Deegaanada Maamulka KGS waxaa kusoo badanaya xadgudubyada la xiriira Galmada, iyadoo ay dhowr kiis dhaceen. waxaa ugu dambeeyey Faraxumeyntii loo geystay Laba wiil oo da’yar ahaa kuwaa oo midkood uu geeriyooday dhaawac soo gaaray mid kalana uu ku jiro xaalad garaab ah.
Maamulku ayaa toogasho ku filiyey rag ay sheegeen in ay ka dambeeyeen falkii dhacay, balse waxaa jira falal nuuc oo kale ah, oo loo geystay haween, oo aan lasoo taagin sharciga dadkii ka dambeeyey.
Hadaba Door nuucee ah ayey ku lahaayeen Ururka Haweenka Baydhaba in sharciga la marsiiyo dadkii ka dambeeyey Tacadiyadii ka dhacay Magaalada.
Shukri Ismaaciil Axmed oo ka tirsan Radio Warsan ayaa ka wareysatay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Degmada Baydhabo Xaawo Sokor Cali.
Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga.