Author: Web Master

Dhallinyaro ka kooban saddex iyo toban, ayaa Iskuulada, Jaamacadaha, iyo meelaha fagaarayaasha ah ee Muqdisho waxa ay ku beerayaan geedaha sida dhaqsaha leh ku baxa iyadoo ujeedkoodu yahay yareynta saameynta isbaddelka cimilada adduunka, iyaga oo howshaan wadaan tan iyo bishii Maarso ee sanadkaan. Axmed Cabdi Cusmaan oo ah horjoogaha kooxdan dhallinyarada ah ee ku midoobay magaca Madasha Deegaanka Soomaaliyeed ayaa SOMA u sheegay in howshaan ay ku dhalatay kaddib markii uu ku fikiray sida wax looga qaban karo abaaraha iyo fatahaadaha kusoo laalaabta dalka. Waxa uu xusay in dhirta ay kusoo gaarto qaab dalab ah, iyaga oo lacago ku siiya…

Read More

Sagaashan iyo laba arday oo isugu jira Konton wiil iyo Afartan iyo gabdhood oo wax ku barta Deaf Iskuul Gaalkacyo oo ku yaalla Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ayaa wajahaya duruufo adag oo ay kamid yihiin in Iskuulka uusan lahayn ama xitaa u dhaween goob ay wax ka cunaan ardayda dhigata, maadaama uu aad uga fogyahay magaalada, & sidoo kale in muddo dhan Shan bilood aysan macallimiinta qaadan wax mushaar ah. Maamulaha Iskuulkan Cabdiraxman Cabdulaahi Jaamac ayaa sheegaya in Iskuulka ay dhigtaan ardayda maqalka naafada ka ah kuwooda danta yar, islamarkaana aysan uusan iskuulka helin mashruuc dhamaystiran oo looga taageerayo xaga dhismaha…

Read More

Qiyaastii 40 kun oo qoys oo isugu jira beeraley, & xoola dhaqato ku noolaa Gobolka Gedo ayey saameyn ku yeelatay abaarta ka jirta gobolka, iyadoo uusan di’in roobkii xilliga deyrta ee la filayey inuu curto bishii Oktoobar, taas oo keentay in dadka & xoolahaba lasoo daristo Oon iyo daaq la’aan. Dadkaan oo intooda badan u guuray deegaano ka tirsan Gobolka Jubada dhexe ee uu maro Webiga Jubba si ay dadka iyo duunyada ugu helaanBiyo iyo daaq.  Deeganada laga soo sheegay abaaraha ee ay dadka ka guureen, ayaa ah dhulka miyiga ah ee u dhaxeeyo degmooyinka Baardheere iyo Ceelwaaq. Cabdullaahi Xuseen waxaa uu…

Read More

Dhallinyarada ku shaqeysta farsamada gacanta ee ku sugan magaalada Beledweyne ee Gobolka ayaa wajahaya shaqo la’aan ka dhalatay dagaalladii dhawaan ka dhacay Guricee kadib markii Alaabtii ay geeyn jireen halkaasi ay joogsatay. Dhallinyaraddaan ayaa horumar badan ka sameeyay sanadihii lasoo dhaafay wax soo saarkooda oo ay geeyan magaalooyin badan oo dalka kamid ah, waxaana magaalada ugu badan oo ay alaabta geyn jireen ay aheyd Guriceel. Yaasiin Cabdulle Guure oo da’deediiso tahay 24 sano waxaa ku shaqeynayay shaqaddaan muddo shan sano ah, waxaa uu ka dhaxlay aabihiisa oo ku shaqeyn jiray, waxaa uu hadda shaqaddan ku bilaa hooyadiisa iyo Lix carruur…

Read More

Munaasabad lagu Xusayey Maalinta Caalamiga ee dhameynta la Xisaab la”aanta Tacsiyada loo geyso Bahda Warbaahinta ee 2- da November ee uu soo qaban qaabiyey Daladda SOMA ayaa lagu qabtwy Magaalada Muqdisho, waxaa ka qayb galey Qaybaha Warbaahinta iyo qaybaha Bulshada. Munaasabada oo si heersaro ah loo so agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay  Xoghayaha Guud ee SOMA Maxamed Cismaan Makaraan wuxuuna sheegey in  aan marnaba la isaga hari Doonin Xadgudubyadii loo geystey Suxiufiyiinta Soomaaliyeed. Ismaaciil Khaliifa oo ah Xoghaayihii hore ee SOMA oo islamarkaana dhaawac Culus ka soo gaarey Qarax Miino oo loogu Xirey Gaarigiisa oo ka hadlayay munaasabada dhameynta…

