Author: Web Master

Lixdan haween danyar ah oo la kulmay dhibaatooyin xadgudub iyo tacatiyo jinsi ah ayaa hada helay tababar, daawayn, shaqo abuur, iyo xirfado kala duwan oo ay barteen kuwaas oo hadda nolol maalmeedka qoyskooda kasoo dhacsada waxyaabihii ay barteen intii ay qaadanayeen tababarka ay siisay  Hay’adda HINNA oo ka shaqaysa arrimaha tacadiyada loo gaysto haweenka danta yar ee ku nool kamamka barakcyaasha ee ku yaala gobolka banaadir iyo duleedkiisa. Fardowsa Cabdi  oo aan ahayn magaceeda saxda, qofta aan la kulanay waxay ka mid tahay haweenka loo gaystay kufsiga waxay SOMA  u sheegtay in labo nin oo hubeysan midna uu watay mindi…

Read More

Police pick up truck carry journalists after a raid on Radio Hiiraan Weyn in Beledweyne on Friday 21 January, 2022. | PHOTO/SJS/Courtesy. MOGADISHU, Somalia 22 January 2022 – Somali Journalists Syndicate (SOMA) and its partner the Somali Media Association (SJS) condemn the raid and closure on the local independent radio in Beledweyne and detention of its seven journalists by Hirshabelle police in Beledweyne on Friday 21 January 2022 following interviews with local armed resistance who oppose the Hirshabelle authorities. According to CCTV footage seen by SJS and SOMA and interviews with journalists, around 2:58pm Friday local time heavily armed police…

Read More

Daladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA waxeey aad uga xuntahay falkii foosha xumaa ay ciidamada maamulka Hirshabeelle kula kaceen warbaahinta madaxa banana ee Hiiraanweyn xarunteeda magaalada Baladweyne. Jimce 2:50 duhurnimo, January 21, 2022, ciidan boolis ah oo aad hubeysan ayaa weeraray idaacadda Hiiraanweyn xarunteeda Baledweyne, amarna ku bixiyay in la demiyo idaacadda, waxayna la wareegeen furayaasha idaacadda, iyagoo markaa ka dibna kexeystay toddobo suxufi oo ka shaqeynaysay idaacadda kuwaa oo si sharci darrro ah loogu xiray saldhigga booliska Baledweyne. Suxufiyiinta xabsiga ku jiraa ayaa kala ah; 1-Yaasiin Cali  Axmed Tafatiraha Hiiraanweyn 2- Abdullaahi Ali Abukar Madaxa Shaqada iyo Shaqaalaha…

Read More

Mustaf Faarax oo ka qalin-jebiyay heerka koowaad ee jaamacadda Job key, faraceeda Beledweyne waxuu shaqadiisii ugu horreysay helay dhamaadkii 2020-kii, kaddib markii uu dib ugu laabtay xirfadda farsamada gacanta oo uu ka shaqeyn jiray kahor inta uusan bilaabin Waxbarashada. Shahaadadiisa maamulka ganacsiga, oo uu sanadkii 2019 ka kasbaday Jaamacadda, wax albaab ah uma furin. Waxa uu hadda ka shaqeeyaa goob lagu sameeyo Ganjeelada, Daaqadaha muraayadaha ah, Kuuraasta Iskuulada, kuwa Jaamacadaha, Booyadaha biyaha lagu dhaamiyo, iyo kuwa kale, wuxuuna hadda bishii helaa lacag dhan $300 oo uu ku dabaro nolosha qoyskiisa oo ka kooban laba carruur ah & Hooyadood. Sababta ku…

Read More

Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo waxaa laga fuliyey mashruuc caafimaad oo ay ka faa’iideysteen dad kabadan 2,600 oo qof, kaas oo soconayey mudo bil ah ayna fuliyeen hay,adda Fatxi Gargaar oo hay,ad maxali ah oo dhowaan deegaanka ka bilowdey adeegyo Caafimaad. Xasan Daahir oo ah Aabe 60 sano jir ah, kana mid ah dadkii ka faa’iideystay adeegan caafimaad ee lacag la’aanta ah waxa uu hadda ku faraxsan yahay howsha loo qabtay bartamihii bishii December ee aynu soo dhaafnay. Waxa uu sheegay in muddo laba sano ah oo xanuun ka haayey Xaniinyaha, kaas oo mararka qaar sabab u noqonayey Hurdo la’aan,…

Read More

Xeryaha lagu dhaqdo geella ayaa kusoo batay labadii bilood ee lasoo dhaafay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kadib markii ganacsato iyo dad miyiga xoolaha ku dhaqan jiray ay duleedka Magaalada ka sameeyeen in ka badan 10 xero, taasoo shaqo ay ka heleen qaar ka mid ah bulshada Baledweyne. Ibraahim Maxamed Nuur oo kamid ah ganacsatada dhaqda geella ayaa sheegay in hadda xerada uu ka hirgaliyay Baledweyne ay ku xareysan yihiin ku dhawaad 70 neef, kuwaasoo markii hore baadiyaha loogu heyn jiray balse hadda uu go’aansaday in uu magaalada ku haayo. Ibraahim Waxaa uu sheegay in sababaha keenay in uu…

Read More

Illaa Laba boqol oo ruux oo isugu jira carruur, haween, iyo da’a ah ayey ku dhaceen Cudurada Jadeecada, Mallaariyada, & Shuban biyoodka Sideedii bil ee lasoo dhaafay, kuwaas oo hadda ka bogsaday qaarkood, sida uu noo sheegay isku duwaha Wasaaradda caafimaadka Hirshabelle, kuwaas oo ku nool Tuulooyin hoos taga Magaalada Jowhar ee Gobolka Sh/ Dhexe. Maxamuud Axmed Cali oo ka mid yahay dadka deegaanka Lebiga ee hoos yimaada Jowhar, ayaa sheegaya in laba kamida carruurtiisa uu ku dhacay cudurka Shuban biyoodka, bishii lasoo dhaafay, isaga oo keenay Isbitaalka Magaalada oo uu rajeynayey inuu ka helo daaweyn, balse aan loo helin.…

Read More

Koox gabdho ah oo isu tagay ayaa Muqdisho kawada Sideedii bilood ee lasoo dhaafay habka keedinta casriga ah ee Khudaarta loogu talagalay in ay baaqi kusii ahaato dhowr bil iyada oo aan wax isbaddel ah ku dhicin. Najmo Musamil Muqtaar oo ah horjoogaha kooxdan ayaa sheegeysay in habka ay ku dhalatay waqtigii Jaamacadda ay dhiganeysay, markaas oo ay iyada iyo afar kamida gabdhaha hadda howsha la wada ay ka diyaariyeen Buugga qallin jabinta Jaamacadda oo ku saabsanaa Keydka Khudaarta, kaddibna ay ku fikireen in ay si ficil ah u baddelaan daraasadihii ay baareen. Waxa ay tilmaamtay in tan iyo bishii…

Read More