Author: Web Master

Boqolaal Haween danyar ah ayey shaqa abuur u noqotay Warshedda African Solution oo dib u warshedeysa qashinka lagu qubo duleedka Galbeed Muqdisho. Muslimo Macallin Mahdi oo Afartan jir ah waxa ay kamid tahay Hooyooyinka danyarta ah ee ka faa’iiday Shaqada Warshadani qabato, iyada oo Subax walba ay u kallahdo si ay Qashinka lagu gubo deegaanka Jaziira ee Duleedka Muqdisho uga soo hesho wax ay ka iibsato Shirkadda. Waxa ay sheegeysaa in ugu yaraan ay 10 KM ay subax walba lugeyso si ay usoo uruuriso caagadaha yaalla halkaas, maadaama ay usoo dhiciso caruurteeda masruufka, oo aan cidna ku garabsiin korintooda. Halkii…

Read More

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada iyo haayadda Caafimaadka Aduunka (WHO), ayaa si wadajir ah u xusay maalinta “yoolka caafimaadka loo dhanyahay oo 12 bishan ku beegneyd, si kor loogu qaado wacyiga baahida loo qabo in lahelo nidaam caafimaad oo hagaagsan oo si  joogta ah u socda. Yoolka Caafimaadka loo dhan yahay waxa uu yahay Qorsha in, in kabadan kala bar degmooyinka dalka oo dhan laga hirgaliyo, iyadoo la rajeynayo in ka faa’iideystaan dadka danta yar, si aysan u dareemin culeys Caafimaad. Sidoo kale waxaa socda qorshe 19 Isbitaal oo dalka oo dhan ah in ay bixiyaan adeeg caafimaad oo bilaash…

Read More

Magaalada Baydhabo ee gobalka Bay waxaa ka dhacay tababaro looga hadlaayey doorka ay ku leeyihiin dhalinyarada  Doorashooyinka dadban ee la filaayo In dalka ka dhacdo 2021-ka. Tababarkan oo ay ka qeyb galeen 80 dhalinyaro ah, oo isugu jira wiilal & gabdho waxaa soo qabanqaabisay Xatuunta cilmi baarista iyo Hormarinta aadanaha. Luul Salaad Ibraahim oo ah aas aasaha xaruunta Xatuunta cilmi baarista ayaa sheegtay in ujeedada dhalinyarada gabdhaha iyo wiilasha isugu jira ee tababaro la xariira doorashooyinka loo siinayo ayaa ah iney qeyb ka noqdaan ergooyinka wax dooranaya si bulshada iyo deegaanka qofka matala uu u noqdo qof aqoon leh, oo…

Read More

Duurufaha iyo caqabadaha  muda  dheer haystay  dadka qaba baahiyaha gaar ah ayaa ka hor istaagay in door iyo kaalin muuqato ku yeeshaan dawladnimada iyo mataalada dhanka siyaasada. Cabdullaahi Yariisow oo kamida dhalinyarada naafada ah una dhaq dhaqaaqa xuquuqdooda ayaa qaba in si cad loo banaystay ku tumashada xaqii ay lahayeen waxa uu sheegay in aan loo ogoleen ka shaqeynta Xafiisyada Dowladda. Waxa uu tilmaamay in dadka qaba baahiyaha gaarka ah kuwooda waxbartay ay dhowr mar isku dayeen raadinta shaqooyinka dowladda, balse aan lasiin. Cabdullaahi waxa uu SOMA u sheegay in dhibaatada jirta ay tahay in dadkaan laga aaminsan yahay in…

Read More

Saxaafadda Soomaaliya oo qeyb ka ah dalalka ugu horreeya tacadiyada ka dhanka ah suxufiyiinta, waxay wajahayeen dhibaatooyin isugu jira dhimasho, dhaawac, hanjbaad, afduub iyo wixii soo raaca. In ka badan 11 wariye ayaa la dilay tan iyo sannadkii 2017 iyaga oo qaarkood gudanaya howlahooda suxufinimo. Qaar kale ayaa lagu soo oogay dambiyo aysan galin sida Maxamed Cabduwahaab Abuuja oo  7dii bishii Maarso ee sannadkan laamaha ammaanku ku xireen Muqdisho, balse la soo daayay markii wax dambi ah ay ku weysay maxkamadda Ciidamada qalabka sida 5 bishii August ee sannadkan. Waxa uu dalka isaga tagay 2 bishan December ee sannadkan…

