka Buulo Garaay ee ku yaalla duleedka galbeed ee caasimada, ayaa sheegaya in tan iyo uu Amarka maamulka kasoo baxay dhaqan galay ay dad badan aysan aadin shaqooyinka xoogsiga ee ay u bixi jireen, sababo la xiriira cabsi ay ka qabaan in uu sharciga qabto. Waxa uu tilmaamay…

Read More

Magaalada Muqdisho waxaa laga hirgeliyay iskuul ay wax ku baranayaan carruurta aan hadli Karin amaba korriinshahoodu hooseeyo, kaas oo loogu talagalay in ay ka faa’iideystaan fursad waxbarasho oo u dhiganta tan ay hadda heystaan marka loo eego xaaladdooda caafimaad. Seynab Xasan Cali oo kamid ah waalidiinta ay carruurtoodu halkaan wax ku bartaan waxa ay wiilkeeda oo muddo laba bilood ah halkaan dhiganyay ku aragtay isbeddel weyn kaddib markii uu bilaabay in uu hadlo, kuna dhawaaqi karo hadda magaca hooyadii halka markii hore uu shibbane ahaa. Waxayna u aragtaa fursad weyn maadaama markii hore aysan ogeyn goob ay wax ku bartaan…

Read More

Tiro dhallinyaro ah oo ku nool Magaalada Muqdisho ayaa Waday Saddexdii Todobaad ee lasoo dhaafay in Masaajidda, goobaha bulshadu ku kulanto & goorama yaryar ee lagu ciyaaro kubada cagta ee Xamar ay ka qeybiyaan Waji xirka ama Face Mask. Zakariye Cabdi oo ah horjoogaha kooxdan ayaa sheegaya in arrintaan ay ku dhalatay kaddib markii ay dareemeen in Muqdisho uu cudurka Karoonaha si xowli ah ugu sii faafayo, loona baahan yahay in qof walba ay qaadato kaalinta kaga aadan ka hortagga Covid-19. Waxa uu tilmaamay in hadda ay qeybiyeen in u dhaxeysa Afar boqol illaa Afar boqol iyo Konton “400-450” Face…

Read More