Read More

MOGADISHU, Somalia, 31 October, 2021 – Somali Journalists Syndicate (SJS) and Somali Media Association (SOMA) condemn the arbitrary detention of eight journalists by South West State police in Baidoa on Thursday, 28 October while we call Galmudug police to unconditionally free journalist Mohamed Abdiwahab Tohow currently detained in Guriel town. On Thursday 28 October, South West State police led by Baidoa Airport police commander, Hussein Kerow detained seven journalists from local media houses— Qasim Mohamed Ahmed Aadan, (HCTV reporter); Abdirashid Ahmed, (Shabelle TV); Hassan Ali Daud (Star TV); Mukhtar Sheikh Adan (Radio Warsan); Abdullahi Nur Adan (Radio Warsan/Saab TV); Farah Hussein Haji…

Read More

Todobo iyo labaatan wariye oo wiilal iyo gabdho ah kana kala yimid Toban Magaalo ayaa Muqdisho loogu qabtay tababar ku saabsan sida loo soo saaro baraamijyo tayo sare leh, oo ay bulshada xiiseyneysa, & tabinta warbixinada arrimaha bulshada. Tababarkan waxaa u qabaneysay suxufiyiintan ururka warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA, iyadoo uu soconaayey muddo saddex maalin ah. Cumar Ahmed Ciise oo tababarkan uga yimid Magaalada Garoowe ayaa sheegaya in mudadii uu socday uu ka faa’iidey, sida loo qaado wareysiyada tayada sare leh, warbixinada qoraalka ee Raadiyaha, iyo sida xogta looga helo meelaha la rabo in warbixinada laga soo sameynayo. Waxa uu tilmaamay…

Read More

In ka badan Sideed iyo toban kun oo Qoys ayaa ku barakacay Deeganada Ceel-baraf, Af-cagaag, Saalax dha-dhaab, Qorsooni, Laanle, iyo Xajiinle oo ah deegaanada ku teedsan Magaalada Guriceel ee gobalka gal-gaduud. Shacabka ka qaxay magalada guriceel waxaa soo wajahay xaalado aad u adag oo ay ka mid yihiin Hooy la,aan, biyo la,aan iyo raashin yari, waxeyna yihiin usbuucii sedexaad kuwo  banaanka daadsan. Hooyo Xaliimo Ibraahim muuse waxey ka mid tahay dadka ka barakacay colaada magaalada iyo cabsida ciidamada magaalada isku haysata. Hooya xaliima iyo qoyskeeda oo waaxda istarliin ee xafada wada jir ka daganaa magaalada Guriceel waxey 13-kii bishan October…

Read More

Tan iyo bilowgii bishii September ee sanadkan waxaa aad qaali uga noqday gaaska loo isticmaalo karinta cuntada Magaalooyinka dalka guud ahaan, iyadoo suuqyada Muqdisho uu gaaray mar labalaab qiimihii uu horay u joogay, taas oo sababtay in qeyb kamida dadkii isticmaali jiray ay gabi ahaanba iska daayaan. Zamzam Aw Jaamac oo ah hooyada Afar carruur ah, kana mid ah dadka wax ku Karin jiray Gaaska ayaa sheegaysa in ay awoodi weyday soo iibsashada gaaska maadaama qarashka oo badan awgii ay ku qasbanaatay inay joojiso isticmaalka gaaska laakin ay ku talo jirto in ay isticmaasho haddii uu raqiiso oo qiimahi hore…

Read More

Tan iyo bishii Maarso ee sanadka dadka ku nool xerada dadka soo barakacay ee ku nool Kaamka Shareeca oo dhaca dhanka Galbeed ee Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa waday dadaalo ay ku dhisanayaan guryo, maadaama la galay xilli roobaad guryaha ay ku nool yihiinna aysan celin karin biyaha. Maariya Cabdullaahi oo ah hooyada Toban carruur ah, kana mid ah dadkii ka faa’iidey guryaha sida isxilqaanka ah ay uga dhisteen Kaamka Shareeca dadka soo barakacay ayaa sheegeysa in dhibaatooyin ay kamid tahay qabowga ay markii hore ku qabeen aqalkii ay deganaayeen oo ka sameysnaa maryop, iyo cooshado. Maariya oo deggan…

Read More