Tan iyo 2016-kii dgallinyaro u badan Haween ayaa Magaalada Baledweyne iyo deegaanada hoos yimaada ka waday wacyigalinno la xiriirta sidii looga hortagi lahaa in gabdhaha yaryar looga badbaadin lahaa gudniinka Fircooniga ah oo dhibaato badan ku haaya Haweenka. Maryan Cabdulle Xasan oo gudoomiya Ururka ka hortaga gudniinka fircooniga ayaa shegeysa in wacyiga bulshada wax badan iska beddelay sanadihii dambe, taas oo muujineysa in sanadkaan sii dhaamanaya ay ka badbaadiyeen gudniinka fircooniga ah in kabadan 20 hablood oo da’dooda u dhaxeyso 7 ilaa13 sano jir kadib wacyigilin badan oo ay sameeyeen. Sidoo kale waxa ay sheegtay in ay jiraan tiro ka…
Author: Web Master
Ilaa Shan & Toban haween ah oo ku nool Magaalada Muqdisho kana shaqeyn jiray Shaqada dhismaha guryaha dhagaxa ah ayaa xilligaan wajahaya Shaqo la’aan kaddib markii loo diiday shaqadii ay haayeen. Faadumo Maxamed Faarax oo kamida Haweenkaas oo mudo Toban sano ah ka shaqeyneysay Dhismaha guryaha ayaa sheegeysa in ay u ahayd shaqo muhiim ah oo ay ka dabarto nolosha caruurteeda. Waxa ay tilmaamtay in sababta looga ceyriyey shaqadan aysan mid cad, balse ay u sheegeen kaliya dadkii maamulayey shaqada in aysan qaban Karin oo ay dhibaato ku tahay in ay kasii shaqeeyaan Dhismaha guryaha dhagaxa ah. Faadumo ayaa sheegeysa…
Cabdiraxmaan Axmed Cabdi aqal galkiisa waxaa ka soo wareegatay Todoba bilood waxa uu la aqal galay Xaaskiisa Almaas Cabdi isaga oo shaqo la’aan ah, kaddib markii ay uu waayey shaqo uu raadinaayey muddo saddex bilood ah. Mudnaan gaar ah uma kala lahan Cabdiraxmaan guurka xilliga baagamuundada iyo marka uu qofku shaqeeyo, wuxuuna garab ka helaa Hooyadiis iyo Aabihiis oo ka taageera marashada iyo masruufka, inkastoo uu dareensan yahay in arrintaas ay culeyskeeda leedahay. Cabdiraxmaan oo ah wiilka kaliya ee qoyskiisa ku jira ayaa tilmaamay in dhibaatada ay bulshada kaga imaan karto ay tahay in xaaska lagu diro, iyada oo loo…
Dhallinyaro ka kooban Kow iyo toban isugu jira wiilal & gabdho ayaa Muqdisho ka wada tan iyo bishii July ee sanadkaan, wacyigalin la xiriirta dhibaatada uu leeyahay, iyaga oo taga Goobaha waxbarashada, nasiinada, & garoomada ciyaaraha oo ay isugu yimaadan dhallinyarada iyagaoo oo ku dhiirigaliya in ay wadanka ka shaqeystaan. Maxamed Saciid Faarax oo kamida dhallinyarada wada wacyigalin la xiriirta ka hortagga Tahriibka ayaa sheegaya in Shantii bil ee ay wadeen howshaan ay tageen 10 Iskuul iyo Saddex jaamacadood walina ay rajeynayaan in ay gaaraan kuwa kale. Ujeedada Maxamed & kooxdiisa ay leeyihiin ayaa ah in dhallinta ay uga digaan…
Abaaraha daran ee ka jira gobollada dalka gaar ahaan tan Jubbooyinka ayaa saameyn xooggan oo dhinaca ganacsiga ah ku yeelatay dhaqdhaqaaqa ka jiray Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose, maadaama qaarkood ay ku tiirsanaayeen reer miyiga. Maxamuud Xasan Cabdi oo in ka badan 10 sano kawaanka xoolaha ee Kismaayo ayaa sheegay in abaartan oo kale aysan soo marin halka uu ku nool yahay, ayna tahay in markii ugu horreysay saameynta abaarta laga dareemo Magaalada Kismaayo, hadda aysan u shaqeynin sidii hore, tan iyo markii ay abaarta ku dhufatay deegaanada Miyiga ah. Waxa uu xusay in Kawaanka hadda ay maalintii ku…
Beledweyne City, Hirshabelle State, Somalia, December 3, 2021: The Somali Media Association (SOMA) concluded three-day training workshop for 25 journalists on safety of journalists and election coverage in Beledweyne city, Hirshabelle State. The journalists participating in the training were from the various areas of Hirshabell State The training conducted in partnership with IMS-FOJO has been held from December 1st – 3rd , at in Beledweyne city, Hirshabelle State. The training focused on safety of journalists and election coverage. Trainers from the Somali Media Association (SOMA) were facilitating the training program that was delivered to the journalists to…
Daladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA ayaa maanta Magaalada Baladweyne kusoo gaba gabeeysay Tababar socday mudo 3-Maalmood ah kaasi oo ay ka qeyb galeen 25-Suxufi oo ka socday Warbaahinada ku yaala deegaanada Maamulka Hirshabeelle. Tababarkan ayaa waxaa Wariyaasha Lagu barayey Badqabka Wariyaha iyo tabinta Doorashooyinka waxaa bixinayey Macalimiin ka socday Dalada Warbaahinta Soomaaliyed ee SOMA. Axmed Ciise Guutaalle Madaxa Tababarada SOMA ayaa sheegay in tababarka uu lahaa faa’ido badan oo ku saabsab sare u qaadida xirfada wariyaasha Soomaaliyed ee ka howlgalo deegaanada Maamulka Hirshabeelle, asigoona ka qeeyb galayaasha ugu baaqay in waxyaabuu halkan ka barteen ay usii gudbiyaan wariyaasha kale ee…
Dallada Warbaahinta Soomaaliyed ee SOMA ayaa Magaalada Baladweyne ka furtay manta Tababar ku saabsab bad-qabka Wariyaasha iyo tabinta Doorashooyinka kaasi oo loo qabanayo Wariyaal ka kala socda Deegaanada Hirshabeelle. Tababarkan oo socon doono mudo sadax maalin ah ayaa lagu falaqeeyn doona qaabka ay Wariyaasha ku sugan deegaanada Maamulka Hirshabeelle ugu shaqeeyn karaan arimaha doorashooyinka iyaga oo aanan wax dhibaato ah la gaarsiin. Xoghaha guud ee Dallada Warbaahinta Soomaaliyed Maxamed Cismaan Makaraan ayaa sheegay in tababarkan ay u arkeen mid muhiim gaar ah u leh wariyaasha Madaama wadanka u uku jiro xaalad dooraasho. Sidoo kale Gudoomiye Makaraan ayaa sheegay…
Dhallinyaro aqoon yahanno isxilqaamay ah ayaa tan iyo bishii Oktoobar ee sanadkaan ayaa xeebta Liido ee Muqdisho ka waday olole nadaafeed, si meesha looga saaro qashinka iyo waxyaabaha kale ee wasaqda ah ee sida joogtada ah loogu soo shubo, taas oo caqabad ku ah duunyada ku nool badda dhexdeeda. Cabdisatar Carabow oo ah madaxa ololaha dhallinyaradaan ayaa SOMA u sheegay in fekirkaan uu ku dhashay laba sano kahor balse ugu danbeyn uu hirgalay Shan todobaad kahor, waxa uu xusay in aragtidaan ay ku dhalatay markii uu arkay xeebta oo ay daadsan yihiin qashin isla markaana ayna jirin cid masuuliyad iska…
In ka badan Sagaashan caruur ah ayaa nasiib u helay in ay waxbarashada dugsiga dhexe ay ku dhigtaan deegaanka Farlibaax iyadoo ardaydii ka horeeysay ay waxbarashada dugsiga dhexe iyo sare ay usoo aadi jireen Baledweyne ama magaalooyinka kale sida Muqdisho Maamulaha Schoolka Hoose, Dhexe iyo Sare ee Farlibaax Muxumed Cumar Cabdi ayaa sheegay in marxalado kala duwan ay soo martay waxbarashada Iskuulka, tan iyo sagaashameeyadii oo uu furan yahay. Waxa uu xusay markii hore ay ku bilaabeen in ardayda wax ku baraan geedaha hoostooda, si aysan aqoonta uga leexan. Waxa uu tilmaamay Hay’ado ka shaqeeya arrimaha waxbarashada ay uga dhiseen,…