Read More

Reer miyiga xoola dhaqatada ah ee ku nool miyiga deegano hoosyimada degamada Guriceel maamulka galmudug ayaa si mutadwacnima ah ugu daaweya reer miyiga kale ee xoolaha dhaqatada ah. Deeganada Xodale, diiriye xasan, calaale, ayey dadkan xoolaha ka daaweyaan ka dib markii ay tababar ku saabsan sida xoolaha loo daaweyo ka helay ururka CERELPA ee xanaanada xoolaha gobalada dhexe iyago sii gaarsiiay reer miyiga kale una daaweya xoolaha. Maxamed Abdi Fiidow waxa uu ka mid yahay dhakaatiirta xoolaha ee CERELPA ee dadka reer miyiga ah u taba baray sida xolaha loo daweeyo, Maxamed wuxuu ii sheegay dadka reer miyiga ah iney…

Read More

Sideed bilood kadib waxaa dib u bilowdey qaar ka mid ah shaqooyinka uu xayirey COVID 19,kaasoo isu dhowaanshaha dadka in ay qaadaan cudurkaas ka dhalan kartey  dartiisna loo xanibey. Shaqooyinkaas waxaa ka mid ahaa dhismooyinka guriyaha iyo wadooyinka oo ay caado aheyd in ay dad badan ka qeyb qaataan,ciriiri badana ka jirey,isu dhiibka dhagaxa iyo shamiindada oo aysan dadka shaqada ku jira heli Karin masaafo isku jirsi kaga bad baadi karaan CORONA VIRUS. Dad badan oo danyer kunool magaalada iyo dadka barakacay ah ayaa noloshooda ku tiiraneyd tan iyo markii xanibaada dhacdeyna waxay galeen ciriiri dhanka nolosha ah,iminkase tartiib tartiib…

Read More

Haweenka mar walba waxay ku jiraan halgan muuqda iyo mid daahsoon oo ay qeyb kaga yihiin horumarinta bulshada. Balse ayaan-darrada jirta waxay tahay in, inaga mid ahi aysan ku baraarugsanayn kaalintooda. hayeeshe, ma ahan oo kaliya abaal-dhaca ay la kulmaan haween badan oo dunida ku nool dhibaatada qura ee heysata. Waxaa jira rabshado kala duwan oo lagula kaco haweenka iyo gabdhaha kuwaas oo jiilba jiil ay u soo joogeen waaya’aragnimadeeda. Soomaaliya mid ka mid ah rabshadaha lagu hayo haweenka waa hor istaagga cadaalladda oo ah tan u xukmisa dhibanaha xaqiisa. Dumarka dhibanayaasha ah ayaan helin gartii ay la haayeen. In…

Read More

Inta badan deegaanada miyiga ah gobalada Mudug & Galgaduud ee Maamulka Galmudug waxaa ka taagan colaad saameysay nolasha dad badan oo ku nool dhulka miyiga ah. Waxaa socda xal lagu doonayo in lagu joojiyo Colaadaan oo ay ku geeriyoodeen dad u badan birimageedo, kuwaa oo ay wadaan Waxgaradka iyo Culimada kasoo jeeda deegaanada ay ka dhacayaan. Nabadon Cabdirisaaq Xaaji oo kamida Waxgaradka Guriceel ayaa sheegaya in ay wali taagan tahay dhibaatada Colaada ay reebtay, Oday ahaanna aysan ka tagin doorkoodii ahaa Nabadeynta. Nabadoonka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in si deg deg ah ay kusoo afjari karaan dagaal beeleedyada ka…

Read More

MOGADISHU, Somalia 17 November 2020 – Somali Journalists Syndicate (SJS), Somali Media Association (SOMA), Disabled Journalists Association, representatives from Lower Shabelle Journalists Organisation, directors and editors from over 30 independent media houses today gathered in Mogadishu for a consultative conference raising concerns on the draconian Somali Media Law, the safety of the working journalists and denounced the rise of threats against the press. Leaders of journalists associations and independent media organisations have expressed their concern over a recent statement by the Somali Minister of Information, Mr. Osman Abokor Dubbe to the members of the international community appealing for support for…

Read More