Qoyaska danta yar ee kunool muqdisha ayaa ah kuwa wajaha xilligaan caqabado ku aadan qaaliyowga guryaha kirada ah ee dagmooyinka gobolka banaadir iyadoo qaarkoodna ay ka guureen dagmooyinkii ay dagnaayeen kadib markii ay awoodi waayeen lacagaha kirada ah ee guraha lagu kiresto oo aad u badan.
Cabdiqaadir Xaashi Cilmi oo kamid ah dadka nololmaalmeedka qoyskooda kasoo saara gaarigacanada dadka raashiinka iyo alaabaha kale loogu qaado ayaa SOMA u sheegay in ku dhawaad saddex bil uu dagan yahay degaanka Garas-Baalay ee duleedka Muqdisho halkaas uu ka helay meel bananan oo qeyb ka mida ay degan yihiin qoysas soo barakacay kaddibna uu ku dhistay saddax buush markii uu bixin wayay kirada guri uu ka daganaa degmada Hodan ee Gobolka Banadir.
Waxa uu markii hore ku daganaa labo qol oo ka mid shan iyo labaatan dollar balse qoyskii lahaa gurigaasi ay u sheegeen bishii November ee sanadkii 2021 in kirada guriga laga dhigay konton dollar qolkiiba taaso ku qasabtay in uu ka guuro. Waxa uu xusay in nolosha caruurtiisu uu ku biilo lacagta uu ka helo alaabta uu uq aado dadka wax ka iibsada baqaarada oon uu maalintii ka heli jiray 5 ilaa 7 dollar.
Cabdiqaadir hadda waxa uu walaac ka muujinaya dagmadii uu ka shaqaysan jiray oo uu kaso dheeraday iyo waxbarashada caruurtiisa oo hakad gashay maadaama iskuul lacag la’aan ah oo dowlada ay leedahay u dhigan jireen saddax caruur ah.
Waxa uu tilmamay in subixii hore inta uusan waaga si fiican u baryin, si uu usoo gaaro suuqa bakaaraha oo uu ka shaqaysto, maadama ay noloshooda ay ku xirantahay wixii uu soo shaqaysto maalintii.
“Een bac iyo alwax wax ay celinayan ma jiro guryaha way naga jajabsanyihin afartaan bilaad anaga celcelinoyo wax ay celiyan malaha roob iyo dabayl midkii dadaalo oo alwaxa iyo musmarka ilaaliyo ma ahee waxay iska soo rogmayan oo way jajabayan”
Dadka ka faallooda arrimaha dhaqaalaha iyo isbedel-bedelka nolsha deegaanka ayaa aaminsan in badnaasha lacagta lagu kireeyo guryaha xilligan in ay noqoto mid badan ay tahay isbedelka dalka ka jira ee doorshooyinka oo iyo xayiraadaha dunida ay kasoo kabanayso ee ganacsiga iyo isku socodka ee COVID19 uu sababay taaso ay keentay in ay yaradan badeecoyinka la keeni jiray.
Maxamed Macalin Cali oo bartay cilmiga dhaqaalaha ayaa SOMA u sheegay in samayn badan ay ku yeelan karto nolosha qoysas badan oo dan yar ah in ay kororto lacagaha lagu kireeyo guryaha maadaama aysan kaafin Karin shaqooyinka ay qabtaan taasna ay ku qasbeso ay u guuraan deeganada ka baXsan Magaalada.
Waxa uu tilamamay in taasi ay ka dhalatay in saro u kaca maciishada iyo sheeyada nolsha daruuriga u ah oo xilligaan ah kuwo qiimahoodu uu kordhay sidoo kle qalabka dhismaha uuyahay mid qiimihiisu yahay mid sareyo qofka guriga kireenaya laga yabo in nolosha qoyskiisu uu ka dabaro lacagta uu ka helo dadka uu ka kireyay guriga.
“Taas waxa sababay dadka oo magaalada muqdisho aad ugu soo fara batay qofkasto gobolada jiray xamar buu waxbarasho uso doonanaya sidaasi si la mid ahna dadka nolosha fiican raadinaya xamar ayay uso doonanayaan guryihii iyo dadkii waxa badan dadkii waxa weye guryihii waxa markasta u imaanaya codsiyo dad fara badan oo dalbanaya in ay dagaan taas oo fursad milkilayaasha usiinaysa in ay aad usaraysiiyaan qiimaha guryaha lagu kireeyo, Iyadoo halkaasi ka faaiidesanaya baahida dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed.”
Degmooyinka Waabari, Xamar Jajab, Cabdicasiis, Shibis, Shangaani, Boondheere, Xamar weyne, iyo qeybo kamida Hodan iyo Warta-nabadda ayaa ah kirada guryaha ku yaalla mid sare oo ku xiran nuuca guriga hadba Jiingad iyo dhagax waxa uu yahay, taasoo oo ku adkaatay in ay sii deganaadaan dadka danta yar ee markii hore ku noolaa.
Muniiro Axmadey waa hooyada saddax caruur ah oo agoon ah waxa ay ka shaqaysaa maalintii in ay waddooyinka Muqdisho ay ku iibiso qunbaha, sisinta, kashaadata, iyo macmacanka kale ee dadku ay cunaan lacagaha ay ka hesho maalintii oo gaara ilaa shan dollar ayey ku biisha nolosha caruurteeda iyo wax barashooda kirada guri ay ka dagan tahay xaafadda UNICEF-ta ee Dagmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.
Shaqadaan ayay sheegtay in ay bilowday kaddib markii ninkeeda uu ka mid noqday dadkii ku geeriyoobay qaraxii afar iyo tobankii octobar ee 2017, xilligaa wixii ka danbeyayna ay dusha saaratay masuuliyada caruurteed oo hadda labo ka mid ah ay dugsi qur’aan dhigtaan.
Waxay tilmaamtay in ay hadda ku qasban tahay in ay raadiso shaqooyinkle si ay u hesho lacago ay ku bixiso kirada halka qol ee ay degan tahay, maadama lacagta guriga qoyskii laha ay ka dhigeen 50 dollar halka markii hore uu ka haa 30 dollar qolkiiba.
“Maalintii lix doolara ka helaa gurigana sodon dolara ugu jiray Lixda dolar nolol maalmeedka caruurta ku dabaraa iyo in labo dolar aan meel dhigayay si aan ugu dabaro waxbarashada iyo kirada lakiin hada kirada waxa ay noqotay konton dollar waxa noqdeen qaali taasna waxa igu kalifaysaa in aan shaqooyin kale raadiyo ama shaqada aan haayo aan laba jibaaro si aan u bixiyo lacagta kirada guriga”
WQ: Shukri Caabi oo tirsan Radio Risaala