In kabadan Labaatan carruur ah oo da’doodu u dhaxeyso 8 ilaa 14 jir ayaa ka ganacsada Jijimaha ay dhallinyarada u qaataan hab xarago ah, iyaga oo ka sameeya kuulo midabo kala duwan isugu jira oo la isku geeyay, waxa ayna u nashqadeeyaan hadba sida looga soo dalbado. Maxamed Nuur waa 14 jir ah waxaa uu baranayaa sida loo sameeyo jijimaha xaragada ah qeybta naqshadeynta magacyada, waxa uu awoodaa sameynta jijimaha lagu nashqadeeyay calamada oo aad uga dhib yar marka lagu dul qorayo magac. waxa ayna walaalo yihiin tababaraha farsamadan. Waxa ay ku qaadatay in uu barto farsamadaan muddo dhan Bil…
Author: Web Master
Ayax raxan raxan u socda ayaa dhibaato badan ku haaya dadka Beeraleyda ah eek u nool qeybo kamida dalka. Dadku waxa ay sameeyaan dadaalo xooggan ay uga hortagayaan. Saameynta ugu daran ayaa la sheegayaa in ay tahay marka Ayaxu uu beerta uga tago Koronkorada. Hadda sidee ayey Beeraleydu uga hortagi karaan Ayaxa xaalufinta ku haaya Beerahooda. Waxaa Su’aashaas & kuwa kalaba weydiinay Aqoonyahan Bashiir Axmed Xasan oo bartay Cilmiga beeraha una dhaqdhaqaaqa wacgalinta Beeraleyda. Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga.
Dhismihii ka socday wadada u dhaxeysa Magaalooyinka Guriceel & Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud oo ah Lixdan iyo Shan KM ayaa gabi ahaanba joogsatay kaddib markii dadkii waday Ololaha Midow Bulsho ay u awoodi waayeen in ay sii wadaan Howshaan dhaqaalo yari darteed. Daahir Maxamuud oo ah Godoomiyaha Ururka howsha is xilqaanka ah waday sheegaya in markii horaba ay ku bilaabeen lacago aan badneyn oo ay kasoo aruuriyeen qeybaha kala duwan ee Bulshada si ay wadadaan u noqodo mid nadiif ah. Waxa uu tilmaamay in aysan soo gaarin dhaqaalo ku filan, taas oo wax ka qaban karta Wadadaan, maadaama ay dhibaato…
Tabbarkan oo ku saabsan tabinta doorashooyinka iyo badqabka Wariyaha ayaa waxa u socondoono mudo 4 maalin ah waxaa ka qeyb galaayo 20 wariyaye oo ka kala socdo dagmooyinka Dowlad Goboleedka Hirshabelle sida Magaalooyinka Baladweyne Balcad iyo Jowhar. Gudoomiyaha Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA Maxamed Cismaan Makaraan ayaa ugu horeyn ka hadlay ujeedadad tababarka iyo tirada wariyayaasha ka Faaideysanaayo iyo deegaanada ay ka kala yimaadeen. Waxana uu makaraan u mahad celiyay Hay’adaha IMS Iyo FOJO oo gacan ka siiyay SOMA in ay tababaran ku qabato dalka. Maxamed Cismaan Makaraan ayaa uga mahadceliyey dhamaan intii gacan ka geysatay in Tababarkan…
Press Statement for Immediate Release
SOMA concluded a four – day Safety and Election Coverage Training Workshop for 20 journalists in Baidoa City, Sourth West Regional State
Tababarkan mudadda afarta maalinta ah uga socdey qaar ka mid ah Wariyaasha Koonfur Galbeed Magaalada Baydhabo waxaa xiritaanka ka qeyb galey Wasiirka Warfaafinta Ilyaas Saciid Qalinle,Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Koonfut Galbeed Maxamuud Maxamed Kheyre,Gudoomiyaha SOMA iyo qaar ka mid ah Agaasimayasha Idaacadaha Baydhabo. Tirada wariyaasha tababarkan ka faa,iideystey oo gaarayay 20,waxaa ay ka kala socdeen Degmooyinka Maamulka sida Afgooye,Baraawe,Wallaweyn,Xudur iyo Magaalada Baydhabo,waxaana ay ku baranayeen habka tabinta doorashooyinka iyo Badqabka Wariyaha. Gudoomiyaha Ururka Wariyaasha Koonfur Galbeed Muxidiin Xasan Maxamed ayaa uga mahadceliyey SOMA iyo IMS tababarka ay ku qabteen Magaalada Baydhabo,isagoona sheegey in xili baahi tababaradaas loo qabo deegaanka…
Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday Todobaadkan in dalka ay ka dhaceyso doorasho, iyadoo ay jiraan tabasho ay qabaan Musharrixiinta Madaxweynaha dalka, & Qaar kamida Dowlad Goboleydyada. Go’aanka waxa uu yimid kadib markii Madaxda DFS ay kulamo dhowr ah la yeesheen Hogaamiyayaasha Maamulada Galmudug, Hirshabeelle KGS, & Gobolka Banadir. Hadaba Maxaa ka dhalan kara go’aanka DFS ku qabaneyso doorashada, iyadoo ay xaaladdu sidaas tahay? Waxaan su’aashaas & kuwa kalaba weydiinay Aqoonyahan Maxamed Muuse Macallin oo bartay Culuumta Siyaasadda & Sharciga. Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga:
In hanti qof leeyahay looga dhaco hab xirfadeysan waa mid aan ku cusbeyn magaalada, hayeshee waa mid saameysay ganacsatada oo ku waayay lacago iyo badeecooyin ay iibiyaan. Axmed Cumar waxa uu ka ganacsadaa tukaan uu ku iibiyo bagaagshka iyo raashiinka quutul daruuriga ah oo ku yaala dagmada Dharkenley, bilowgii bishan Janaury waxaa laga dhacay lacag cadadeedu ku dhowdahay 500 oo doolar xilli uu ku sugnaa goobtiisa ganacsi. kaddib markii ruux watay gaari raaxo ah uu ku soo ag baakimay goobtiisa ganacsi islamarkaana sida uu tilmaamay uu ruuxaasi indho sarcaadiyay. Lacagaha laga qaatay Axmed oo uu damacsanaa in uu dib u…
Ilaa Shan & Toban haween ah oo ku nool Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan kana shaqeyn jiray Shaqada dhismaha guryaha dhagaxa ah ayaa xilligaan wajahaya Shaqo la’aan kaddib markii loo diiday shaqadii ay haayeen. Wiilo Maxamed Faarax oo kamida Haweenkaas oo mudo Toban sano ah ka shaqeyneysay Dhismaha guryaha ayaa sheegeysa in ay u ahayd shaqo muhiim ah oo ay ka dabarto nolosha caruurteeda. Waxa ay tilmaamtay in sababta looga ceyriyey shaqadan aysan mid cad, balse ay u sheegeen kaliya dadkii maamulayey shaqada in aysan qaban Karin oo ay dhibaato ku tahay in ay kasii shaqeeyaan Dhismaha guryaha dhagaxa ah.…
Tabbarkan oo kusaabsan tabinta doorashooyinka iyo badqabka Wariyaha oo socondoono mudo 4 maalin ah ayaa waxaa ka qeyb galaayo 20 wariyaye oo ka kala socdo dagmooyinka Koofur galbeed sida Afooye Baraawe wanlaweyn iyo Xudur iyo Magaalada Baydhabo. Gudoomiyaha Dalada Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA Maxamed Cismaan Makaraan ayaa ugu horeyn ka hadlay ujeedadad tababarka iyo tirada wariyayaasha ka Faaideysanaayo iyo deegaanada ay ka kala yimaadeen. Maxamed Xusmaan Makaraan ayaa uga mahadceliyey Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Hanuuninta dadweynaha Koonfur Galbeed sida wanaagsan ee ay uga qeyb galay barnaamijka iyo soo dhaweynta Wasiirka Madaxda SOMA u muujiyey. Madaxa barnaamijyada iyo Xiriirka hayadaha IMS…